🚨BREAKING: Harry Maguire ayaa Heshiis cusub u saxiixay kooxda Manchester United

Sida la sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Manchester United ayaa sheegaya In Harry Maguire uu saxiixay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda ilaa 2027, iyadoo ku jirto option uu kula sii joogayo sanad dheeraadi ah.

Daafaca Reer England Harry Maguire ayaa kooxda Manchester United u saftay 266 kulan waxa uuna kula guulaystay Carabao Cup iyo FA Cup tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray 2019kii.

Harry Maguire ayaa yiri:

“In aad matasho Manchester United waa sharaf weyn, waa mas’uuliyad naftayda iyo qoyskeyga ka dhiga mid aan ku faano maalin kasta, Waan ku faraxsanahay inaan sii wado safarkayga kooxdaan cajiibka ah ugu yaraan 8 xilli ciyaareed oo aan sii wado inaan ka hor ciyaaro taageerayaasheyda gaarka ah si aan iskula qaadano waqtiyo cajiib ah.

“Waxaad dareemi kartaa hamiga iyo kartida kooxdan xiisaha badan, go’aanka kooxda oo dhan ee ah inay u dagaalanto koobabka waaweyn waa mid cad in qof walba uu arko, waxaan ku kalsoonahay in waqtiyadayda ugu wanaagsan ee wada jirkeena ay naga horeeyaan.

Jason Wilcox, Agaasimaha Manchester United, ayaa yiri:

“Harry maguire wuxuu u taagan yahay maskaxda iyo adkeysiga kooxda, waa xirfadle, khibrad iyo hogaamin qiimo sare leh wato, Harry Maguire waxa uu si buuxda u go’aansaday inuu caawiyo kooxda si ay u gaarto guulo Waa weyn.”

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com