Man Utd iyo Arsenal oo ku loolamaya saxiixa Jarell Quansah ilaa Liverpool oo Tartanka ka baxday - koorno.com

Man Utd iyo Arsenal oo ku loolamaya saxiixa Jarell Quansah ilaa Liverpool oo Tartanka ka baxday

Sida ay wararku sheegayaan, kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa wadahadallo firfircoon kula jira saxiixa daaficii hore ee Liverpool, Jarell Quansah.

Kadib markii uu ka soo dhex baxay kooxda Liverpool, Quansah waxaa loo saadaaliyay inuu noqdo ciyaaryahan muhiim ah oo u ciyaara kooxdiisii uu yaraantiisii taageeri jiray, balse kooxda ayaa dooratay inay ka faa’iidaysato oo ay iibiso xagaagii hore.

Ciyaaryahanka 23 jirka ah ayaa ku biiray kooxda Bayer Leverkusen qiimo ku dhow £30 milyan, wuxuuna xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku qaatay qaab ciyaareed wanaagsan, taasoo u horseeday inuu boos ka helo xulka England ee Thomas Tuchel Ee Koobkii Adduunka.

Maadaama Liverpool ay difaaca ka haysato baahi weyn, waxaa lala xiriiriyay inay xagaagan u dhaqaaqdo Quansah. Waxay haysteen qodob ah inay ciyaaryahanka dib ugu iibsan karaan oo qiimihiisu yahay £60 milyan, balse war la daabacay horaantii bishan ayaa sheegay inaysan qorsheyneyn inay dib ula soo saxiixdaan suuqa kala iibsigan.

Arrintaas ayaa albaabka u furtay kooxaha ay Liverpool xafiiltamaan inay u dhaqaaqaan Quansah, waxaana Jimcihii shalay subaxnimadii soo baxay war sheegaya in Arsenal ay xiriir dhow la sameysay si ay ula soo saxiixato xiddiga Reer Ingiriisyaawi Ee Jarrel Quansah…

QUANSAH OO ARSENAL KU BIIRI KARA:-

Fabrizio Romano Isagoo ka hadlayay suurtagalnimada ah in Quansah uu ku biiri karo kooxda Arsenal, ayaa Boggiisa X ku yiri:

“Arsenal ayaa toddobaadkan xiriir dhow la sameysay wakiilada Xiddiga Jarell Quansah, iyadoo laga wada hadlayo suurtagalnimada inuu ku biiri karo kooxda Gunners.”

“Wadahadallo hordhac ah ayaa socda, sida @RobDorsettSky uu sheegay, Bayer Leverkusen-na waxay isku dayi doontaa inay daafaca sii haysato xilli ciyaareedkan, Liverpool waxay xagaagan haysatay qodob ay dib ugu iibsan karto oo ahaa €70 milyan, balse qodobkaasi wuu dhacay — kooxaha kale ee doonaya ma jiraan qodobo noocaas ah.”

MAN UNITED OO KUSOO BIIRTAY TARTANKA JARELL QUANSAH:-

Hadda, Football Transfers ayaa sheegaya in Man Utd ay sidoo kale wadahadallo firfircoon ka waddo saxiixa Quansah, iyadoo labada dhinac ay xoojiyeen dadaalladooda ay ugu jiraan daafaca awoodda badan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Arsenal ay hadda ka horreyso Man Utd tartanka loogu jiro lasoo wareegitaanka Jarrel Quansah, balse arrintaasi si dhakhso ah ayay isu beddeli kartaa.

Warbixintu waxay sheegaysaa:

“Waxaa la rumeysan yahay in Arsenal ay faa’iido ku leedahay wada-xaajoodyada ay Leverkusen kula jirto, maadaama labada kooxood ay leeyihiin xiriir wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Bundesliga-da ayaa ka labalabeynaysa inay iibiso mid ka mid ah ciyaartoydeeda xiddigaha ah, waxaana la filayaa inay dalbato lacag aad uga badan €35 milyan oo ay markii hore ku bixisay.”

“Tilmaamaha hordhaca ah waxay muujinayaan inay u badan tahay inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeya qiimeynta Arsenal iyo Leverkusen, taasoo laga yaabo inay albaabka u furto kooxda Manchester United.”

Sidoo kale, khabiirka Bundesliga Ee Ronan Murphy ayaa warbaahinta u sheegay sababta ay macquul u tahay in Man Utd iyo Arsenal ay ugu dhaqaaqaan Quansah.

🗣️“Jawaabta dhibaatada Liverpool ee daafaca dhexe waxay ahayd inay noqoto Jarell Quansah,” ayuu Murphy u sheegay Football Transfers.

“Ciyaaryahanka xulka England waa inuu noqdaa beddelka Virgil van Dijk ee Anfield, balse ciyaaryahanka iyo kooxda midkoodna ma sugi karin ilaa ay taasi dhacdo. Wuxuu 2025 ku biiray Bayer Leverkusen si uu u helo khibrad kooxda koowaad ah iyo inuu isku caddeeyo heerka ugu sarreeya, 12-kii bilood ee la soo dhaafayna wuxuu sameeyay sidaas.”

“Sidaas darteed lama yaabna in lala xiriirinayo inuu Premier League ugu soo laabto hal sano oo keliya kadib markii uu €35 milyan ugu biiray Leverkusen, balse waxa yaabka leh ayaa ah inaysan u muuqan inuu Anfield ku laabanayo, Taas beddelkeeda, daafaca deggen ayaa lala xiriiriyay Arsenal, taasoo si sax ah u qiimeyn lahayd awooddiisa kubadda ku ciyaarista iyo sidoo kale awooddiisa kubbadaha cirka, gaar ahaan kubbadaha laadka xorta ah iyo guud ahaan difaaca.”

“Isaga laftiisa ayaa 2024 sheegay inuu doonayo inuu noqdo daafaca ugu fiican Yurub. Taasi waa wax laga yaabo inuusan ku gaari karin haddii uu sii joogo Bayer Leverkusen, balse Arsenal oo uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay noqon kartaa meesha ugu habboon ee uu ku gaari karo yoolkaas.”

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*