Xabi Alonso ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Goordhoweed inuu noqon doono tababaraha cusub ee Chelsea. Wuxuu kooxda hoggaamin doonaa xilli ciyaareedka 2026-27 kadib markii uu saxiixay heshiis afar sano ah. Laakiin sidee ayuu u ekaan doonaa Safkiisa Xilli Ciyaareedka soo socda ?
Dabacsanaanta iyo xeeladdihiiisa ayaa miiska saareysa dhowr qaab ciyaareed. Alonso wuxuu Spain ka isticmaalay noocyo kala duwan oo ay ka mid tahay Formation ka 4-3-3, laakiin dhanka guulihiisii Bayer Leverkusen wuxuu ku gaaray Formation ah 3-4-2-1 Horyaalka Bundesliga.
Haddii uu Chelsea kula ciyaaro saddex daafac, iyadoo ay jiri doonaan saxiixyo waaweyn oo la filayo, yaa ka ciyaari doona boos walba?
GK: Mike Penders
Chelsea waxay xagaagan go’aan weyn ka gaari doontaa goolhayeheeda Robert Sanchez mararka qaar si fiican ayuu u ciyaaraa laakiin wali kuma qancin qaab ciyaareedkiisa qof walba sidaas darteed wuxuu wajihi karaa cadaadis ku saabsan in booskiisa loo keeno Goolhaaye kale oo kula dagaaltama
Cadaadiskaas lagama Helin goolhaayaha labaad Ee Filip Jorgensen kaas oo Blues u keensatay inuu la tartamo Robert Sanchez balse ku guuldarreystay inuu booska koowaad ka dhacsado Sanchez waxaana laga yaabaa inuu baxo si uu waqti ciyaareed u helo.
Laakiin Mike Penders ayaa isna muujinayay tayadiisa isagoo amaah ugu ciyaaraya kooxda Chalsea lala leeyahay Ee Strasbourg xilli ciyaareedkan. Wuxuu 21 sano jir noqon doonaa xagaagan, qaarna waxay isweydiin karaan inuu diyaar u yahay iftiinka cagaaran Ee Chelsea, laakiin go’aan geesinimo leh ayaa laga yaabaa inuu noqdo waxa kooxda u baahan tahay si ay u bilowdo waqti cusub.
RCB: Maxence Lacroix
Chelsea waxay u badan tahay inay suuqa u gali doonto daafac cusub xagaagan, gaar ahaan haddii ay rabaan inay si qoto dheer oo ku habboon ay u helaan nidaamka saddexda difaac.
Wesley Fofana ayaa si joogto ah u ciyaarayay xilli ciyaareedkan, isagoo helay waqti ciyaareedkii ugu badnaa tan iyo markii uu ku biiray Chelsea kadib dhaawacyo badan oo hore usoo gaari jiray.
Runtii markii Xabi Alonso uu Leverkusen kula guuleysanayay Horyaalkii Unbeaten ka ahaa sanadii 2023-24, Fofana xitaa hal kulan uma safan kooxda Chelsea xilli ciyaareedkaas.
Si kastaba waxaa laga yaabaa inuu booskiisa waayo haddii Chelsea ku guuleysato saxiixa daafaca Crystal Palace ee Lacroix, kaasoo Wargeyska TEAMtalk xaqiijisay inuu ku jiro liiska kooxda Blues doon doonayso.
Lacroix ayaa si weyn uga dhex muuqday kooxda Crystal Palace wuxuuna noqon karaa xulasho diyaar u ah xoojinta daafaca Chelsea, isagoo sidoo kale hore ula soo ciyaaray Alonso xilligii Bundesliga markii uu joogay kooxda Wolfsburg.
CB: Trevoh Chalobah
Alonso wuxuu u baahan doonaa ciyaaryahan uu ku kalsoonaan karo bartamaha daafaca, halkaasoo tiirka difaaciisu uu ahaan jiray kabtan ku xigeenka Leverkusen Jonathan Tah (oo hadda jooga Bayern Munich).
Chelsea dhexdeeda Chalobah wuxuu ka gudbay dhammaan shakiyadii jiray wuxuuna noqday mid kamid ah ciyaartoyda ugu badan ee la isticmaalo.
26 jirkaan ayaa hore uga ciyaaray bartamaha saddex daafac, sidaas darteed wuxuu ku raaxeysan lahaa booskaas.
Chelsea waxay heli kartaa ciyaaryahan ka fiican kasoo baxay akadeemiyadooda, laakiin Chalobah hore ayuu uga badbaaday cadaadisyo noocaas ah.
LCB: Levi Colwill
Xilli ciyaareedka dambe wuxuu noqon karaa mid weyn oo dib usoo laabasho u ah Colwill kadib dhaawicii ACL ee ka maqnaanshaha ku reebay inta badan xilli ciyaareedkan.
Ikhtiyaarada hadda jira dhexdeeda, wuxuu kula tartami doonaa Jorrel Hato kaas oo noqon doono daafaca dhexe ee bidix lugta ku ciyaara ee ugu muhiimsan Chelsea.
RWB: Geovany Quenda
Si la yaab leh daaficii midig ee Alonso uu Madrid ku lahaa waxaa kooxdiisii hore ku beddelay isla ciyaaryahankii uu Leverkusen ku lahaa.
Iyadoo Trent Alexander-Arnold uu ku dhibtooday inuu si fiican ula qabsado kadib markii uu Liverpool ka yimid, Alonso wuxuu hore guul ula gaaray Jeremie Frimpong isagoo uu macalin ugu ahaa kooxda Leverkusen
Ciyaartoyda weerarka jecel ayaa badanaa laga doorbidayay garbaha nidaamka Alonso – taasina waxay si fiican ugu habboonaan kartaa Quenda.
19 jirkaan oo xagaaga kaga soo biiri doona Sporting Lisbon ayaa ka ciyaari karaa garab ama wing-back.
Da’diisa darteed mar walba safka koowaad kama mid noqon doono, laakiin haddii uu si fiican u horumaro, wuxuu si fiican ugu habboonaan karaa nidaamka Alonso ka hirgelin karo Stamford Bridge.
CM: Reece James
Dabcan, musharax kale oo daafaca midig ah waa kabtanka Reece James, kaasoo leh awoodihiisa gaarka ah oo tababaraha cusub uu ka faa’iideysan karo.
formation ka 3-4-2-1, wuxuu ka ciyaari karaa daafaca dhexe ee dhinaca midig, wing-back ama khadka dhexe ee difaaca.
James ayaa xilli ciyaareedkan helay fursado badan oo khadka dhexe ah, halkaasoo uu sii muujin karo awooddiisa jireed iyo baasaskiisa wanaagsan.
CM: Moises Caicedo
Mid kamid ah ciyaartoyda ugu qiimaha badan Chelsea waqti Xaadirkaan, Caicedo ayaa kaalinta saddexaad kaga jira kooxda dhanka daqiiqadaha ugu badan ee uu ciyaaray dhammaan tartamada oo idil xilli ciyaareedkan.
24 jirkaan waxaad qiyaasi kartaa inuu sii wanaagsanaan doono sanadaha soo socda. In si ula kac ah looga saaro kooxda waxay noqon lahayd wax aan la maleysan karin aanay macquul ahayn.
LWB: Marc Cucurella
Alonso wuxuu Leverkusen ku lahaa wing-back bidix oo Spanish ah, waxaana la filayaa inay sidaas oo kale ka dhacdo Chelsea.
Laakiin halkii uu Alex Grimaldo usoo iibsan lahaa dib u mideyn, tababaraha wuxuu dhaxli doonaa koox uu Marc Cucurella durba kamid yahay ciyaartoyda loogu kalsoon badan yahay Haddii uusan Barcelona u wareegin, Cucurella wuxuu u badan yahay inuu sii ahaan doono ciyaaryahan muhiim u ah Chelsea xilli ciyaareedka dambe.
AM: Cole Palmer
Palmer ma sameynayaa wax ku filan si uu booskiisa ugu ilaashado qorshaha mustaqbalka fog ee Chelsea iyo Macalin Xabi Alonso?…. Wuxuu kaliya gool dhaliyay ama caawiyay lix kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, sidaas darteed qaar ayaa oran kara maya kama mid noqon karo Palmer Safka Alonso.
Laakiin marka uu maalintiisa helo iyo nidaam sax ah Palmer wali waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu hibada badan Chelsea isla markaana kooxda ay u aragto qayb weyn oo mustaqbalkeeda ah.
Waxaa laga yaabaa inuu ciyaaro door la mid ah kii Florian Wirtz ee nidaamka Alonso uu kusoo ciyaari jirau, inkastoo uu rajeynayo inuu England kaga waxtar badan yahay sidii Wirtz ahaa.
AM: Morgan Rogers
Chelsea waxay xilli ciyaareedkan dhibaato ku qabtay garabka bidix, iyadoo saxiixyadii xagaaga Alejandro Garnacho iyo Jamie Gittens ay qaab ciyaareed liita soo bandhigeen.
Haddii Alonso uu hirgeliyo nidaamka 3-4-2-1 oo aan lahayn garbo weerartama, Chelsea waxay heli kartaa xalal kale sida inay la saxiixato attacking midfielder ama halkaas ka ciyaarsiiso Enzo Fernandez ama Joao Pedro.
Chelsea waxaa laga yaabaa inay si adag u shaqeyso si ay Enzo Fernandez uga ilaaliso Real Madrid xagaagan kadib hadallo loo fasirtay inuu xiiseynayo kooxda Spain.
Laakiin xaqiiqda ayaa ah inuu kooxda Blues qandaraas kula jiro ilaa qandaraas dhacay 2032 taasoo kooxda Chalsea l caawin karta. Kaliya lacag waali ah ayuu kaga tagi karaa kooxda west London.
Taasi waa suurtagal Chelsea-na waxay lacagtaas waalida ah ku maalgelin kartaa attacking midfielder cusub. Morgan Rogers oo Aston Villa ah waa bartilmaameed riyo ah oo ay Chalsea lasoo wareegi karaan, inkastoo ay adkaan karto in laga soo qaato kooxda Aston Villa
Laakiin Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wali riixeyso saxiixa Rogers si kasta oo ay xaaladdu noqoto. Waxay u muuqataa qorshe weyn inay Blues ka leeyihiin, laakiin Chelsea lacag badan gelinteeda waxba lagama yaabo.
CF: Joao Pedro
Pedro waa mid kamid ah ciyaartoyda yar ee Chelsea ee xilli ciyaareedkan si weyn loogu ammaanay kadib markii uu dhaliyay 20 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda Chalsea.
Wuxuu si cad uga adkaaday Liam Delap kaas oo Bandhig liita soo Bandhigay, wuxuuna hadda isu diyaarin doonaa tartanka uga imanaya Emmanuel Emegha oo kusoo wajahan kooxda Chalsea.
Sida la sheegay Joao Pedro wuxuu ka ciyaari karaa gadaasha weeraryahan kale, laakiin sida ay wax hadda yihiin, waa inuu noqdaa xulashada koowaad marka la galayo xilli ciyaareedka cusub.
Xabi Alonso wuxuu caadiyan door bidaa weeraryahanno dhaadheer oo noqda bartilmaameedka kooxda, taasoo war wanaagsan u ah Pedro iyo Emegha labadaba

______________________