Yan Diomande ayaa lagu booriyay ama loo sheegay inuu iska diido Liverpool kadib markii la sheegay in “heshiis” laga gaaray wareegitaankiisa la yaabka leh.
Garabka kooxda RB Leipzig ee Yan Diomande ayaa loo sheegay inuu iska diido xiisaha Liverpool si uu ugu sii nagaado kooxda Bundesliga ka dhisan hal xilli ciyaareed oo kale.
Liverpool ayaa xagaagan raadinaysa garab heer sare ah oo beddela Mohamed Salah, iyadoo ciyaaryahanka Reer Masar uu ka fikirayo tallaabada xigta ee mustaqbalkiisa kadib markii uu ku dhawaaqay bixitaankiisa xilli ciyaareedkii hore.
Reds-ka ayaa durba la saxiixday Victor Munoz oo kaga yimid kooxda Osasuna, balse heshiiskaas saamayn kuma yeelan doono awooddooda ay ku soo saxiixan karaan garab kale xagaagan.
Warar soo baxay horraantii Talaadada ayaa muujinaya in Liverpool ay heshiis la gaartay Diomande, islamarkaana waxa kaliya ee harsan ay tahay in maamulka kooxda uu Leipzig ku qanciyo lacagta lagu iibinayo ciyaaryahanka.
Laakiin halyeeyga reer Jarmal Ee Stefan Freund ayaa tilmaamay in saxiixyada lacagaha badan ku baxay Ee Liverpool samaysay xagaagii hore oo uu ku jiro Florian Wirtz ay sabab u noqon karaan in Diomande uu iska diido Liverpool xagaagan si uu hal sano oo kale ugu sii nagaado gudaha Dalka Jarmalka.
Freund ayaa Wargeyska Sport Bild u sheegay: “Waa inuu hal sano oo kale sii joogaa kooxda Leipzig, Haddii uu sii wato qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah xilli ciyaareedka soo socda, weli wuxuu u wareegi karaa koox weyn. Sababtoo ah tallaabada xigta waxay la imaan doontaa cadaadis – cadaadis aad uga weyn kii uu ilaa hadda wajahay”.
“Leipzig gudaheeda wuxuu awood u leeyahay inuu mararka qaar ciyaar liidata sameeyo. Haddii uu hadda baxo, isla markaana kooxda uu tagayaa aysan ahayn kooxda saxda ah, wuxuu dib ugu noqon karaa horumarkiisa.”
Freund ayaa sii raaciyay: “Dhanka jirdhiska waa inuu awoodaa inuu la qabsado oo Horyaalka Premier League ciyaar ciyaar iyo caano kagama soo Horeyso Meshaas Fudfudeedka Halkaan uu ku qabo Halkaas kuma Helaayo waa niman ama daafacyadooda dadka saarsadaan, bal fiiri tusaale ahaan u qaado Florian Wirtz wuxuu ku biiray kooxda Liverpool oo horyaalka difaacanaysa waxaana laga filayay inuu markiiba ku guuleysto horyaalka. Cadaadiska saaran waa mid aad u weyn dadka oo idil waxay fiirinayeen isaga oo lacagaha lagu qarash beelay ayay Eegayeen inuu u qalmo”.
“Premier League-ka wuxuu wajahayaa daafacyo dhinac ka ciyaara oo ka wanaagsan kuwa Bundesliga. Waa jawi gebi ahaanba ka duwan – halkaas waa dagaal dhab ah.”
KOOXDA RB LEIPZIG OO ISKU DAYEYSA INAY DIOMANDE KU QANCISO INUU SII JOOGO HAL XILLI CIYAAREED KALE:
Waxaa dhici karta in Diomande uu sii joogo Leipzig hal xilli ciyaareed oo kale, sida uu Fabrizio Romano sharaxay Axaddii……
Fabrizio Romano waxa uu yiri isbuucan post ka mid ah post-yadiisa: “Marka ugu horraysa, wali waxay ku riyoonayaan inay sii haystaan Diomande, Waxay isku dayayaan inay u sheegaan Diomande iyo wakiilladiisa hal xilli ciyaareed kale inay isla sii joogaan, waxayna rabaan inay heshiis cusub kasaxiixdaan, ayna u balan qaadaan mushaar aad u wanaagsan, kadibna xagaaga 2027 ay iska fasixi doonaa meel kasta oo uu rabo inuu aado Hadii uu iyaga katagayo, waxayna awood usiin doonaan in isaga uu dooran karo kooxda cusub uu ku biirayo, Tani waa waxa Leipzig ay hadda leedahay.”
Romano ayaa intaas ku daray: “Laakiin dhinaca kale, ciyaaryahanku aad ayuu u xiiseynayaa inuu hadda ka tago kooxda RB Leipzig xagaagan isaga oo aan sugin hal xilli ciyaareed oo kale inkastoo ay ciyaarayaan Ama ay usoo baxeen booska Champions League, Diomande wuxuu si dhab ah uga fiirsanayaa suurtagalnimada inuu si degdeg ah uga tago kooxda.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha
Si deseas necesitas saber donde rentar motos acuaticas en Tenerife, hay distintas propuestas increibles tanto en el sur de la isla como en otras zonas como esta popular area y Playa de las Americas. Podras encontrar alquiler moto de agua Tenerife sur con importes accesibles y salidas como jet bike safari o aqua safari que fusionan adrenalina pura y vistas asombrosos. Para propuestas mas concretas, tambien hay la chance de conseguir motos de agua en Tenerife Los Gigantes o aprovechar deportes acuaticos en esta zona. Para mas informacion sobre disponibilidades y precios, te animo a visitar adrenalina jet .
Del mismo modo, Tenerife ofrece recursos para todo tipo de niveles, desde principiantes hasta profesionales, con proveedores como Jet Hub Tenerife y Adrenalina Jet que realizan salidas en jets de agua y jet ski safaris en zonas como Costa Adeje. Si te interesa una vivencia completa y garantizada, contempla las excursiones motos de agua Tenerife sur o en otras zonas, y no ignores que gestionar con prevision siempre es util, sobre todo en los meses de mayor demanda. Por si necesitas, el telefono +34 612 345 678 se torna eficaz para resolver dudas.
Bro i don’t understand what you talking about