Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si weyn u dardar gelisay qorshaheeda suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo doonaysa inay lasoo saxiixato labo ciyaaryahan oo qiimahoodu gaarayo ku dhowaad £139 milyan isku darkooda.
Kadib markii ay xaqiijiyeen usoo bixitaanka booska Champions League, Manchester United ayaa hadda si buuxda diiradda u saareysa xoojinta kooxda xagaaga dambe.
Tababaraha ku meel gaarka ahaa Michael Carrick oo hadana Goordhoweed loo dhiibay shaqada buuxda Ee kooxda kadib markii shaqo cajiib ah uu qabtay isagoo kooxda dib ugu soo celiyay Champions League. Wuxuu kasoo saaray qaab ciyaareed liita isagoo kooxda qaab ciyaareed wanaagsan dib ugu soo celiyay
Si kastaba, United waxay filaysaa xilli ciyaareed adag oo 2025/26 ah maadaama ay tartamo badan ciyaari doonaan, sidaas darteed waxay qorsheynayaan inay xoojiyaan kooxdooda.
Wararka ayaa sheegaya in khadka dhexe uu yahay meesha ugu weyn ee ay doonayaan inay wax ka beddelaan, waxaana suuragal ah inay halkaas kusoo daraan ilaa saddex ciyaaryahan cusub. Sidoo kale waxay raadinayaan:
• Ciyaaryoy Garabka bidix ah
• Weeraryahan sidoo kale
• Daafac dhexe
• Iyo daafac bidix
Mid kamid ah bartilmaameedyada ugu waaweyn ayaa noqday xiddiga West Ham United u ciyaara Ee Matheus Fernandes
Fernandes ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahanka ugu fiican West Ham xilli ciyaareedkan, waxaana Wargeyska Daily Mail ay sheegtay in Manchester United ay sare u qaaday wadahadallada ku saabsan saxiixiisa.
Manchester United ayaa haysata miisaaniyad ku dhow £150 milyan si ay dib ugu dhisto khadka dhexe, iyadoo Fernandes loo arko bartilmaameed muhiim ah marka laga reebo xiddigaha kale sida:
• Elliot Anderson
• Aurélien Tchouaméni
• Iyo Carlos Baleba
Kuwaas oo ah Bartilmaameedyo kale ay United isha ku hayaan Waxaa sidoo kale la sheegay in Fernandes uu doonayo inuu ku biiro Manchester United, iyadoo wakiilkiisa uu toddobaadkan kulan la yeelan doono masuuliyiinta kooxda Manchester United waa war rasmi ah.
Dhanka kale warbixin kale ayaa sheegtay in Manchester United ay dirtay dalab gaaraya £69 milyan si ay ula soo saxiixato daafaca bidix ee Sporting Lisbon Ee Maxi Araújo
Maxi Araujo wuxuu sidoo kale ka ciyaari karaa garabka bidix, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahan badan oo waxtar u leh kooxda.
Haddii heshiisyadan ay hirgalaan Manchester United waxay xilli ciyaareedka xiga u tartamayaan koobabka iyagoo koox adag ah una tarrami karaan koob walba xitaa koobabka waa weyn.
