Warar kasoo baxay kooxda Real Madrid ayaa sheegaya in Real Madrid ay Chelsea u bandhigtay laba ciyaaryahan si ay uga dhigaan qayb ka mid ah heshiiska ay ku doonayaan Enzo Fernández ayna sidaasi iskula bedeshaan ciyaaryahanada…
Kooxda Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii Hore Ee dhammaaday ku dhammaysatay kaalinta tobnaad Ee Horyaalka Premier League, taasoo keentay inay seegto dhagawaynaha Champions League iyo dhammaan tartamada Yurub xitaa kii yaraa Conference League way waayeen..
Kooxda Blues ayaa xagaagan Tababaraheeda cusub u magacowday Xabi Alonso, iyadoo sidoo kale lumisay Marc Cucurella oo ku biiray Real Madrid. Waxaa la filayaa in kooxda ay isbeddello badan samayso.
Taageerayaal badan ayaa ka walaacsan in Chelsea ay lumin karto qaar ka mid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan maadaama aysan u soo bixin tartamada Yurub, iyadoo Enzo Fernández uu soo jiitay xiisaha kooxo badan.
Kooxda Real Madrid ayaa Enzo Fernández ka dhigtay bartilmaameedkeeda koowaad ee khadka dhexe, iyagoo doonaysa inay kooxda ku soo kordhiyaan tamar cusub sidaa lawada soconana José Mourinho ayaa Real yimaaday waxaana la doonayaa in kooxda loo dhiso ayna lasoo wareegaan xiddigo wada super si uu Xagaaga danbe u tartamo maadaamaa Real Labadii Xilli ciyaareed Ee lasoo dhaafay ay baxayeen 0 Cup..
Warar ka imanaya gudaha Spain ayaa sheegaya in Real Madrid ay Chelsea u bandhigtay Álvaro Carreras iyo Eduardo Camavinga si ay qeyb uga dhigaan heshiiska Enzo Fernández si ay Heshiiska u fududeeyaan Chalsea-na lacagahan faraha badan ay dalbaneyso loo yareeyo.
Waan ogahay inaad yaaban tahay Sidee Real wax u wadaa is leedahay Blues maxay ku falaysaa Camavinga iyo Carrares sax bro hayaabin
Warbixintu waxay sheegtay: “Inkasta oo Xabi Alonso loo magacaabay tababaraha cusub Ee kooxda Chalsea, haddana ciyaaryahanku wuxuu codsaday inuu baxo.. gabi ahaanba Wuxuu si cad u muujiyay rabitaankiisa inuu u ciyaaro kooxda Real Madrid, taasoo sababtay in la ganaaxo mustaqbalkiisuna wuxuu u muuqdaa mid jiho kale u socdo.”
“Dhibaatadu waxay tahay in Todd Boehly uusan aqbalayn wax ka yar €100 milyan, maadaama lacag badan lagu bixiyay markii kooxda lagu soo iibsanayay. Kooxda Real Madrid ayaana waxay rajaynayaan inay qiimaha hoos u dhigaan iyagoo ku daraya laba ciyaaryahan, waxaana ugu horreeya Álvaro Carreras.”
Warbixintu waxay sii raacisay: “Ciyaaryahanka reer Spain ayaa la kulmaya cadaadis aad u xoogan kadib imaatinkii Cucurella oo si lama filaan ah uga yimid Stamford Bridge. Sidaas darteed isaga ayaa noqon kara ciyaaryahanka loo hurayo heshiiska, waxaana suuragal ah inuu dib ula midoobo tababare Xabi Alonso oo sanad ka hor door weyn ka qaatay imaatinkiisa Madrid, Xaqiiqadu waxay tahay in lambarka 18 uusan si buuxda u buuxin rajadii laga qabay, inkastoo bilihii ugu horreeyay uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan. Sidaas darteed Mourinho uma arko ciyaaryahan aan la taaban karin.”
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Eduardo Camavinga isna lagu dari karo Heshiiska, iyadoo Real Madrid ay rajaynayso in Chelsea ay hoos u dhigto qiimaha Enzo Fernández.
Enzo Fernández ayaa Chelsea laga ganaaxay laba kulan kadib markii lagu Eedeeyay inuu muujiyay rabitaankiisa inuu ugu biiro Real Madrid intii lagu jiray fasaxii ugu dambeeyay ee kulamada xulalka.
Desailly oo ka hadlay Enzo Fernández
Marcel Desailly ayaa markii la weydiiyay in ay habboon tahay in Chelsea iibiso Enzo Fernández maadaama uu doonayo Real Madrid, wuxuu u sheegay MrRaffle.com:
Waxa uu yiri: “Sax ma aha, gaar ahaan haddii hadalkaasi si toos ah uga yimaado ciyaaryahanka. Waa inaad ixtiraam muujisaa, una oggolaataa dadka ku metelaya inay si qarsoodi ah uga shaqeeyaan wada xaajoodyada, Ma aha inaad si cad u muujiso niyad-jabkaaga. Xilli ciyaareedkii hore waad guuleysatay, kan se sidaas ma noqon. Caddaalad muuji. Wax walba way dhacaan. Ma sheegi kartid inaad ahayd ciyaaryahan aan wax qalad ah samayn.”»
Wuxuu sii raaciyey: “Palmer isna wuxuu la kulmay warar la xiriirinayo kooxda Manchester United, balse wuu aamusnaa. Arrintaas waa in la barto. Qaar ka mid ah ciyaartoyda Koonfurta Ameerika marka ay Yurub yimaadaan arrimahaas dan kama yeeshaan, Maanta halkaan ayay joogaan berri meel kale ayay tagi karaan. Qofna kama cabanayo taas, laakiin mararka qaar waa inaad ixtiraamtaa kooxda. Haa, magacaaga waxaad ku dhistay bandhigyadaada, laakiin kooxda ayaa sidoo kale ku siisay fursaddii aad heerkaas ku gaari lahayd.”
Desailly oo ka hadlay Cole Palmer: Markii la weydiiyay inuu ka walwalsan yahay in Enzo Fernández, Cole Palmer iyo xiddigaha kale ay Chelsea ka tagi karaan xagaagan, Desailly wuxuu yiri:
“Ma aqaan. Palmer waa hibo weyn, taas lama inkiri karo, Shakiga keliya ee aan ka qabo Palmer waa sida loo isticmaalay. Mar wuxuu ka ciyaaraa garabka midig. Aniga waxaan jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro booska lambarka 10-aad, gadaasha weeraryahanka, isagoo mas’uul ka ah hal-abuurka weerarka. Laakiin doorkaas lama siin.”»
“Waxaan sidoo kale arkay inuusan waligiis oran, Waan qaban karaa, diyaar ayaan u ahay, Waxaan dareemayaa in hibadu jirto, shaki kuma jiro, laakiin maskax ahaan weli ma aha ciyaaryahan dilaa ah (killer). Ciyaaryahan kasta oo heer sare ah waa inuu yeeshaa maskax guuleyste. Waa inuu doonayaa koobab, inuu noqdo kan ugu fiican, isla markaana diyaar u noqdo shaqo adag.”»
“Waxaan dareemayaa in Palmer uu ku qanacsan yahay haddii uu sii joogo kooxda Chalsea, sidoo kalena ku qanacsan yahay haddii uu baxo. Wax dhibaato ah uma muuqato, Heerka uu maanta gaaray awgiis, waa inuu tallaabo kale qaadaa. Inkastoo uu da’yar yahay, waa inuu ilaashadaa sumcaddiisa, masuulna ka noqdaa guulaha iyo dhibaatooyinka kooxda.”»
“Waa inuu tababaraha u sheego inuusan mar kasta ka ciyaarsiin garabka midig, bidix, weerarka ama meelo kala duwan. Waa inuu yiraahdaa: ‘Waxaan rabaa inaan ka ciyaaro lambarka 10-aad. Waan awoodaa, nidaamka aniga ha la ii waafajiyo.’ Sidaas darteed, weli ma aha ciyaaryahan leh maskax dilaa ah. Hibo wuu leeyahay, laakiin weli ma laha maskaxdaas.”
Akhriste maxay adiga kula Tahay in Real ay labadaan ciyaaryahan ay Heshiiska Enzo Fernandez ku doonayaan qeyb ugu dhigaan si ay u helaan xiddigan Reer Arjentina ?
koorno.com Wararka Ciyaaraha