Man United oo Go’aan Cad Ka Gaartay Yan Diomande iyadoo Liverpool Hogaanka u Heyso Tartanka

Manchester United ayaa go’aan ka gaartay inay dalab u gudbin waayaan garabka RB Leipzig ee Yan Diomande, halka ciyaaryahanka uu kala dooranayo Liverpool iyo koox kale.

Michael Carrick ayaa Jimcihii si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha joogtada ah ee Man united kadib markii Manchester United ku dhawaaqday heshiis socon doona ilaa xagaaga 2028.

Carrick ayaa United ku hoggaamiyay kaalinta saddexaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan, wuxuuna sidoo kale kooxda u xaqiijiyay booska Champions League xilli ciyaareedka dambe, taasoo sare u qaaday miisaaniyadda suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Red Devils ayaa doonaysa inay xagaagan lasoo saxiixdaan garab weerar- iyadoo ugu yaraan labo khadka dhexe ah iyo daafac bidix ay sidoo kale ku jiraan mudnaanta ugu sareysa ee kooxda.

Mid kamid ah garbaha ugu hadal heynta badan xagaagan waa Yan Diomande oo RB Leipzig u ciyaara, kadib markii 19 jirkaan uu sameeyay 12 gool iyo sideed caawin 33 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa soo jiidatay kooxo badan oo Yurub ah, iyadoo Manchester United, Liverpool, Tottenham iyo Paris Saint-Germain dhammaantood lala xiriirinayo ciyaaryahanka.

Khabiirka suuqa kala iibsiga iyo wariyaha weyn Ee Fabrizio Romano ayaa shaaciyay in Manchester United wali xiiseyneyso ciyaaryahanka, balse ay go’aansatay inaysan dalab gudbin doonin inta qiimaha lagu doonayo oo ah £86M ilaa £100M inta u dhaxeyso laga yareenaayo

Fabrizio Romano ayaa kanaalkiisa YouTube Vedio uu soo galiye ku yiri: “Booska garabka weerarka waa mudnaanta koowaad ee Liverpool. Liverpool waxay rabtaa inay wax weyn ka qabato booskaas. Magaca Yann Diomande wali wuu jiraa.

“Liverpool waxay wada hadallo firfircoon la leedahay wakiillada Yann Diomande, Roc Nation Sport, oo ah shirkadda maamusha ciyaaryahanka.

“Liverpool kaliya ma aha kooxda xiiseyneysa, sababtoo ah Paris Saint-Germain sidoo kale way wada hadlayaan.

“Manchester United waxay la socotaa ciyaaryahanka, laakiin waxay hore ugu sheegeen dadka ku dhow ciyaaryahanka inaysan ku bixin doonin €100 milyan Diomande.

“Tottenham waxay isku dayday inay lasoo saxiixato, laakiin suurtagal ma noqon doonto, waxaana horeba u adkeyd sanadkii 2025 oo markaas ay rabeen inay lasoo wareegaan”

“Liverpool waxay wada hadal kula jirtaa Yann Diomande. Paris Saint-Germain sidoo kale.

“Hadda Diomande waa inuu go’aansadaa inuu Liverpool tagayo mise kooxda Paris Saint-Germain, Sidaas darteed ciyaaryahanka ayaa go’aamin doona jihada heshiiskan.”

Liverpool oo ku jirta meel wanaagsan si ay ula saxiixato Diomande

David Ornstein oo ah wariye kale oo ciyaaraha ka faalooda wararka suuqa kala iibsigana soo sheega ayaa Jimcihii shaaciyay in Diomande hadda yahay “bartilmaameed muhiim ah” oo Liverpool ah iyadoo kooxda ay raadineyso laba garab weerar.

Ornstein ayaa Bartiisa X ku qoray:

“Liverpool waxay isku diyaarisay meel xooggan oo ku saabsan ciyaaryahanka, haddii heshiiska dhinacaas uu noqdo mid macquul ah, wada hadallo rasmi ah oo u dhexeeya labada koox ayaa la filan karaa.”

Markii horaantii usbuucan la weydiiyay haddii uu RB Leipzig sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe, Diomande wuxuu yiri: “Haa.”

Markii wax laga weydiiyay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa, wuxuu ku jawaabay:

“Ma ka fikirayo arrintaas hadda. Waxaan joogaa Leipzig waxaana ku raaxeysanayaa inaan halkaan ka ciyaaro. Ugu dambeyntii, tirakoobka ayaa muhiim ah. Waxay ii ahayd sanad fantastik ah.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *