Enzo Fernandez iyo wakiilkiisa ayaa raalli-gelin siiyay Chelsea kadib hadallo uu jeediyay intii uu ku sugnaa xulka qaranka Argentina.
Fernandez ayaa wareysiyo ku sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado magaalada Madrid, taasoo furtay albaabka suurtagalnimada uu ugu wareegi karo Real Madrid xagaagan.
Majiraan wax wadahadallo ah oo laga sameeyay iibinta Enzo Fernandez, wuxuuna heshiis kula jiraa Chelsea Heshiis gaaraayo ilaa 2032.
Sababta hadalladaas awgood, tababaraha Chelsea Liam Rosenior ayaa Jimcihii hore ku dhawaaqay in Fernandez uusan ka mid noqon doonin kooxdii ciyaartay laba kulan — guushii 7-0 ee Port Vale Sabtidii hore iyo kulanka todobaadkan ee Manchester City Axadda
Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay lasoo saxiixato khad dhexe xagaagan, Enzo Fernandezna waa mid ka mid ah bartilmaameedyadooda. Qiimihiisa waxaa lagu qiyaasaa in ka badan £100 milyan, balse Chelsea ma doonayso inay iibiso ciyaaryahanka.
Enzo fernandez sidoo kale waa mid ka mid ah ciyaartoyda doonaya in loo kordhiyo shuruudaha heshiiskiisa Chelsea—laakiin hadalladii uu ka sheegay Chalsea uma aysan suurto galin arrintaas.
Maxay Yiraahdeen Enzo Fernandez Iyo Wakiilkiisa?
Enzo Fernandez ayaa si joogto ah loola xiriirinayay inuu xagaaga u wareegayo Real Madrid, wuxuuna shaki geliyay mustaqbalkiisa Chelsea kadib guuldarro culus oo ay kala kulmeen Paris Saint-Germain wareegga 16-ka ee Champions League, isagoo u sheegay ESPN Argentina “Ma aqaan” markii la weydiiyay inuu kooxda sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe.
Enzo waxa uu yiri:
“Diiraddaydu hadda waa halkan. Kadib waxaa imanaya Koobka Adduunka, markaas kadib ayaan arki doonaa wixii Mustaqbalka dhici lahaa”
Intii uu ku sugnaa xulka Argentina xilliga nasashada caalamiga ah, Enzo Fernandez wuxuu u sheegay Marcos Giles oo ah shaqsi warbaahineed: “Aad ayaan u jeclahay Madrid—waxay la mid tahay Buenos Aires”.
Markii la weydiiyay inuu ka fikiri karo inuu ku noolaado Madrid, wuxuu yiri: “Haa, dabcan.”
Liam Rosenior isagoo ka hadlayay Jimcihii hor ciqaabta enzo fernandez, Rosenior wuxuu yiri: “Xariiq ayaa la dhaafay marka laga hadlayo dhaqankeena. Waxaan qasab ku noqonnay inaan tallaabo qaadno.”
Wakiilka khadka dhexe ee Chelsea — Javier Pastore — ayaa go’aanka lagu ganaaxay Enzo Fernandez laba kulan ku tilmaamay “mid gebi ahaanba aan cadaalad ahayn.”
Pastore wuxuu yiri: “Enzo ma fahmin xaaladda. Markii uu tababaruhu u sheegay, wuu aqbalay sababtoo ah waa ciyaaryahan xirfad sare leh oo mar walba si buuxda uga go’an halka uu joogo, wuxuuna ixtiraamaa go’aannada.
“Laakiin annagu ma fahmin ciqaabta sababtoo ah ma uusan xusin koox gaar ah mana uusan sheegin inuu doonayo inuu ka tago Chelsea—taas waa mid aad uga fog xaqiiqda.
“Kaliya wuxuu xusay Magaalada Madrid, sababtoo ah waxaa la weydiiyay magaalada Europe ee uu jeclaan lahaa inuu mustaqbalka ku noolaado.
“Wuxuu yiri Madrid sababtoo ah luqadda, waxay la mid tahay Buenos Aires, iyo sababtoo ah waa wax caadi ah—Argentine ahaan waa wax dabiici ah—iyo sidoo kale dhaqanka iyo cimilada. Laakiin marna ma uusan sheegin inuu doonayo inuu ka tago Chelsea ama London.”
Pastore wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in wadahadalladii heshiis cusub ay hakad galeen, isagoo yiri: “Waxaa jiray wadahadallo ku saabsan cusboonaysiinta heshiiskiisa, haa. Waxaan bilownay inaan ka wada hadalno Decembar ama Janaayo, laakiin malagaarin heshiis.
“Maadaama heshiiska Enzo uu weli lix sano harsan yahay, waxaan go’aansanay inaanan cusboonaysiin sababtoo ah shuruudaha ma ahayn kuwo ku habboon annaga ama ciyaaryahanka. Marka la eego waxa Enzo maanta awood u leeyahay, wuxuu mudan yahay wax ka badan waxa uu hadda qaato.
“Ma aanan gaarin heshiis, waxaana laga yaabaa inay tani ka careysiisay kooxda, maadaama uu yahay ciyaaryahan aad muhiim u ah, laakiin waa arrimo la maareeyn karo.
“Waxaan dareennay in halkii aan ku cusboonaysiin lahayn shuruudo aan ciyaaryahanka farxad gelinayn, ay ka fiican tahay inaan wax walba sida ay yihiin u daayno oo aan diiradda saarno ciyaarta iyo waxqabadka. Ma dooneyno inaan galno dood ku saabsan tirooyin, heshiisyo iyo gorgortan xilli aan habboonayn.
Qorshaheenna kadib Koobka Adduunka waa inaan mar kale la kulanno Chelsea, haddii aan heshiis la gaarinna inaan sahaminno fursado kale.
Liam Rosenior isagoo hadlayay kadib guushii 7-0 ee Port Vale — markii ugu dambeysay ee tababaraha Chelsea si fagaare ah uga hadlo arrintan — Rosenior wuxuu yiri: “Aniga iyo Enzo waxaan ku jirnaa xaalad aad u wanaagsan. Waan arkay maanta [kulanka Sabtidii ahaa]. Waxaan la yeeshay wada hadal aad u wanaagsan oo fool-ka-fool ah. Arrimuhu ma aha sida ay dadku u maleynayaan.”
Markii la weydiiyay hadallada wakiilka Fernandez, Javier Pastore, Rosenior wuxuu yiri: “Taasi waa aragtidiisa. Anigu wax faallo ah kama bixinayo aragtida qof kale.
“Enzo wuu ogyahay waxa aan ka aaminsanahay, waxayna ahayd wax wanaagsan inaan arko isagoo halkan jooga si uu u taageero ciyaartoyda maanta. Waxaan u socon doonnaa hore oo hubin doonnaa inaan si fiican u dhameysano xilli ciyaareedka.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha