Tartanka madaxweyntinimada kooxda Real Madrid ayaa si degdeg ah isu beddelay, iyadoo Madaxwaynaha waqti xaadirkaan Ee kooxda Real Florentino Perez iyo Enrique Riquelme ay adeegsanayaan xeelado kasta oo suurtagal ah si ay taageerayaasha ugu qanciyaan inay u codeeyaan mid waliba.
Hadii aadan la socon aan kaa daba geeyo sheekada siday ku bilaabatay ilaa iyo hada waxa socda…
Florentino Perez Kadib markii laba ciyaaryahan oo kooxda uu Madaxwaynaha u yahay ay si dhab ah isugu dhaceen gacan ka hadalna dhacay sidoo kale dagaal weyn kooxda ka dhex dhecay oo labo labo la iskugu qabsaday, Pérez ayaa qabtay shir jaraa’id oo socday saacad dhan. Marka laga tago qaybihii uu magacyadooda ku weeraray wariyeyaasha uu ku sheegay inay dhammaantood fool xun yihiin, isla markaana uu sheegay in ciyaartoydu is garaacaan ay tahay wax caadi ah, 79 jirkan ayaa ku dhawaaqay inuu qabanayo doorashooyin si uu u xoojiyo awooddiisa kooxda.
Waxay ahayd tallaabo xeeladaysan oo Perez qaaday taasoo dareenka ka weecisay khaladaadkiisii xilli ciyaareedkii hore. Shuruudaha doorashada ayaa ahaa kuwo aad u gaar ah oo u muuqday in Perez kaligiis tartami karo. Laakiin sidaas ma noqon.
Enrique Riquelme oo ah ganacsade u dhashay dalka Spain oo hantidiisa ka sameeyay tamarta la cusboonaysiiyo, ayaa ku dhawaaqay inuu la tartami doono Madaxwayne Florentino Perez, taasoo ka dhigtay in madaxweynaha hadda jooga uu markii ugu horreysay tan iyo 2004 wajaho loollan dhab ah.
Riquelme inuu tartamayo ma ahayn wax gebi ahaanba lama filaan ah; 27 jirkan ayaa afartii sano ee la soo dhaafay si dadban u muujinayay damaciisa ah inuu maalin un Madaxwayne u noqdo kooxda Real Madrid, inkastoo doorashooyinka degdega ah ee la qabtay halkii laga sugayay 2029 ay si lama filaan ah ugu noqdeen.
Enrique Riquelme oo sameeyay balanqaad waali ah isagoona yiri waxaan keeni doonaa Haaland,Rodri iyo kuwo kale oo la mid ah Hadii lay doorto
Riquelme ayaa kasoo muuqday barnaamij caanka ah Spain isagoona kasoo muuqday Tv-ga El Hormiguero lagu magacaabo, halkaas oo uu ugu talagalay inuu sameyn doono ku dhawaaqis weyn.
Markaa ninka rajaynaya inuu maamulo kooxda ugu weyn adduunka ayaa dooddiisa ku hor jeediyay laba caruusadood oo casaan ah.
Kahor intaanu barnaamijka kasoo muuqan, Riquelme ayaa wuxuu sheegay inuu shaacin doono magaca xiddig weyn oo super ah oo uu si boqolkiiba boqol ugu biiraya kooxda Real Madrid haddii uu ku guuleysto doorashada loona Codeeyo isaga.
Taageerayaasha kooxda Real Madrid iyo kuwa Barcelona ee sugayay inay ku qoslaan ayaa daawaday si ay u maqlaan magacaas.
Magaca uu sheegay wuxuu ahaa: Erling Haaland.
Riquelme wuxuu watay funaanad kooxda Real Madrid ah oo dhabarka kaga qoran tahay Haaland iyo lambarka 9aad, isagoo kor u taagay.
Intii barnaamijka socday wax kale ayaa isla waqtigaas ka dhacay halkaas waxa uuna ahaa Xayeysiintii Perez ee ahaa lasoo wareegitaankiisii Macalin José Mourinho
Wax yar kadib markii Riquelme shaaciyay Haaland, barnaamijku wuxuu galay fasax xayeysiis oo sida ay TV-yada wax yar daqiiqdao Xayeeysiis ugu soo daraan tv-yadooda
Waxaa soo baxay qoraal leh:
“Inta ay TV-ga ka hadlayaan oo hadal badan sameynayaan…”
Kadibna waxaa la tusay saxiixa weyn ee Perez: Jose Mourinho.
Tababaraha reer Portugal ayaa si kooban u yiri “Si”, kadibna waxaa soo baxay ereyada “Vote Florentino 2026”.
Perez wuxuu sheegay fariin ahaan: “Halkaas waa hadiyaddii aan idiin waday.”
Markii xayeysiintu dhammaatay, Riquelme wuxuu u ekaa qof argagaxsan markii loo sheegay waxa dhacay.
Macalin José Mourinho oo sheegay in Fanaanada ugu jiray uu ahaa AI
Koox caadi ah, halkaas ayay sheekadu ku dhammaan lahayd.
Laakiin tani ma aha koox caadi ah.
Sida ay sheegtay warbaahinta Portugal ee Record, Mourinho ayaa la xiriiray kooxda Benfica si uu ugu sheego in muuqaalka isaga oo xiran funaanadda Madrid uu ahaa mid lagu sameeyey garaadka macmalka Ee AI.
Sababta ayaa la sheegay inay tahay in muuqaal uu ku xiranyahay funaanad koox kale ay keeni karto cawaaqib heshiiskiisa ah.
iyadoo sidoo kale goordhoweed ama saacidihii lasoo dhaafay kooxda Benfica ay soo saareen bayaan rasmi ah oo ku saabsan José Mourinho, iyadoo Kooxdu xaqiijisay in haddii Florentino Pérez ku guuleysto doorashada madaxtinimada ee soo socota ee Real Madrid, uu bixin doono lacag dhan €15 milyan si José Mourinho dib loogu soo celiyo kooxda Rea Madrid.
Qoyska Haaland oo sheegeen inay been tahay arrinkaas
Ku dhawaaqista saxiix xiddig weyn waxay ku xiran tahay hal shay oo muhiim ah: in ciyaaryahanka iyo kooxdiisu ay ogolaadeen.
Qof kasta oo caqli leh ayaa is waydiin lahaa: “Ma Haaland-ka heshiiskiisu socdo ilaa 2034 baa? Ma Haaland-ka qaata £525,000 toddobaadkii baa? Ma Haaland-ka qiimihiisu gaari karo £300 milyan baa?”
Fikradda ah in mid waliba oo musharaxa ah ay kooxda Manchester City ay xitaa wadahadalo isku dayeen inay la gasho waxay u muuqatay wax lagu qoslo.
Sidaas darteed lama yaabin markii qoyska Haaland ay soo saareen jawaabtan
Familyka ayaa waxa ay yiraahdeen: “Waa madadaalo badan laakiin RUN MA AHA,” ayay u sheegeen Fabrizio Romano.
“Waxaan labada musharaxba u rajaynaynaa nasiib wacan doorashada Real Madrid.”
Yaab ma leh.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Manchester City ay ka fiirsanayso tallaabo sharci ah kadib hadalka Riquelme.
Riquelme wuxuu ballan qaaday inuu isagu bixin doono lacagahaas lagu iibinayo Haaland balse Riquelme wuxuu ogyahay inuusan u badnayn inuu guuleysto.
Sidaas darteed wuxuu sameynayaa ballanqaadyo waaweyn isagoo og inay u badan tahay inuusan fulin doonin balan qaadahaas in Haaland oo Heshiis waqti dheer ku jira city iyo sidoo kale ah ciyaartoyga ay city ku tashadaan teeda kale lacagaha Heshiiskiisa lagu burburin karana waali yihiin ilamaha inuu balamahaas fulin karo.
Wuxuu sheegay inuusan kaliya keeni doonin Haaland balse sidoo kale Rodri uu keeni doono:
Waxa uu intaa ku daray in haddii uu ku guuldareysto fulinta ballanqaadyadiisa doorashada, uu bixin doono kharashaadka xubinnimada 100,000-kun xubnood ee Madrid.
Xubnaha Real Madrid waxay bixiyaan €174 Milyan sanadkii, taasoo ka dhigan in dammaanaddiisu ku kici karto qiyaastii €12.3 milyan.
Laakiin nin hantidiisu lagu qiyaaso €187 milyan ayaa u arki kara maalgashi mudan haddii ay kursiga Madrid u horseeddo.
Warka wanaagsan ee dadku sugi la’yihiin ayaa ah in ay doorashada kaliya harsan tahay saddex maalmood oo kaliya kahor doorashada June 7, sidaas darteed xeeladaha qarsoon ee labada dhinac waxay u badan tahay inay sii xumaanayaan maadaama mid waliba wax uu iska balan-qaadayo.
Adiga ahaan ayay kula tahay in Xilka Madaxweyntinimo Ee kooxda Real Madrid qaban kara ?
koorno.com Wararka Ciyaaraha