DEG-DEG:- MANCHESTER City oo diyaarinaysa Dalab Rikoor ah oo ay ku doonayso TONALI & Spurs oo caqabad weyn wajahday - koorno.com

DEG-DEG:- MANCHESTER City oo diyaarinaysa Dalab Rikoor ah oo ay ku doonayso TONALI & Spurs oo caqabad weyn wajahday

Deg-deg kooxdaTottenham Hotspur ayaa la kulantay dharbaaxo ku saabsan dadaalkeeda ay ku doonaysay inay lasoo wareegto xiddiga Reer Talyaani Ee Sandro Tonali, iyadoona warbixin cusub oo Goordhow soo baxay ay sheegtay in kooxda Manchester City ay qorsheynayso inay gudbiso dalab aad u weyn oo lagu doonayo xiddiga Reer Talyaani.

Manchester City iyo Tottenham ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si weyn loola xiriirinayay Tonali, iyadoo la rumeysan yahay in mustaqbalkiisa Newcastle uu shaki ku jiro.

Wargeyska TEAMtalk Sports ayaa sheegtay in Tottenham ay diyaar u tahay inay buuxiso shuruudaha ay Newcastle ku dooneyso Tonali.

Newcastle ayaa muddo dheer dalbaneysay lacag dhan £100 milyan, balse hadda waxay qiimaha gaarsiisay £116 milyan oo lacagta kor ayay usii qaadeen taasna waxay dhibaato ku tahay kooxda iibsan doonta xiddigan.

Taasi waa isla lacagta ay Manchester City ku bixisay Elliot Anderson oo ay kala soo wareegeytay kooxda Nottingham Forest lacag dhan £116M..

Wargeyska TEAMtalk Sports ayaa sidoo kale sheegtay in Tottenham ay diyaar u tahay inay la jaanqaaddo qiimahaas si ay u hesho Tonali, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda waqooyiga London ka dhisan..

Tonali wuxuu doonayaa inuu la shaqeeyo tababaraha ay isku dalka yihiin Ee Roberto De Zerbi oo jooga Tottenham, waxaana la sheegay inuu hore ula heshiiyay kooxda arrimaha Heshiiska shaqsiyadeed..

MANCHESTER CITY OO DIYAARINAYSA DALAB RASMI AH OO AY KU DOONAYSO TONALI:

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Marca ayaa sheegtay in kooxda Citizens-ka ay iyaduna qorsheyneyso inay gudbiso dalab rasmi ah oo ay ku doonayso Tonali.

Cinwaanka wargeyska ayaa ahaa:

“City waxay diyaarineysaa saxiix kale oo waali ah oo ka badan €100 milyan.”

Warbixinta ayaa sheegtay in Manchester City ay diyaar u tahay inay bixiso wax ka badan €110 milyan, taasoo noqon karta mid ka mid ah heshiisyada ugu waaweyn Premier League xilli ciyaareedkan ay sameyso kooxda Manchester city..

Haddii Manchester City ay bixiso €110 milyan, Tonali wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii Ugu Horeeye Ee Italian ah ugu qaalisanaa taariikhda la iibsado.

Haatan Mateo Retegui ayaa ah ciyaaryahanka Talyaaniga ugu qaalisan taariikhda kaas oo Kooxda Al Qadsiah ugu wareegay xagaagii 2025 lacag dhan €68 milyan…

Ma jiro warbaahin kale oo xaqiijisay in Manchester City ay diyaar u tahay inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan Tonali, sidaas darteed waa in taxaddar laga muujiyaa warbixintan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Manchester City ayaa gashay waayo cusub waxaana Tababaraha cusub noqday Enzo Maresca, maadaama isaga Macalin looga dhigay kooxda waxay madaxda city doonayaan inay kooxda usii xoojiyaan isla markaana ay u keenaan ciyaartoy khadka dhexe ah oo wada super-yaal ah, Hala yaabin haddii ciyt ay lacag badan kasoo bixiso Tonali Horay Hada waxay ku lacag beeleen Elliot Anderson kanna waa macquul inay ku lacag beelaan..

Tonali waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu fiican Horayaalka Premier League ka ciyaara, waana ciyaaryahan muhiim u ah xulka Talyaaniga iyo Newcastle-ba..

Paul Scholes oo doonaya in Manchester United ay la soo saxiixato Sandro Tonali

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa aaminsan in Manchester City ay ka sii xoogeysan doonto sida ay hada tahay haddii ay hesho Tonali, sidoo kalena Manchester United ay u baahan tahay ciyaaryahankan oo kale uuna jeclaan lahaa in United la keeno.

Wargeyska Metro ayaan kasoo xigtay

Scholes ayaa yiri: “Aniga ahaan teyda fikrad hadaan ka dhiibto kooxda Manchester United, dhibaatada ugu weyn waxay ka taagan tahay bartamaha garoonka, Ma dareemeysid wax dhaqdhaqaaq ah, warbixin aan lix bilood ka hor sheegay barnaamijka podcast-ka (The Bad & The Football), waxaan aad u jeclahay Tonali oo Newcastle u ciyaara, Waxay u muuqataa inay kooxo badan doonayaan, oo ay ku jirto Tottenham.”

“Uma muuqato in Manchester United ay ku jirto tartanka, laakiin waxaan u maleynayaa inuu noqon lahaa saxiix weyn hadii ay lasoo wareegi lahaayeen. Wuxuu yaqaanaa Premier League, laba ama saddex sano ayuu Newcastle joogay, inkastoo uu hal sano seegay ciyaaraha, haddana waxaan u arkaa inuu yahay khadka dhexe Ee heer caalami ah.”

“In Manchester United ay diyaar u tahay inay bixiso £90 ilaa £100 milyan si ay u hesho Tonali ma garanayo inay sidaas sameyn doonaan, Laakiin waxaan aaminsanahay inay qasab ku tahay inay suuqa wax weyn ka qabato haddii ay rabto inay guulo gaarto xilli ciyaareedka soo socda ayna u tartamaan koobabka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*