LIVERPOOL oo Markaan qasab ku noqonaysa inay soo iibsato Diomande sababtoo ah..? - koorno.com

LIVERPOOL oo Markaan qasab ku noqonaysa inay soo iibsato Diomande sababtoo ah..?

Kadib Bixitaankii Mohamed Salah dhammaadka xilli ciyaareedka Liverpool ayaa umuuqata mid la daalo dhaceysa badelka Mo salaha waxaana u muuqda in Yan Diomande uu yahay xalka ugu wanaagsan ee suurtagalka ah. Nasiib darro Reds-ka waxay u badan tahay inay la kulmaan dhibaato la mid ah tan daafacyada Ecuador ay kala kulmeen joojintiisa Philadelphia Axaddii. Si uun, bandhiggii cajiibka ahaa ee Diomande kulankiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka wuxuu ahaa war wanaagsan oo Liverpool ah, maadaama uu si cad u muujiyay sababta ay u aaminsan yihiin inuu isbeddel weyn ku keeni karo weerar si weyn u liitay xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka kale dabcan awoodda gorgortanka ee RB Leipzig ayaa sii xoogaysatay kadib qaab ciyaareedkii xiisaha lahaa ee xiddiga Ivory Coast ee masraxa ugu weyn kubadda cagta. Qiime aad u sarreeya hadda waa la hubaa – haddii aanu markii horeba ahayn – taasina shaki la’aan waa dhibaato Liverpool haysata laba sababood dartood.

Marka hore, kuma jiraan xaalad ay ku bixin karaan lacag la mid ah tii ay bixiyeen xagaagii hore, markaas oo ay £450 milyan ilaa $500m ku qarash gareeyeen ciyaartoy cusub, iyagoo aan guul weyn ka gaarin. Xaqiiqdii, waqti dheer ka hor dhammaadka olole adag oo koob la’aan ku dhammaaday, waxaa caddaatay in Reds-ku aysan u baahnayn oo keliya xiddig garabka weerarka ka ciyaarayo ugu yaraan saddex boos oo kale ayay u baahan yihiin inay iska soo xoojiyaan: khadka dhexe, daafaca midig iyo daafaca dhexe.

Sidaas darteed waxaa jirta fursad dhab ah oo ah in Liverpool aysan awoodin inay sabab uga dhigaan in inta badan dhaqaalahooda suuqa kala iibsiga lagu bixiyo hal ciyaaryahan, taas oo waddada u banneysa Paris Saint-Germain inay Diomande ku darto ururinteeda cajiibka ah ee garba ciyaareedyada heer caalami. Xitaa marka la tixgeliyo qiimaha weyn ee heshiiska, Liverpool ma awoodi kartaa inay seegto saxiixa xiddig mustaqbal weyn leh?

Liverpool oo ka shalaaneysa diritaanka Luis Diaz beddelkiisana ku dhibaatoonaysa

Liverpool si dhab ah ayay u dareentay khasaaraha ka dhashay inay beddel u heli weydo Luis Diaz xagaagii hore. Waxaa la filayay in Cody Gakpo uu sii kooxda sii wadi karo oo qaab ciyaareedkii luis Diaz oo kale ayaa laga filaaye balse ma uusan noqon, halka gudaha Anfield laga aaminsanaa in Rio Ngumoha uu diyaar u yahay kooxda koowaad. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in saxiixa cusub Ee Florian Wirtz uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro garbaha.

Dhanka kale Salah wuxuu kasoo baxay xilli ciyaareed laga yaabo inuu ahaa kii shaqsiyan ugu fiicnaa taariikhda Premier League, taas oo ka dhigtay inaan loo arkin baahi degdeg ah in la helo dhaxal-suge “Boqorka Masar”.

Maxay Liverpool ula soo saxiixan wayday Semenyo?

Kadib Xilli Ciyaareedkii liitay ay kooxda Liverpool soo qaadatay, Reds ayaa  Xilli Ciyaareedkii ay ku Guuleysanaysay Horyaalka Premier League 2024/25 waxay seasonkaas dhaliyeen 86 gool balse xilli ciyaareedkii hada dhoweed soo dhamaaday waxay dhaliyeen kaliya 63 gool, taas oo taageerayaal badan oo Liverpool ah ku reebtay yaab sababta kooxdoodu ugu yaraan aysan isku dayin inay Antoine Semenyo la soo wareegto bishii Janaayo waxayna ay oggolaadwen xiddiga Reer Ghana inuu Manchester City ugu biiro qiime jaban oo dhan £64 milyan.

Runtii Semenyo waa lala soo saxiixan karay xagaagii hore, maadaama uu dabooli kari lahaa dhammaan khadka weerarka. Slot waxaa taa beddelkeeda waxaa lagu qasbay inuu ciyaarsiiyo Federico Chiesa, ciyaaryahan uu si cad uusan ugu kalsoonayn, isagoo rajaynaya inuu badbaadiyo kulamo kooxda gacanteeda ka baxay. Hal mar ayay shaqeysay habeenkii furitaanka xilli ciyaareedka Kulankii Bournemouth – balse mar dambe ma shaqayn.

Viktor Munoz ayay lasoo saxiixdeen, hadda Diomande ayay u socdaan?

inkastoo la hadal hayo in Iraola uu qadarinayo dabacsanaanta iyo shaqada adag ee Chiesa, xiddiga Reer Talyaani  wuxuu u dhow yahay inuu Salah raaco oo ka baxo Anfield xagaagan – gaar ahaan hadda oo Liverpool ay la soo wareegtay Victor Munoz garab midig aad u dheereeya oo sidoo kale ka ciyaari kara garabka kale iyo weerarka dhexe.

Taageerayaal badan ayaa markiiba is weydiiyay waxa saxiixa lama filaanka ah ee Munoz ugu yaraan marka la eego sida Reds-ku si qarsoodi ah u qariyeen xiisahooda xiddiga Osasuna ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay ay ku dhawaaqeen, Si kastaba ha ahaatee xiddiga Isbaanishka ah waligiis looma arkin beddelka Diomande, sida lagu muujiyay warbixintii David Ornstein ee habeenkii xalay oo Khamiista aheyd oo sheegtay in Liverpool ay Leipzig u dirtay dalab dhan €100 milyan oo ay ku doonaysay Xiddiga Diomande.

Sida ay sheegayaan warar kale, dalabkaas horay ayaa loo diiday, iyadoo kooxda Jarmalka ka dhisan ay wali doonayo inay sii haysto Xiddiga ugu yaraan hal xilli ciyaareed kale. Wararku waxay sheegayaan in haddii Leipzig ay ogolaato inuu Diomande ka tago kooxda xagaagan ay ku iibin doonto lacag ka badan €120 milyan.

Su’aashu hada taagan waxay tahay waxay tahay: ma mudan yahay lacagtaas oo dhan isagoo kaliya hal xilli ciyaareed oo wanaagsan ka qaatay heerka ugu sarreeya?

Tusaale Xiddiga Dembele:

Bixinta lacag aad u badan oo lagu soo iibsado ciyaaryahan da’yar shaki la’aan waxay xambaarsan tahay khatar weyn. Dhalinyarada qaarkood si fudud diyaar uguma aha inay u ciyaaraan kooxaha waaweyn. Bal eeg Ousmane Dembele.

Sida Diomande, xiddiga Faransiiska ah wuxuu noqday mid ka mid ah garba ciyaareedyadii labada lugood ku fiicnaa ee ugu doonista badnaa dunida kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo Bundesliga ah kusoo qaatay laakiin Dembele sida uu isagu qirtay wuxuu si wax ku ool ah u khasaaray shan ka mid ah lixdii sano ee uu Barcelona joogay ka hor inta uusan ugu dambeyn fahmin waxa looga baahan yahay inuu heerka ugu sarreeya ku guuleysto isagoona Hadertaan bandhig cajiib ah ka hoos sameynaya Luis Enrique iyo kooxda PSG.

khaladaadka Diomande uu galo

Daahitaanka Diomande ayaa noqday arrin walaac dhalisay bilihii ugu horreeyay ee uu Leipzig joogay, waxaana xitaa laga reebay kulan ay la ciyaarayeen kooxda Borussia Dortmund bishii Oktoobar ee la soo dhaafay kadib markii uu ka daahay kulanka kooxda ah, balse waa arrin uu weli ka xanaaqsan yahay.

Waxa uu yiri: “waxaan raalli-gelin buuxda ka bixinayaa qaladka aan sameeyay tababaraha iyo kooxdaba, Ciyaaryahan kasta waxaa la siiyaa jadwal ama waqti, waana inuu hubiyaa inuu waqtiga ku yimaado.”

Tababaraha Leipzig Ee Ole Werner wax dhibaato ah kalama kulmin Diomande wixii markaas ka dambeeyay, wuxuuna xitaa sheegay in waxa ugu badan ee uu ka jecel yahay weeraryahanka ay tahay sida uu ugu shaqeeyo kooxda.

“Marar badan wuxuu ka gudbaa ciyaartoyda ka soo horjeeda isaga oo aan xitaa isticmaalin xeelado badan, sababtoo ah aad ayuu u firfircoon yahay, laakiin waxa iga muhiimsan ayaa ah inuu aad ugu fiican yahay cadaadiska degdegga ah ee kubaddaha,” sidaas ayuu tababaraha Jarmalku yiri

Xiddiga wuu sii fiicnaan doonaa

Tababaraha Ivory Coast Emerse Fae sidoo kale aad ayuu ula dhacay shaqada iyo dabeecadda Diomande.

Tababaraha ayaa yiri: “Waa wiil leh ruux kooxeed dhab ah, qof walba la qosla, dhegaysta shaqaalaha farsamada marka talo la siiyo, iskuna daya inuu sameeyo waxa laga rabo, Way fududahay inaad la shaqeyso qof sida Yan ah. Aad buu u hibeysan yahay, wuxuuna leeyahay wax kasta oo looga baahan yahay.”

Runtii waxay ahayd wax aan suurtagal ahayn inaan lagu qancin dadaalka, xawaaraha iyo xirfadda uu Diomande ku soo bandhigay Philadelphia, iyadoo xitaa Fae uu la yaabay sida cajiibka ah ee 19-jirkaasi uga soo muuqday kulankiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka.

“Maxaan kale oo ka dhihi karaa? Erayo kuma soo koobi karo,” ayuu qirtay tababaraha The Elephants. “Aad buu u hibeysan yahay, welina aad buu u yar yahay, sidaas darteed wuu sii horumari doonaa.”

Taasi waa sababta Liverpool ay u dareemayso inaan waqti la lumin karin. Waxay leeyihiin bartilmaameedyo kale oo suuqa kala iibsiga ah oo uu ku jiro Bradley Barcola oo PSG ka tirsan, balse waa cadahay in Diomande uu yahay magaca ugu sarreeya liiskooda – waxaana laga yaabaa inay tahay arrin muhiim ugu ah kooxda Liverpool

Iyadoo lagu saleynayo horumarkiisii degdegga ahaa labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, marka hore heerka labaad ee Spain kadibna Bundesliga, Fae waxay u badan tahay inuu saxan yahay: Diomande kaliya wuu sii fiicnaan doonaa – taasina waxay ka dhigan tahay in qiimihiisu sii kordhayo. Xaqiiqdii, haddii uu bandhig kale oo heer sare ah ka sameeyo Germany usbuucan, waxaa si dhab ah loogu dari karaa dhowr milyan oo euro qiimihiisa.

Sidaas darteed Diomande ma aha oo kaliya dhibaato ay wajahaan kooxaha ka soo horjeeda, wuxuu sidoo kale dhibaato u noqday Liverpool  sababtoo ah haddii ay rabaan inay helaan beddelka ugu habboon ee Salah, xalka keliya ee suurtagalka ah waa inay bixiyaan lacagta aadka u badan ee €120 Milyan ah ee Leipzig dalbanayso.

 

adii ahaan lacala Hadii aad tahay taageere Liverpool fan ah ma jeclaan lahayd yarkaan in £120 Milyan lagu soo iibiyo oo lagu qarash beelo?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com