Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay gudbiso dalab cusub oo ka wanaagsan kii hore oo ay ku doonayso kabtanka kooxda Newcastle United u ciyaara Ee Bruno Guimaraes, iyadoo sidoo kale ay weydiimo ka sameysay saxiixa garab lagu qiimeeyo £77 milyan.
12-kii bilood ee ugu dambeeyay waxay ahaayeen kuwo aad ugu adkaa Newcastle, waxaana xaaladdu sii xumaan kartaa toddobaadyada soo socda, iyadoo Bruno Guimaraes uu noqon karo xiddigii ugu dambeeyay ee magaca weyn lahaa ee kooxda ka tagi kara..
Alexander Isak, Anthony Gordon iyo Sandro Tonali ayaa dhammaantood waqtiyadii dambe u dhaqaaqay kooxo waaweyn oo ka sii wanaagsan Newcastle, Guimaraes ayaana noqday ciyaaryahanka xiga ee doonaya tallaabadaas, iyadoo Arsenal ay horay u gudbisay laba dalab, Labadaas dalab midkoodna si rasmi ah looma gudbin. Kii ugu horreeyay £55 milyan wuxuu ahaa dalab afka ah, halka kii labaad £65 milyan loo marsiiyay dhex-dhexaadiyayaal iyo wakiillo.
Kooxda Newcastle ayaana si degdeg ah u diidday labadaas dalab, balse sida uu sheegay wariyaha lagu kalsoon yahay ee Ben Jacobs, dalab saddexaad ayaa la filayaa in la gudbiyo Maalmaha soo socda..
ARSENAL OO GUDBIN-DOONTA DALAB KALE OO RASMI AH OO AY KU DOONEYSO BRUNO GUIMARAES:
Ben jocobs Isagoo qoraal ku daabacay bartoisa X ayuu waxa uu yiri: “#AFC waxay mashquul geli doontaa toddobaadyada soo socda. Dalab kale oo cusub ay ku dooneyso Bruno Guimaraes ah ayaa la filayaa inay Goordhow diraan.”
Halka Wargeyska TEAMtalk ayay Isniintii sheegeen in Guimaraes uu sii xoojiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda Newcastle, Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa go’aankiisa qaatay, isagoo hadda 28 jir ah, isaga iyo kooxdiisuba waxay aaminsan yihiin in waqtigu ku habboon yahay inuu tallaabo qaado oo uu kooxda ka tago.
Marka laga hadlayo qiimaha Daily Mail ayaa sheegtay in £75 milyan ay Newcastle ku qancin karto inay wada xaajood bilowdo, halka wariyaha weyn Ee Fabrizio Romano uu tilmaamay lacag ka badan taas oo gaareysa £90 milyan, Hadda Newcastle waxay ku adkeysanaysaa in Guimaraes uusan iib ahayn, balse Maalmaha soo socda waxay muujineysaa in kooxda ay iibin karto haddii qiimaha saxda ah la keeno.
AGAASIMAHA KOOXDA ARSENAL ANDREA BERTA OO DOONAYA INUU LASOO SAXIIXDO NICO WILLIAMS:
Iyadoo qayb ka ah warbixintiisa ku saabsan Guimaraes, Ben Jacobs wuxuu sidoo kale sheegay in Arsenal aysan diyaar u ahayn inay ka badiso £80 milyan dadaalkeedii ay ku doonaysay Morgan Rogers, Gunners-ka waxay horumar weyn ka sameeyeen dhinaca ciyaaryahanka, balse markii la gaaray lacag bixinta Chelsea ayaa si weyn uga sarreysay, Chelsea waxay oggolaatay inay bixiso lacag dhan £117 milyan iyada oo aan wax gunnooyin ah lagu darin, taasoo Rogers ka dhigaysa ciyaaryahankii British-ka ahaa ee ugu qaalisanaa taariikhda
Shalas Isniintii Rogers ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka Ee kooxda Chelsea, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis soconaya ilaa lix sano ah oo ay ku jirto ikhtiyaar kooxda u oggolaanaya inay sanad toddobaad ku kordhiso.
Maadaama Rogers uu ku biiray kooxda Blues, Arsenal ayaa Hadertaan garab bidix weerar raadineysa.
Kadib Markii isbuucaan lasoo wareegeen Christos Tzolis kaas oo kaga yimaaday kooxda Club Brugge, balse kooxda Gunners waxay u araktaa beddelka Leandro Trossard kaas oo ku biiray kooxda Reer Turkey Ee Besiktas, iyadoo Arsenal ay weli doonayso garab heer sare ah.
Yan Diomande iyo Bradley Barcola ayaa ku jira liiska Arsenal, balse sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Graeme Bailey, Arsenal waxay sidoo kale baareysaa suurtagalnimada ay ku heli karto Nico Williams.
Xiddiga xawaaraha badan ee Athletic Bilbao u ciyaara ayaa dhawaan ka caawiyay Spain inay ku guuleysato Koobka Adduunka, isagoo bixiyay caawintii muhiimka ahayd ee Ferran Torres uu ku dhaliyay goolkii guusha ee final-ka, Sida uu Bailey sheegay heshiiska Nico Williams uu kula jiro Athletic Bilbao waxaa ku jira qodob lagu burburin karo heshiiska (release clause) oo lagu qiyaasay £77 milyan ama ilaa €90 milyan ..
Xiisaha Arsenal ee ciyaaryahanka 24 jirka ah waa mid soo jiray tan iyo 2024. Xiisahaas wali waa mid xooggan, waxaana agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta uu la xiriiray dhinacyada ay khuseyso si uu u ogaado in heshiiskan la suurtagelin karo xagaagan, Arrinta muhiimka ah ayaa ah in Bailey uu xusay in Nico Williams uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo dhankaa iyo Horyaalka Premier League haddii uu go’aansado inuu bilaabo cutub cusub oo xirfaddiisa ah.
koorno.com Wararka Ciyaaraha