DEG-DEG:- Man United Oo Qorsheyneysa Sadex Saxiix Oo Lama Filaan Ah.. Koné, Berge & Summerville Oo Kusoo Wajahan Old Trafford - koorno.com

DEG-DEG:- Man United Oo Qorsheyneysa Sadex Saxiix Oo Lama Filaan Ah.. Koné, Berge & Summerville Oo Kusoo Wajahan Old Trafford

Warar soo baxaya Goordhow ayaa sheegaya in kooxda Manchester United ay si dhab ah u dooneyso saxiixa xiddiga Fulham u ciyaara Ee Ee SanderBerge iyo Xiddig kale oo World cupkan ka wacadereeye, halka dhinaca kale Chelsea ay isku dayeyso inay afduubato bartilmaameed kale oo khadka dhexe ah iyadoo Kooxda Red Devils ay saxiixaas ku loolami doonaan.

Bilowgii suuqa kala iibsiga xagaagan, Manchester United waxay mudnaan gaar ah siisay dib-u-dhiska khadkeeda dhexe, waxaana lala xiriiriyay ciyaartoy badan oo suurtagal ah.

Waxaa si weyn loo soo wariyay in Red Devils ay qorsheyneyso inay soo saxiixato ilaa saddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ah xagaagan, iyadoo horey ula soo wareegtay Andrey Santos iyo Youri Tielemans kadib markii ay wayday bartilmaameedyo kale.

Hadda, Manchester United waxay qorsheyneysaa inay keento ciyaaryahan khadka dhexe oo difaac ah (DM) ka ciyaara si uu u buuxiyo booska uu baneeyay Casemiro, Halka wariyaha weyn Ee wararka suuqa kala iibsiga ka warama Fabrizio Romano uu Manu Kone ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda ay xiiseynayaan kooxda Man United, kadib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee uu u soo bandhigay France Koobka Adduunka xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United kaligeed ma ahayn kooxda xiiseyneysa Manu Kone, waxaana Wargeyska TEAMtalk Sports ay sheegtay in Chelsea ay hadda dardar gelisay qorshaheeda ay ku dooneyso saxiixiisa, taasoo qeyb ka ah saddex heshiis oo ay qorsheyneyso.

Waxaa la sheegay in Chelsea ay carqaladeyn karto dadaallada Manchester United ee saxiixa Manu Kone ay ku doonayso kadib markii ay weydiimo cusub ka gudbisay xaaladdiisa.

Warbixinta ayaa tiri: “Red Devils weli waxay dooneysaa ciyaaryahan kale oo khadka dhexe oo difaaca ah (Defender Midfielder) kadib markii ay dib uga laabatay heshiiskii Ederson ee Atalanta. Manu Kone ayaa weli ka mid ah ciyaartoyda ay si dhab ah uga fiirsaneyso kooxda Man United, waxaana sidoo kale liiska ku jira oo united ay doonayaan Sander Berge oo Fulham u ciyaara iyo da’yarkii world cupkan ka wacadareeye Ee Ayyoub Bouaddi, inkastoo Ayyoub ay ku tartamayaan kooxo waa weyn”

“Xiisaha Chelsea ayaa la micno ah in loolanka loogu jiro Manu Kone uu sii xoogeysan doono. Inkastoo labada kooxood ee Premier League aysan weli gudbin dalab rasmi ah, haddana waxay si qoto dheer u qiimeynayaan ciyaaryahankan oo noqday mid ka mid ah fursadaha ugu wanaagsan ee khadka dhexe ee suuqa kala iibsiga xagaagan.”

MANCHESTER UNITED OO U DHAQAAQDAY SANDER BERGE:

Sida kor lagu sheegay, Sander Berge ayaa sidoo kale ka mid ah bartilmaameedyada Manchester United. Wargeyska TEAMtalk ayaa sheegtay in kooxda ay hadda si dhab ah uga shaqeyneyso saxiixa xiddiga Fulham u ciyaara kaas oo lagu qiimeynayo lacag dhan £40 milyan.

Warbixintu waxay intaas ku dartay: “Man United waxay xiriir la sameysay Manu Kone, Balse gudaha kooxda waxaa la aaminsan yahay in Sander Berge uu yahay ciyaaryahan aad uga fudud in la helo.”

“Ilo wareedyo ayaa tilmaamay in Manchester United ay rumeysan tahay in ciyaaryahanka Fulham lagu heli karo wax ka yar £40 milyan, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah saxiixyada ugu qiimaha wanaagsan ee suuqa iska yaalla xilligan.”

Manchester United ayaa sidoo kale bartilmaameedsaneysaa ciyaartoy ka ciyaara boosas kale, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan inay soo saxiixan karto xiddiga West Ham ee Crysencio Summerville si uu u beddelo Marcus Rashford, haddii hal shuruud la buuxiyo.

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*