DEG-DEG:- Barcelona oo Fariin Cad u Dirtay PSG oo ku saabsan Mustaqbalka Ferran Torres - koorno.com

DEG-DEG:- Barcelona oo Fariin Cad u Dirtay PSG oo ku saabsan Mustaqbalka Ferran Torres

Barcelona ayaa si cad ugu sheegtay kooxda Paris Saint-Germain in Ferran Torres uusan iib ahayn xagaagan, inkastoo ay isa soo tarayaan wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo kooxda reer France. Kooxda Reer Catalonia ayaa doonaysa inay sii haysato xiddiga reer Spain oo door muhiim ah ka qaatay guushii Spain ee Koobka Adduunkan hada soo idlaaday..

HANSI FLICK OO YIRI FERRAN TORRES WAA CIYAARYAHAN MUHIIM INOO AH

Tababaraha Reer Jarmal Hansi Flick ayaa Ferran Torres u arka ciyaaryahan muhiim u ah qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub. Ilo wareedyo ka tirsan Barcelona ayaa xaqiijiyay in Ferran uusan ku jirin liiska ciyaartoyda la iibinayo.

Barcelona ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay u bandhigto qandaraas cusub marka uu xirmo suuqa kala iibsiga bisha Sebtembar. Inkastoo heshiiska cusub uu ku khasbi doono Barcelona inay Manchester City siiso ku dhowaad €8 milyan, haddana kooxda ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagtaas si ay u sii haysato ciyaaryahanka.

PSG OO LA KULANTAY DIIDMO ADAG:

Ferran torres Wararka lala xiriirinaya PSG ayaa sii xoogeysanayay, waxaana xitaa la sheegay in Ferran uu doonayay inuu u dhaqaaqo Paris. Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa si adag u diidday fikradda iibkiisa, iyadoo aanay jirin wax dalab rasmi ah oo beddelay mowqifkeeda, Xitaa haddii Barcelona ay soo saxiixato weeraryahan cusub, taasi macnaheedu ma aha in Ferran uu kooxda ka tagayo.

FERRAN TORRES OO WELI FASAX KU JIRA

Ferran Torres iyo wakiilladiisa kama aysan hadlin mustaqbalkiisa, iyagoo doorbiday inay diiradda saaraan fasaxiisa kadib guushii Koobka Adduunka.

Barcelona waxay filaysaa inuu tababarka dib ugu soo laabto 12-ka Agoosto, taasoo ah maalinta ay sidoo kale soo laabanayaan ciyaartoydii Spain ee ka qeyb galay Koobka Adduunka.

FERRAN TORRES GOORMEE AYUU KATAGI KARAA BARCELONA?

Barcelona ayaa sheegtay in hal xaalad oo keliya ay Ferran Torres suuqa u gelin karto, Waana Haddii Ferran Torres laftiisu codsado inuu baxo inta lagu jiro bisha Agoosto.

Ilaa hadda, ciyaaryahanku ma uusan gudbin wax codsi ah oo ku saabsan inuu kooxda ka tagayo. Haddii uu mustaqbalka codsado bixitaan, Barcelona ayaa markaas qiimeyn doonta faa’iidada dhaqaale ee heshiiska iyo khasaaraha dhinaca ciyaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*