Sababta dhabta ah ee Liverpool u dooratay Andoni Iraola halkii ay ka dooran lahayd Xabi Alonso inay noqdaan tababaraheeda cusub ayaa la shaaciyay, mana la xiriirto waqtiga ama helitaankiisa.
Inkastoo ay jireen baaqyo badan oo lagu dalbanayay in Arne Slot shaqada laga eryo bartamihii xilli ciyaareedka, Liverpool way adkaysatay waxayna sugaysay qiimaynta dhammaadka xilli ciyaareedka ka hor inta aysan go’aan ka gaarin mustaqbalka tababaraha reer Holland. Sabtidii ayay caddaatay natiijada qiimayntaas markii Liverpool ay shaqada ka cayrisay Slot.
Raadinta tababare cusub ayaa bilaabatay, balse dhab ahaantii arrintu waxay u muuqataa mid horay loo sii dhammeeyay.
Tababaraha Andoni Iraola oo 43 jir ah ayaa la filayaa inuu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool Maamuli lahaa Xilli Ciyaareedka danbe. Wuxuu diiday xiisihii ay u muujiyeen kooxaha Crystal Palace, Bayer Leverkusen iyo AC Milan si uu u qabto shaqada Anfield.
Wariyaha Weyn Ee Fabrizio Romano ayaa horey u shaaciyay in Iraola uu noqon doono tababaraha xiga ee Liverpool. Warbixin kale ayaana sheegtay in heshiiska boqolkiiba 100 la xaqiijiyay
Inkasta oo Liverpool si degdeg ah ugu dhaqaaqday Iraola, haddana waxaa jira dad aaminsan in haddii Reds ay Slot shaqada ka eryi lahayd waqti hore, ay xoogga saari lahayd keenista Xabi Alonso.
Alonso wuxuu ahaa magaca ugu badan Ee lala xiriirinayay inuu beddelo Slot inta badan sanadkii 2026. Hase yeeshee, Alonso waxaa shaqaaleysiisay Chelsea bartamihii bishii May, xilli Liverpool aysan wali go’aan ka gaarin Slot.
Taasi waxay dhalisay Muran oo ah in Liverpool ay khalad weyn samaysay isla markaana ay lumisay fursaddii Alonso sababo la xiriira go’aan gaaris waqti dheer qaadatay.
Si kastaba ha ahaatee, weriyaha Wargeyska Athletic Ee Oliver Kay ayaa hadda sharaxay sababta dhabta ah ee Liverpool uga dooratay Iraola halkii ay ka qaadan lahayd Xabi Alonso.
Marka hore, khabiirka Bundesliga Kevin Hatchard ayaa ku qoray Bartiisa X (Twitter) in Liverpool aysan waligeed wadahadal la furin Alonso sababtoo ah waxay ka walaacsanayd qaab ciyaareedkiisa.
Liverpool oo ka walaacsanayd qaab ciyaareedka uu Xabi Alonso kooxaha u maamuli jiray
Waxa uu yiri: “Waxaan u malaynayaa in fikradda ah in Liverpool ay seegtay Xabi Alonso sababtoo ah Slot goor dambe ayaa la eryay ay tahay mid aan sax ahayn,” ayuu qoray Hatchard.
“Waa tababare weyn waana halyeey Liverpool ah, laakiin haddii aad rabto kubbad weerar badan, xawaare sare leh oo cadaadis joogto ah ku salaysan, isaga ma aha qofka kuugu habboon. Iraola wuxuu aad ugu dhow yahay qaabkii Klopp uu kooxda u maamulaye”
Weriyaha lagu kalsoon yahay Ee Ben Jacobs ayaa ka mid ah dadka xaqiijiyay in milkiilayaasha Liverpool ee FSG ay doonayaan inay dib ugu laabtaan kubbaddii weerarka iyo cadaadiska badnayd ee lagu yaqaanay xilligii Jurgen Klopp.
Anfield wuxuu noqdaa qalcad adag marka taageerayaashu si buuxda ugu lug yeeshaan ciyaarta, halka qaabkii Slot ee deggenaa uu noqday mid taageerayaasha hurdo geliya.
Qaabka Alonso ayaa sidoo kale xoogga saaraya xakamaynta ciyaarta halkii uu ka ahaan lahaa xawaare sare iyo halis qaadasho. Kooxaha uu tababaro ayaa inta badan sameeya baasas badan oo meelaha ciriiriga ah ah, halka kooxaha Iraola ay kubbadda si degdeg ah hore ugu riixaan.

Sida uu sheegay wariyaha Kay, Liverpool waxay horay bishii Maarso laba bilood ka hor intii aysan Chelsea shaqaaleysiin Alonso go’aansatay inaysan doonayn inay Alonso u magacowdo haddii Slot la eryo mustaqbalka.
Kay wuxuu ku jawaabay qoraalkii Hatchard:
Waxa uu yiri: “Bishii Maarso ayaa si cad la iigu sheegay in haddii ay raadinayaan tababare cusub taas oo markaas aan qorshahooda ahayn, uusan noqon doonin Alonso — sababaha aad sheegtay dartood.
“Haddii Liverpool ay rabto, si fudud ayay ula hadli kartay ka hor inta uusan qaban shaqada Chelsea. Xitaa wakiilkiisu waa isla kan Iraola. Laakiin ma aysan sameyn midaas.”
Qaabka Macalin Xabi Alonso wuxuu keenay guulo waaweyn, waana inaan la iloobin inuu Bayer Leverkusen ku hoggaamiyay horyaalkoodii ugu horreeyay abid ee Bundesliga.
Si kastaba ha ahaatee, qaabkiisa si sahlan looguma tilmaami karo mid xiiso badan, waxaana sida lagu arkay Slot, natiijooyin liita iyo qaab ciyaareed aan soo jiidasho lahayn ay noqon karaan isku darka ugu halista badan marka la maamulayo kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta.
Yaa ah qaabka kubada Jürgen Klopp uu Liverpool camal ku ciyaarsiin jiray Ireola mise Alonso ?
koorno.com Wararka Ciyaaraha