DEG-DEG:- Man United oo Bartilmaameedsanaysa Mateus Fernandes, Alex Scott & Carlos Baleba - koorno.com

DEG-DEG:- Man United oo Bartilmaameedsanaysa Mateus Fernandes, Alex Scott & Carlos Baleba

Kooxda Manchester United ayaa u aqoonsatay laba khad dhexe oo ka ciyaara Horyaalka Premier League kuwaas oo loo arko bartilmaameedyo suurtagal ah inay la soo saxiixdaan, haddii ay ku guuleystaan ama ku guuldareystaan tartanka ay kula jiraan Tottenham ee saxiixa ciyaaryahanka West Ham Ee Mateus Fernandes.

Red Devils ayaa hore heshiis £35 milyan ah ula gaartay kooxfa Atalanta Ee ciyaaryahanka Ederson iyagoona lasoo wareegay, balse madaxda INEOS waxay doonayaan inay sii xoojiyaan khadka dhexe kadib bixitaankii Casemiro, iyadoo Manuel Ugarte sidoo kale la filaxo inuu kooxda ka tagi karo.

Kadib markii ay ku fashilmeen bartilmaameedkoodii ugu weynaa Ee Xiddiga Elliot Anderson, kaas oo kooxda ay isku magaalada ay ku Xifaaltamaan Ee Manchester City ay miiska saartay dalab dhan £120 milyan oo ay ku doonayse ciyaaryahanka kooxda Nottingham Forest, united ayaa Bilooyinkii iyo isbuucyadii lasoo dhaafay waxay hadda diiradda saarayeen Xiddiga Reer Portugal Ee Mateus Fernandes.

Kooxaha xiddigan isha ku haye ayna doondoonayeen waxaa ka mid ah kooxda Real Madrid kuwaas xiiseyneya 21-jirkaas inay lasoo wareegaan, halka wararka qaar ay sheegayaan in Tottenham ay sidoo kale wadahadallo la yeelatay suurtagalnimada ah lasoo wareegitaankiisa..

Wariyaha weyn Ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Spurs ay doonayso inay xagaagan la soo wareegto Fernandes iyo Sandro Tonali oo ka tirsan Newcastle.

Wargeyska TEAMtalk Sports ayaa Arbacadii daraad ahayd shaacisay in Tottenham ay horumar weyn ka sameysay dadaalladeeda ay ku doonayso Fernandes, iyagoo kaga hormaray ama ay doonayaan inay ku garaacaan kooxda Manchester United.

Wariye Graeme Bailey ayaa sheegay waxa uuna yiri: “ Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in wadahadallada lala leeyahay dhinaca Fernandes iyo West Ham ay si degdeg ah u kordheen maalmahan dambe, taasoo Spurs ka dhigtay kuwo si weyn ugu kalsoon inay ku guuleysan karaan tartanka loogu jiro mid ka mid ah khad dhexeedyada loogu doonista badan yahay Horyaalka Premier League.”

“Sidaas darteed, waxaan daaha ka qaadi karnaa in Tottenham ay diyaarineyso dalab ku dhow £75 milyan ilaa £100M inta u dhaxeysa, taasoo aad ugu dhow qiimeyntii hore ee West Ham ee ahayd £80 milyan ee ciyaaryahanka 21-jirka ah.”

Sida uu qoreen Wargeyska The Sun, ilo wareedyo ayaa shaki geliyay sida ay dhabta u tahay xiisaha Tottenham, halka Real Madrid ay filayso in Fernandes uu ku biiro Manchester United.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in United ay sidoo kale isku dayi karto inay la soo saxiixato Alex Scott oo Bournemouth ka tirsan ama Carlos Baleba oo Brighton u ciyaara, kuwaas oo loo arko “khadka dhexe ee saddexaad” ee kooxda xagaagan ay Eegi karaan

Scott waxaa lagu qiimeeyaa £70 milyan, halka Brighton ay United ka dalbatay £100 milyan Baleba markii ay sanadkii hore daneynaysay, balse labada ciyaaryahanba waxaa loo arkaa kuwo ay Unitedka heli karto.

Saxiixa midkood wuxuu ku xirnaan doonaa haddii United ay iibin karto Manuel Ugarte, kaas oo kooxda diyaar u tahay inay ku iibiso khasaare yar.

Manchester United oo la kulantay caqabado:

Wargeyska TEAMtalk ayaa markii dambe shaacisay in Scott uu wali si adag ugu jiro qorshaha Manchester United, isla markaana kooxda ay toddobaadkan sameysay wadahadalo cusub maadaama ay qiimeyneyso xulashooyin kale oo khadka dhexe ah.

Tani waxay noqon kartaa beddelka Fernandes, maadaama wararku sheegayaan inuu hadda aad ugu furfuran yahay inuu ku biiro Tottenham halkii uu ka aadi lahaa United.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha cusub ee Bournemouth Marco Rose ayaa si adag u doonaya inuu kooxda ku sii hayo Scott, iyadoo Bournemouth ay kooxaha daneynaya u sheegtay in ciyaaryahanka 22-jirka ah uusan iib ahayn.

Warbixintu waxay intaas ku dartay:

“Tababaraha Jarmalka ah waxaa la fahamsan yahay inuu u arko 22-jirka tiir-dhexaadka kooxda Bournemouth ee cusub, isla markaana uu aaminsan yahay inuu noqon karo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan kooxda.

“Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamay in Rose uu arrintan si gaar ah ugu adkeystay kulamadii gudaha kooxda, isagoo caddeeyay in sii haynta Scott ay tahay mudnaanta koowaad inta uu isu diyaarinayo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee hoggaaminta kooxda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*