Warar soo baxaya Goordhow ayaa sheegaya in xiddiga Reer Brazil iyo Kooxda Newcastle United u ciyaara Ee Bruno Guimarães uu doonayo in Newcastle United ay hesho lacag badan oo ku habboon haddii uu ugu wareegayo Arsenal xagaagan.
Suxufiga ugu weyn Wargeyska The Athletic Ee David Ornstein ayaa Arbacadii sheegay in Arsenal ay diyaar u tahay inay Newcastle u bandhigto heshiis qiimihiisu gaarayo £60 milyan si ay ula soo saxiixato xiddiga reer Brazil.
Ornstein ayaa bartiisa X ku qoray: “Bruno Guimarães ayaa Newcastle United u sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka tago oo uu ku biiro Arsenal. Arsenal ayaa dardargelinaysa dadaalkeeda, waxayna diyaar u tahay dalab gaaraya £60 milyan, balse wali wax wada-hadal rasmi ah oo labada kooxood dhex maray ma jiro, Newcastle-na weli ma aqbaleyso wax dalab ah oo ku saabsan kabtankooda 28-jirka ah.”
Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Ben Jacobs ayaa isaguna shaaciyay in Guimarães iyo Arsenal ay Heshiiska shaqsiyadeed ay wada gaareen, iyadoo tallaabada xigta ay tahay in labada kooxood ay wada xaajood rasmi ah bilaabaan.
Jacobs ayaa yiri: “Bruno Guimarães wuxuu horey Heshiiska shaqsiyadeed la gaaray Kooxda Gunners.. Newcastle wali waxay ku adkeysaneysaa in kabtankooda uusan iib ahayn, waxayna diiddan tahay inuu jiro wada-hadal toos ah, balse Arsenal waxaa la filayaa inay dhawaan gudbiso dalab rasmi ah.”
Dhanka kale suxufiga Reer Talyaani Ee Nicolò Schira ayaa sheegay in Arsenal ay qorsheyneyso dalab dhan €90 milyan si ay ula soo waareegan Bruno Guimarães..
Schira wuxuu soo qoray: “Arsenal waxay qorsheyneysaa inay bixiso €90 milyan si ay ula soo saxiixato Bruno Guimarães, balse Newcastle ma rabto inay iibiso ciyaaryahanka, waxayna dalbaneysaa €120 milyan (qiyaastii £102 milyan).”
Wuxuu intaas ku daray: “Bruno wuxuu doonayaa inuu ka tago Newcastle, wuxuuna cadaadis saaraya inuu ku biiro Arsenal. Wuxuu horey ula heshiiyay Arsenal qandaraas soconaya ilaa 2031.”
BRUNO OO DOONAYA IN NEWCASTLE HESHO LACAG AAD U SARAYSA:
Hadda weriyaha Sky Sports Ee Keith Downie ayaa shaaciyay in Bruno Guimarães uu ku riixayo inuu Arsenal ku biiro laba shuruudood oo muhiim ah.
Downie ayaa kanaalkiisa YouTube ku yiri: “Bruno Guimarães wuxuu si toos ah ugu sheegay Newcastle inuu doonayo inuu kooxda ka tago oo uu ku biiro Arsenal. Markii hore ma hubin inuu si toos ah u sheegay iyo in kale, balse xogtayda hadda waxay caddeyneysaa inuu si toos ah ula hadlay kooxda.”
Wuxuu sii raaciyay: “Newcastle aad ayay ula yaabban tahay in Arsenal ilaa hadda aysan si rasmi ah ula soo xiriirin ama aysan u gudbin wax dalab ah. Dhammaan wararka socda waxay ka imaanayaan wakiillada ciyaaryahanka. Bruno wuxuu leeyahay wakiilladiisii caadiga ahaa, waxaana hadda ku biiray super agent caan ah.”
Downie ayaa sheegay in Bruno uu aqbalayo bixitaanka oo keliya haddii la buuxiyo laba shuruudood:
• In Arsenal ay soo gudbiso dalab rasmi ah oo dhab ah.
• In Newcastle ay hesho lacag aad u sareysa oo uu Bruno u arko mid xaq u ah qiimihiisa, halkii laga siin lahaa lacag hoose.
Wuxuu yiri: “Bruno wuxuu doonayaa in Newcastle ay lacag badan ka hesho iibkiisa. Wuxuu rabaa in kooxda ay hesho qiimaha ugu sarreeya ee suuragalka ah, taas ayaana ka dhigi doonta inuu si wanaagsan uga tago kooxda.”
Downie ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayay in go’aanka Bruno uu salka ku hayo dhaqaale.
Downie ayaa yiri: “Bruno waa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Newcastle United wuxuuna qaataa lacag aad u badan. Haa, waxaa laga yaabaa inuu Arsenal wax yar ka mushahar badan ka helo, laakiin ma noqon doonto farqi weyn. Go’aankiisu waa mid kubadda cagta la xiriira.”
Ugu dambeyn ayuu yiri:
“Bruno dhowaan waxaa u buuxsami doonto Da’da 29 sano jirka marka wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto koobab waaweyn. Taasi waa sababta ugu weyn ee uu u doonayo inuu u wareego kooxda Arsenal.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha