DEG-DEG Manchester United oo ku dhow Rafael Leão kadib ku dhawaaqista katagi Taankiisii kooxda Ac Milan

Manchester United ayaa la sheegay inay qorshaynayso inay lasoo saxiixato Rafael Leao, kaasoo katagayo kooxda AC Milan.

Leao ayaa marar badan lala xiriiriyay inuu ku biiro Manchester United iyo kooxo kale oo ka tirsan Premier League sanadihii la soo dhaafay, waxaana jiray waqti loo arkayay inuu ka mid yahay garbaha weerarka ugu fiican Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Leao wuxuu kasoo baxay xilli ciyaareedkii 2025/26 oo niyad jab leh, kaasoo uu ku waayay taageero ka timid qaar ka mid ah taageerayaasha, waxaana hadda la soo jeedinayaa in AC Milan ay iibin karto xagaagan.

Suuqyadii hore ee kala iibsiga, qiimaha Leao ayaa ka hor istaagay inuu ka tago kooxda Serie A-da ka dhisan, iyadoo lagu qiimeynayay in ka badan £100 milyan, balse mowqifka AC Milan ayaa jilcay bilihii la soo dhaafay maadaama ay doonayaan inay iska iibiyaan.

Manchester United ayaa lagu xamanayay inay noqon karto meesha uu u wareegi karo xiddiga Leao, inkastoo tani ay u badan tahay in si gaar ah ay u riixayaan Leao iyo/ama wakiillada AC Milan si loo kordhiyo xiisaha kooxaha kale.

Warbixin toddobaadkan la daabacay ayaa sheegtay in Manchester United ay sameyn karto ilaa toddobo saxiix xagaagan, iyadoo sidoo kale dooneysa inay xoojiso garbaha weerarka.

Manchester United oo doonaysa lasoo wareegitaanka Rafael Leão

Waxay u muuqataa in United ay u badan tahay inay raadiso ciyaartoy kale halkii ay Leao dooran lahayd, maadaama heshiiskiisu qaali noqon karo marka la isku daro qiimaha lagu iibsanayo iyo mushaarkiisa, iyo sidoo kale hoos u dhicii uu sameeyay dhawaanahan. Si kastaba, warbixin ka timid Football Insider ayaa sheegaysa inay qorshaynayso saxiixiisa.

Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in qiimihiisu hadda yahay qiyaastii £43 milyan, iyadoo Wargeyska Football Insider ay intaa ku dartay in AC Milan ay diyaar u tahay inay ogolaato heshiis “qiimo jaban” lagu iibinayo Leao.

Warbixintu waxay sii raacisay:

“Ciyaaryahanka 26 jirka ah ayaa ku jira liiska kooxo badan oo Yurub ah marka la gaaro suuqa kala iibsiga, inkastoo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan inuusan hadda ka mid ahayn bartilmaameedyada ugu sarreeya ee United.

Kooxda Michael Carrick ayaa doonaysa ciyaaryahan cusub oo garabka ka ciyaara, taasoo ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee lagu xoojinayo kooxda kahor xilli ciyaareedka cusub, waxaana Leao uu ka mid yahay magacyo badan oo ay hadda tixgelinayaan.”

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in Leao uu hadda doonayo inuu sii joogo AC Milan wixii ka dambeeya xagaagan.

Warbixintu waxay sharraxaysaa:

“Shaki la’aan wuxuu aad uga xumaaday una niyad jabay sida ay ula dhaqmeen taageerayaasha Rossoneri bilihii la soo dhaafay. Wuxuu rajeynayay faham dheeraad ah oo ka yimaada taageerayaasha, mana dareemayo inuu joogo dhammaadka xirfaddiisa sida qof dibadda ka eegaya uu u maleyn karo.

Si taas la mid ah, wuxuu Ibrahimovic u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo, si uu uga gudbo xilli ciyaareedkii ugu adkaa ee uu ku qaatay Milan una noqdo mar kale mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda.

Waxay u badan tahay inuu durba isku arkayo inuu dib ugu laabanayo garabka weerarka, isagoo wata dhoolla-caddeyntii uu waayay muddo dheer. Hadda, laba arrimood oo fudud ayaa u baahan in la ogaado: Halkee buu u dhaqaaqi karaa Rafael Leão mise Wuu sii joogi doonaa kooxda Ac milan Hadii uu Milan sii joogo yey dhibaato ku tahay

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com