Halyeey ka tirsan Real Madrid ayaa difaacay tababaraha kooxda, Xabi Alonso, kadib dhaleecayn badan oo lagu hayo, isagoo sheegay in maamulka kooxda ay tahay inay ka ilaaliyaan khilaafka uu la leeyahay ciyaartoyda.
Alonso waxaa maalmahan soo foodsaaray dhaleeceyn culus, gaar ahaan maadaama Real Madrid ay ku jirto xaalad natiijooyin liita, iyadoo ugu dambeyntii barbaro 2–2 ah la gashay kooxda Elche horyaalka La Liga.
Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya inuu tababaraha Basque-ga ahi galay khilaaf kala duwan oo uu la yeeshay qaar ka mid ah ciyaartoyda, oo ay ugu muhiimsan yihiin Vinícius Júnior iyo Federico Valverde.
Fernando Morientes, oo ka mid ah halyeeyada Real Madrid, ayaa aaminsan in maamulka kooxda ay tahay inay si degdeg ah uga dhex muuqdaan “dagaalka qabow” ee u dhexeeya Alonso iyo ciyaartoyda, isla markaana ay taageeraan tababaraha.
Wuxuu yidhi Morientes, sida ay qortay Mundo Deportivo:
“Maamulka ayaa awooddoodii lumiyay. Waa inay difaacaan tababaraha, gaar ahaan shirarka jaraa’id, sida uu sameyn jiray Valdano markii uu xilka hayay.”
Morientes ayaa hadalkiisa ku daray:
“Tababaruhu wuxuu u baahan yahay in la ilaaliyo. Ma aha inuu qabto 25 shir jaraa’id bishii isagoo kali ah u wajaha waqtiyada fiican iyo kuwa xun. Waxaan aqaan Xabi Alonso, waa nin deggan oo aan jeclayn inuu galo khilaafaadka noocan ah. Xaaladdan oo kale waxaan dareemayaa in maamulka kooxda aysan lahayn awooddii looga baahnaa. Waa inay si cad u yiraahdaan: ‘Kani waa tababarahayaga, kani waa mashruuciisa.’ ”
Weeraryahankii hore wuxuu sii raaciyay:
“Qof walba qayb ayuu ku leeyahay qaladka. Laakiin waxa i dhibi doona haddii ay dhacdo in qayb ka mid ah qolka ciyaartoydu ay ka go’do mashruuca cusub ee kooxda.”
Real Madrid waxay isku dayi doontaa inay soo kabato Arbacadan, iyadoo la ciyaaraysa Olympiacos, kulanka shanaad ee wareegga kooxda ee Champions League.
