{"remix_data":[],"remix_entry_point":"challenges","source_tags":["local"],"origin":"unknown","total_draw_time":0,"total_draw_actions":0,"layers_used":0,"brushes_used":0,"photos_added":0,"total_editor_actions":{},"tools_used":{"transform":1},"is_sticker":false,"edited_since_last_sticker_save":true,"containsFTESticker":false}

Michael Carrick oo doonaya Sandro Tonali iyadoo Man United ku dhowdahay Ederson

Manchester United ayaa doonaysa inay lasoo wareegaan khadka dhexe kooxda Newcastle United Ee Sandro Tonali inkastoo ay sidoo kale ku dhowdahay saxiixa Ederson, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Kadib markii si rasmi ah toddobaadkii hore loo magacaabay Michael Carrick inuu noqonayo tababaraha xilli ciyaareedka danbe Manchester United maamuli lahaa, kooxda ayaa hadda diyaar u ah inay si xooggan u wajahdo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Warar badan ayaa tilmaamay in Red Devils ay doonayaan inay ugu yaraan xagaagan lasoo saxiixan doonaan labo khadka dhexe ah, daafac bidix iyo garab bidix weerar ah.

Mid kamid ah ciyaartoyda khadka dhexe ayaa u muuqda inuu noqon doono Ederson, iyadoo wariyaha caanka ah Ee Fabrizio Romano uu Axaddii shaaciyay in ciyaaryahanka Atalanta uu “mudnaanta siinayo” Manchester United kadib markii ay kooxda heshiis shaqsiyeed la gaartay Brazilian-ka.

Hadda wariyaha Talyaaniga ee Gianluca Di Marzio ayaa ku adkeysanaya in tababaraha cusub ee Manchester United Michael Carrick uu “doonayo” in Red Devils ay Sandro Tonali ka dhigto saxiixiisii ugu horreeyay.

Di Marzio ayaa yiri: “Tonali hadda wuxuu u ciyaaraa kooxda Newcastle, laakiin wuxuu noqon karaa ciyaaryahankii Talyaani ee ugu qaalisanaa abid. Waxaa Newcastle looga iibiyay ku dhowaad €70 milyan, oo ay ku jiraan lacagta rasmiga ah iyo gunnooyin.

“Waxaa jiray heshiis sharafeed ay Newcastle la galeen oo ay ku jirtay suurtagalnimada inuu ku biiro koox weyn haddii ay ku guuldarreystaan inay u soo baxaan Champions League, dabcan iyadoo qiime aad u sarreeya lagu qiimeynayo, qiyaastii €100 milyan oo lacag ah.

“Manchester United waxay go’aansatay inay diiradda saarto Tonali, iyadoon loo eegin Ederson. Tonali waa ciyaaryahanka ugu horreeya ee Carrick si gaar ah uga doonayo kooxdiisa Manchester United.

Waxa uu intaasi ku daray: “Waxaa jirta fursad weyn oo heshiisku ku dhici karo: wali lama oga inuu noqon doono €100 milyan, ama €75-80 milyan oo lagu daray gunnooyin, laakiin si kastaba wuxuu noqon doonaa heshiis weyn.”

Tababaraha Atalanta oo ka hadlay xiisaha Man Utd ee Ederson: “suuqa kala iibsiga wax walbo ayaa ka dhici kara, Mustaqbalka ma saadaalin karno waxa dhacaya”

Waxay u muuqataa inay jirto fursad wanaagsan oo Manchester United ay xagaagan ku heli karto Tonali iyo Ederson labadaba, iyadoo tababaraha Atalanta Raffaele Palladino uu si dadban uga hadlay wada hadallada Red Devils ee Ederson.

Markii wax laga weydiiyay xiisaha Manchester United ee Ederson, Palladino wuxuu yiri:

“Waxay ahayd go’aan lagu gaaray wadatashi lala yeeshay ciyaaryahanka sababtoo ah waxbaa ka socda suuqa kala iibsiga. Xaqiiqda ah in koox weyn oo sidan oo kale ah ay la socoto ciyaaryahanka waa inay noqotaa arrin lagu faano.”

Wariyaha Talyaaniga Niccolo Ceccarini ayaa ku adkeysanaya in heshiiska Ederson uu “ku dhow yahay gabagabo”, sidoo kalena Manchester United ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto xidiga Newcastle si ay ula saxiixato Tonali.

Ceccarini ayaa ku qoray wargeyska TuttoMercatoWeb:

“Kadib iibkii Lookman bishii Janaayo, Atalanta waxay dhawaan sagootin doontaa Éderson.”

“Brazilian-ka ayaa diyaar u ah waayo-cusub. Heshiiska Manchester United ayaa ku dhow gabagabo. Marka la soo koobo, Atalanta waxay isu diyaarineysaa lacag kale oo weyn, heshiis gaaraya €50 milyan.”

“Marka laga hadlayo ciyaartoyda khadka dhexe, Red Devils waxay ku dhow yihiin inay heshiis la gaaraan Newcastle oo ku saabsan Sandro Tonali.”

Man United fans hadaa labadaan heshaan kawarama ?

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com