Kadib Markii kooxda Liverpool ay xaqiijiyeen in Xilli Ciyaareedka danbe kooxda Maamuli doono Andoni Iraola, Madaxda Liverpool ayaa Qorshaynaysa in Laba Saxiix oo Waaweyn keenaam kooxda Kadib Heshiiskii Iraola, £170 Milyan Ayayna Miiska Saareen iyadoo labada saxiix ee ugu horreeya ee uu doonayaan noqonaayo – mid daafaca dhexe ah (CB) iyo mid garabka weerarka ah (LW) oo ah booska Mo Salah
Tababare Andoni Iraola ayaa beddeli doona Arne Slot isagoo noqonaya tababaraha cusub ee Liverpool Maamuli lahaa xilli Ciyaaredka danbe, waxaana warkaas maanta subaxdii si rasmi ah u xaqiijiyay wariyaha Weyn Ee Fabrizio Romano isagoo adeegsaday ereygiisa caanka ah ee “Here We Go”.
Tababaraha 43 jirka ah waxaa doortay FSG kooxda Liverpool si uu dib ugu soo celiyo kooxda qaab ciyaareed weerar badan, cadaadis sare leh oo firfircoon sidii kabadali Jürgen Klopp lagu yaqaanay.
Si kale haddii loo dhigo, Liverpool waxay doonaysaa inay dib ugu laabato qaabkii ay ku ciyaari jirtay xilligii Jurgen Klopp, maadaama Klopp uu hadda ka fariistay tababarenimada, Iraolana loo arko qofka ugu dhow ee qaab ciyaareed ahaan la mid ah oona la aaminsan yahay in ay badalkii Klopp ay Kooxda Reds Heleen.
Kooxda uu Iraola Hogaamin jiray xilli ciyaareedkii Hore ayaa si weyn uga duwanaan doonta tan uu hadda la wareegayo.
Tusaale ahaan, Andy Robertson, Ibrahima Konate iyo Mohamed Salah ayaa dhammaantood ku bixi doona si xor ah (Free) marka qandaraasyadoodu dhamaadaan, Sidoo kale waxaa jira shaki weyn oo ku saabsan mustaqbalka Curtis Jones iyadoo Inter Milan ay xiddiga Horay ugu xiisaynaysay, halka Federico Chiesa loo ogolaaday inuu dib ugu laabto Talyaaniga.
Daafaca dhexe Jeremy Jacquet ayaa kasoo wareegaya kooxda Rennes, balse Liverpool waxay rajaynaysaa inay lasoo saxiixato daafac dhexe oo kale.
Sidoo kale baahida loo qabo beddelka tooska ah ee Mohamed Salah waa mid cad, waxaana wararku sheegayaan in laba saxiix oo wada gaari kara £170 milyan ay hadda soo socdaan.
Ibrahima Konate oo baxaya, Joel Ordonez oo imanaya maxay taasi ka dhignaan doontaa ?
Marka hore Wargeyska TEAMtalk ayaa sheegtay in Liverpool ay si weyn u danaynayso daafaca xulka Reer Ecuadorian-ka ah Ee Joel Ordonez si uu u noqdo beddelka Konate.
Ciyaaryahanka 22 jirka ah ayaa u ciyaara Club Brugge oo ka dhisan dhankaa iyo Belgium-ka wuxuuna mudo ku jiray liiska ciyaaryoyda Liverpool doondoonayeen Muddooyinkii lasoo dhaafay.
Sida uu sheegay wariye Graeme Bailey, kooxda Club Brugge ayaa hadda diyaar u ah inay xiddiga ku iibiso daafacan dhererkiisu yahay 6 fiit iyo 2 inch qiime gaaraya £40 milyan.
Bailey wuxuu yiri:
“Kooxda shaqaaleysiinta ciyaartoyda ee Liverpool waxay si qoto dheer u qiimeeyeen bartilmaameedyo badan oo dhanka daafaca ah, Joel Ordonez-na wuxuu ka mid yahay magacyada si dhab ah loo tixgelinayo.”
Xiddiga Reer Ecuador wuxuu noqday mid ka mid ah daafacyada da’da yar ee ugu hibada badan Yurub kadib saddex xilli ciyaareed oo cajiib ah oo uu ku qaatay kooxda Club Brugge, waxaana la filayaa inuu xagaagan kooxda ka tago.”
Bailey Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ognahay in kooxda Club Brugge ay diyaar u tahay inay ku iibiso haddii la bixiyo lacag ku dhow £40 milyan, taas oo sii kordhisay xiisaha loo qabo ciyaaryahanka.
Qaybta indha-indheynta kooxda Liverpool ayaa si dhow ula socotay Ordonez, waxaana gudaha kooxda laga aaminsan yahay inuu leeyahay tayada looga baahan yahay inuu ku guuleysto gigada Anfield.
Xawaarahiisa, degganaanshaha uu kubbadda ku maamulo iyo awoodda uu si adag ugu difaaco meelaha bannaan ayaa ah astaamo aad u soo jiitay madaxda kooxda Reds”
Liverpool oo Salah ku bedelaysa Yan Diomande macaquul matahay?
Xiddiga u ciyaara kooxda RB Leipzig ee Yan Diomande ayaa ah ciyaaryahanka Liverpool ay si weyn u doonayso inuu noqdo beddelka Mohamed Salah.
Wararka ka imanaya dhankaa iyo Faransiiska ayaa sheegaya in garabka 19 jirka ah uu iftiinka cagaaran siiyay ku biirista kooxda Liverpool.
Diomande sidoo kale wuxuu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda PSG, balse waxaa la sheegay in Liverpool ay hadda diyaar u tahay inay bixiso lacag ka badan tan PSG.
Sidaas darteed, haddii Leipzig ay heshiis la gaarto kooxda kubada cagta Ee Liverpool, Reds wax dhibaato ah kala kulmi mayso heshiiska shaqsiga ah ee ciyaaryahanka Reer Ivory Coast.
Dhanka qiimaha, wararkii hore waxay inta badan sheegayeen inuu ku kacayo lacag dhan £86 milyan ilaa €100 milyan
Si kastaba ha ahaatee, warbixintii ugu dambeysay ee wargeyska Jarmalka ee The BILD ayaa sheegaysa in Leipzig ay hadda rumeysan tahay inay xiddiga ku heli karto ilaa £150 milyan £130 milyan, haddii Liverpool iyo PSG ay galaan tartan dalabyo isdaba joog ah.
Liverpool waxay dhowaan muujisay inay diyaar u tahay inay bixiso lacag aad u badan marka ay si buuxda ugu kalsoon tahay ciyaaryahan.
Waxay laba jeer jebisay rikoodhkeedii suuqa kala iibsiga markii ay lasoo saxiixatay Florian Wirtz iyo Alexander Isak xagaagii hore Ee ay Xilli Ciyaareedkii Hore ku lacag beeleen, waxaana suuragal ah in Diomande uu noqdo saxiixoodii saddexaad ee ka badan £100 milyan ku soo iibsaday.
Dhanka waqtiga, Fabrizio Romano ayaa sheegay in Diomande uu doonayo inuu ku biiro koox cusub – ha noqoto Liverpool ama PSG – ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka Ee 11-ka Juun baasmi doona
koorno.com Wararka Ciyaaraha