Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa bixiyay warbixin ku saabsan xaaladda Alexander Isak kadib markii weeraryahanka lagu daray safarka kooxda ee aadaye France si ay ula ciyaaraan kooxda Paris Saint-Germain tartanka UEFA Champions League.
Arne Slot ayaa xaqiijiyay in Alexander Isak uusan ku bilaaban doonin Liverpool kulanka PSG – balse laga yaabo inuu qeyb ka noqdo ciyaarta ka dhacaysa Anfield lugta labaad. Isak ayaa la safray kooxda Reds iyadoo markii ugu horreysay lagu daray safka tan iyo markii uu lugta ka dhaawacmay bishii December dhaawac aad udarnaa.
Ciyaaryahanka Reer Sweden Alexander Isak ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda koowaad toddobaadkii hore, balse laguma darin kulankii FA Cup ee ay 4-0 kaga adkaatay Manchester City Sabtidii. Hase yeeshee, weeraryahanka ayaa hadda diyaar u ah inuu markale ciyaaro markii ugu horreysay tan iyo dhaawicii kasoo gaaray lugta.
ARNE SLOT OO KA HADLAYA ISAK AYAA WAXA UU YIRI
“Wuxuu dhammeystay ku dhowaad toddobaad tababarka kooxda; wuu ciyaari karaa qeyb ka mid ah, haddii kale safarka ma qaadeen,” ayuu Slot xaqiijiyay shir jaraa’id oo uu qabtay habeenkii Xalay ee Talaadada ahayd ka hor kulanka Psg ay wajahayaan.
“Uma qaadin Etihad sababtoo ah waxaan dareemeynay inuusan wali diyaar u ahayn inuu bixiyo waxqabad wanaagsan. Hadda waxaan u maleyneynaa inuu wax bixin karo, balse ma ahan inuu ku bilaabto.”
Reds ayaa gaartay Paris iyadoo cadaadis saaran yahay kadib guuldarradii 4-0 ahayd ee ay Sabtidii kala kulmeen Etihad Stadium, taasoo daba socotay guuldarro 2-1 ah oo ay kala kulmeen Brighton ka hor fasaxii xulalka. Markii uu ka hadlayay ciyaartaas, kabtanka kooxda Virgil van Dijk ayaa si cad u qirtay in kooxdu ay iska dhiibtay kulanka City, isagoo raaligelin siiyay taageerayaasha.
MARKII WAX LAGA WEYDIIYAY DAAFACA DHEXE VIRGIL VAN DIJK WAXA UU YIRI
“Mararka qaar ciyaarta kubadda cagta waxaad rabtaa inaad wax u qabato si gaar ah, balse sababo kala duwan awgood ma suurtagasho.
“Laakiin mid ka mid ah sababaha ayaa noqon karta marka goolal lagaa dhaliyo xilli aad u maleyneyso inaad si fiican u ciyaareyso. Badanaa kubadda cagta, waqtiyada ugu xanuunka badan waa kahor nasashada iyo kadib.”
“Isla markiiba nasashada kadib waxaan arkay shan daqiiqo oo aan aad u furneyn oo ciyaartoydu ay la tacaalayeen.”
“Warka wanaagsan wuxuu ahaa markii ay noqotay 4-0, City waxay u muuqatay inay ku qanacsan yihiin natiijadaas, annaguna kubadda ayaan haynay inta badan, sidaas darteed ma aysan helin fursado badan oo kale.”
SLOT AYAA SIDOO KALE SHEEGAY
“Ma aanan arkin ciyaartoy is dhiibaya, laakiin waa wax wanaagsan in kabtanku yeesho falcelin adag kadib ciyaar noocaas ah. Waxaan rajeynayaa in falcelintaas aysan ku ekaan kaliya ciyaarta kadib, balse ay kooxda ahaan muujinno jawaab adag kulanka berri.”
Kooxda uu hoggaamiyo Luis Enrique ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad inay ka gudbaan wareeggan, balse Slot ayaa yiri:
“Uma maleynayo inay muhiim tahay cidda la jecel yahay. Wax walba waxay ku xiran yihiin laba kulan, wax badan ayaana dhici kara laba kulan gudahood. Labada kooxoodba waxay leeyihiin ciyaartoy aad u wanaagsan, xilli ciyaareedkii horena wuxuu muujiyay inay isku awood yihiin.”
“Xilli ciyaareedkii hore waxaan u maleynayaa inaan u qalannay inaan halkaan ku guuldarreysano 4-0, balse ciyaartaas waxaa naga badbaadiyay Alisson Becker, waxaan u maleynayaa inaan u qalannay inaan badino.”
“Farqiga u dhexeeya labada kooxood waa in PSG ay sii haysatay isla kooxdii, halka kooxdeennu ay u ekaan doonto mid ka duwan tii halkaan timid xilli ciyaareedkii hore.”

Warbixino fiican ayaad soo gudbisaa thanks
Mahadsanid❤️