Jamie carragher oo ku digtay in arsenal horyaalka waayi doonto haddii ay sidan usii Ciyaarto

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in Arsenal laga yaabo inay ku guuldarreysato hanashada horyaalka Premier League haddii ay sii wado qaab ciyaareedkii ay ku soo bandhigtay kulankii xalay ay ka adkaadeen Sporting Lisbon ee wareegga sideed dhammaadka koobka uefa Champions League.

Kooxda Gunners ayaa 1-0 ku hoggaamineysa kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Emirates Stadium toddobaadka soo socda, kadib gool daqiiqaddii ugu dambeysay uu dhaliyay Kai Havertz.

Arsenal ayaa horay u soo gashay kulanka Lisbon iyadoo laga badiyay laba kulan oo xiriir ah, kadib markii ay final-ka Carabao Cup kaga adkaatay Manchester City, sidoo kalena si lama filaan ah looga reebay FA Cup oo ay ka adkaatay Southampton.

Waxay u muuqatay in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay ku qasbanaan doonto barbaro, balse Havertz oo beddel kusoo galay ayaa dhaliyay goolkii guusha xilli dambe.

Carragher ayaa sheegay in guusha laga gaaray Sporting ay ahayd “natiijo weyn” marka loo eego hoos u dhacii dhawaa, balse uusan si weyn ugu qancin qaab ciyaareedka hoggaamiyeyaasha Premier League.

Halyeeyga Liverpool iyo difaacii hore ee England ayaa xitaa sheegay in Arsenal ay markale ku guuldarreysan karto tartanka horyaalka haddii ay sidaas oo kale u ciyaarto inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa leh hoggaan sagaal dhibcood ah oo ay ka sarreeyaan Manchester City kahor kulanka ay gurigooda kula ciyaari doonaan Bournemouth Sabtida.

“Waxay ahayd natiijo weyn Arsenal, laakiin ma ahayn ciyaar weyn,” ayuu Carragher u sheegay CBS Sports.

“Way guuleysteen, taas ayaana muhiim ahayd kadib laba guuldarro, balse ma ahayn qaab ciyaareed heer sare ah. Ma ahayn inay si fantastic ah u ciyaareen, laakiin way badisay ciyaarta.”

“Laakiin ma u maleyneysaa haddii ay sidan u ciyaaraan inta ka dhiman xilli ciyaareedka inay horyaalka qaadi doonaan? Waan arki doonaa.”

Carragher, oo Champions League kula guuleystay Liverpool sanadkii 2005, ayaa intaas ku daray:

“Way adkaan doontaa in Sporting ay dib ugu soo laabato tartanka hadda.”

“Inkastoo Arsenal aysan si fiican u ciyaarin, haddana marna ma aysan u muuqan inay khatar ku jiraan. Ma aanan dareemin in Sporting ay waxyeello badan u geysan karto.”

“Waxay u muuqatay sidii kulan group stage ah halkii ay ka ahaan lahayd quarter-final, heerka xawaaraha iyo tayaduna way ka hooseeyeen marka la barbardhigo ciyaarta Real Madrid iyo Bayern Munich.”

“Arsenal waxay si fudud u xakameysay ciyaarta mana aysan qaadan khataro badan maadaama ay banaanka joogeen.”

Dhanka kale, gool dhaliyaha kulanka Havertz ayaa ku farxay inuu ka qeyb qaatay guul aad ay ugu baahnaayen Taageerayaasha iyo ciyaartoydaba kadib labo guuldarro oo niyad jab ah oo ay kala kulmeen koobabka gudaha.

“Waxaan u maleynayaa inaan u baahnayn taas, sababtoo ah dhammaanteen waan ka niyad jabnay sida ay toddobaadyadii la soo dhaafay u dhaceen,” ayuu yiri Havertz.

“Laakiin hadda waa waqtigii hore loo socon lahaa, waa waqtigii rajo wanaagsan la yeelan lahaa, waana waqtigii aan isku duubi lahayn koox ahaan—ciyaartoy, shaqaale, iyo taageerayaalba, dhammaanteen waan wada jirnaa, welina wax weyn ayaan sameyn karnaa sanadkan.”

“Waxay noqon kartaa wax gaar ah, taas ayaana ah waxa aan u soconayno, hadda waa waqtigii aan kulamada guuleysan lahayn.”

Dhanka kale, tartamayaasha horyaalka ee Arsenal, Manchester City ayaa lumiyay dhibco muhiim ah kulamadii ay la yeesheen Nottingham Forest iyo West Ham United kahor fasaxa xulalka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa muujisay qaab ciyaareed cabsi leh kadib markii ay Arsenal kaga adkaatay final-ka Carabao Cup, kadibna 4-0 ku xaaqday Liverpool tartanka FA Cup.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *