Ian Wright ayaa Ka Falceliyay Garsooreheena Soomaaliyeed Ee Omar Cabdulqaadir Artan kadib Markii Loo Diiday Gelitaanka dalka Mareykanka
Halyeeygii Ee kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa si caro leh uga hadlay kadib markii garsoore Omar Cabdulkadir Artan loo diiday inuu galo Mareykanka, taasoo ka hor istaagtay inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka 2026.
Omar Artan oo loo aqoonsan yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex-dhexaadiya ciyaaraha Muundiyaalka Dunida balse ma aysan dhicin midaas.
Si kastaba ha ahaatee, garsooraha 34 jirka ah ayaa laga hor istaagay inuu dalka galo markii uu gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Miami, taasoo sababtay inuusan ka qeyb geli karin tartanka xagaagan.
FIFA ayaa bayaan ku saabsan Garsoore Omar Artan kadib Markii loo diiday Galitaanka gudaha Usa ay soo saartay ku sheegtay:
“FIFA waxay xaqiijinaysaa in garsoore Omar Cabdulkadir Artan uusan awoodi doonin inuu ka mid noqdo Garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026 dhex dhexaadin lahaa kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka, anaga FIFA ka ahaan kuma lug lahni arrimaha socdaalka iyo bixinta fiisooyinka ee waddanka martigelinaya, waxaana naloo sheegay in xaaladda Mr. Artan aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin waqtigan sida ay Dunida caalamka ar keysay, Sida dhacdooyinkii hore Ee Muundiyaalka dunida Horay Loogu qabtay, waddanka martigelinaya koobka aduunka ayaa go’aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho, balse anaga ma goaamino waana sababta aan wax ugu qaban weynay Garsoore Artan, oo Go’aaka Mareykanka ayaa is kaleh”
IAN WRIGHT OO CARADIISA MUUJIYEY KADIB MARKII GARSOORAHEENA SOOMAALIYEED OMAR ARTAN LOO DIIDAY GELITAANKA GUDAHA MAREYKANKA:

Ian Wright ayaa muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku muujinayo sida uu uga xun yahay dhacdadan.
Wuxuu yiri: “Saacad kasta waxaa soo baxaya sheeko cusub. Taageerayaal la diiday, ciyaartoy la diiday, saraakiil la diiday, saxafiyiin la diiday, haddana garsoorayaal? Waan qoslayaa laakiin arrintu ma aha mid lagu qoslo.”
“Tigidhadu waa qaali, hoygana waa qaali, gaadiidkuna cirka ayuu isku shareeray. Ma sidan ayay tahay habka loo martigeliyo tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka Ee Koobka aduunka?”
“Tani ma tahay quruxdii iyo sidii lagu yaqaanay kubadda cagta?, Runtii Dadka aan ugu naxayo waa taageerayaasha Mareykanka ee si weyn u sugayay tartankan. Waa arrin ceeb ku ah iyaga.”
“Koobkan Adduunkan wuxuu noqday koob jahwareer badan. Koox kasta oo ku guuleysata waxay mari doontaa caqabado waaweyn. Waxaan rajeynayaa inaan guuleysanno, laakiin arrintan waa in laga hadlaa.”
GARSOORE OMAR ARTAN KADIB MARKII RIYADIISII AY BURBURTAY ARTAN AYAA BAYAAN KU MUUJIYEY NIYAD WANAAGIISA ISAGOO MASSAGE USOO DIRAY CIDKASTA:
Wuxuu yiri Omar Artan: “Inkasta oo xaaladdani dhacday, haddana waxaan ku jiraa niyad wanaagsan, waxaana diiradda saarayaa Mustaqbalkeyga waxa xigi doona, Waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa FIFA iyo CAF taageeradooda, waxaana ballanqaadayaa inaan sii waddi doono heerarka sare ee garsoornimadayda, Sidoo kale waxaan aad uga mahadcelinayaa Muucaashaqiinta kubadda cagta fariimaha ay ii soo direen, waxaana saaxiibadayda u rajeynayaa guul inta lagu jiro Koobka Adduunka. Waxaan rajeynayaa inaan mar kale kula midoobo tartamada mustaqbalka”
Omar Artan wuxuu ka mid ahaa siddeed garsoore oo CAF u xulatay inay ka qeyb galaan Koobka Adduunka 2026. Ilaa hadda lama shaacin cidda beddeli laaha
koorno.com Wararka Ciyaaraha