DEG-DEG: Kooxda Arsenal oo Dharbaaxo Culus kala kulantay Julian Álvarez iyo Hakadka Heshiiska Barça - koorno.com

DEG-DEG: Kooxda Arsenal oo Dharbaaxo Culus kala kulantay Julian Álvarez iyo Hakadka Heshiiska Barça

Dharbaaxo weyn oo dhinaca suuqa kala iibsiga ah ayaa ku dhacday kooxda Arsenal kadib markii la shaaciyay in xiddiga Reer Arjentina Ee Julian Alvarez uusan diyaar u eheen u dhaqaaqista Horyaalka Premier League gaara ahaan kooxda Arsenal, Inkastoo kooxda uu hoggaamiyo Macalin Mikel Arteta ay isu muujisay kooxda labaad Ee si weyn ee doonaysa weeraryahanka xagaagan marka laga yimaado kooxda Barcelona, haddana xiddiga reer Argentina gabi ahaanba ma doonayo inuu u guuro London.

Arsenal ayaa noqotay kooxda keliya ee si dhab ah ugu diyaar garoobaysa inay dalab rasmi ah u gudbiso weeraryahanka Atletico Madrid Ee Julian Alvarez xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wariyaha Pedro Fullana oo lagu baahiyay Wargeyska SER Deportivos, weeraryahanka 26 jirka ah ma tixgelinayo inuu ku biiro kooxda Arsenal sababtoo ah si cad ayuu uga soo horjeedaa inuu ku noolaado caasimadda England.

Iyadoo dadaalkii dhaqaale ee Barcelona ay sida zaaidka ahaa Isbuucyadii lasoo dhaafay ay ku doon doonaysay uu hadda hakad ku jiro, ku guuleystaha Koobka Adduunka wuxuu u muuqdaa mid ku qanacsan inuu sii joogo gudaha Spain isagoo hoos jooga Diego Simeone halkii uu ku qasbi lahaa bixitaan.

WARBAAHIN SPAIN AH OO SHEEGTAY HAKADKA GALAY HESHIISKA BARCELONA IYO ÁLVAREZ:

Sheekada ku saabsan Barcelona iyo weeraryahanka Julian Álvarez ayaa hadda gaartay meel Hakad ah oo istaag ah, iyadoo kooxihii kale ee xiisaynayay ay sidoo kale ku dhibtoonayaan inay horumar muuqda sameeyaan.

Isagoo sharxaya xaaladda cakiran ee suuqa kala iibsiga, Fullana wuxuu sheegay intii lagu jiray barnaamijka SER Deportivos in dhammaan howlgalka ay ku lug leeyihiin kooxo badan uu yahay “mid gebi ahaanba hakad galay.”

Wuxuu sii faahfaahiyay in inkastoo kooxda waqooyiga London ka dhisan Ee Arsenal ay tahay kooxda keliya ee bixineysa waddo macquul ah oo Heshiis rasmi ah lagu gaari karo, haddana diidmada ciyaaryahanka ee ku aaddan inuu u guuro London ay ka dhigaysa heshiiska xagaagan mid adag.

QORSHAHA AY LEEDAHAY KOOXDA ATHLETICO MADRID EE DIB U DHISKA KOOXDA & CIYAARTOYDA DHIBAATADA KU AH ALVAREZ BIXITAANKIISA:

Kooxda Atletico Madrid ayaa gabi ahaanba ka walaacsaneen wararka dibadda kasoo baxaya, iyadoo si firfircoon u dhisaysa qorshaheeda xilli ciyaareedka soo socda iyadoo ku tiirsan weeraryahankan awoodda badan kadib 20-kii gool uu siiyey xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda reer Spain ayaa taa beddelkeeda mudnaanta siinaysa saxiixyada daafacyada iyo khadka dhexe, iyadoo la socota daafaca bidix ee Chelsea Marc Cucurella isla markaana waxa au isha ku haysaa xaaladda Bernardo Silva.

Ololahan weyn ee saxiixyada ay kooxda Athletico Madrid ku doonayaan ayaa ku xiran sii haynta ciyaartoyda muhiimka ah Ee Alvarez, kaas oo heshiiskiisu soconayo ilaa June 2030.

About toozaani@gmail.com

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com