Chelsea ayaa la sheegay inay “wadahadallo la yeelatay” Xiddiga Reer Arjentina iyo kooxda Bournemouth Ee Marcos Senesi, iyagoo doonaya inay ka af duubtaan Liverpool iyo Manchester United oo iyaga doon doonaya saxiixa daafaca dhexe ee dhowaan noqonaya ciyaaryahan xor ah (free agent).
Xiddiga Marcos Senesi ayaa la filayaa inuu ka tagi karo Bournemouth dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee uu ku muujiyay Bournemouth xilli ciyaareedkan uu soo jiitay xiisaha kooxo badan oo waaweyn.
Senesi ayaa ciyaaray 31 ka mid ah 32-kii kulan ee Premier League ee Bournemouth xilli ciyaareedkan ay ciyaareen, iyadoo kooxda Bournemouth ay si adag ugu jirto tartanka boosaska Europe toddobaadyada ugu dambeeya ee xilli ciyaareedkan.
Hadda warbixin ka timid TEAMtalk ayaa faahfaahin ka bixisay waxa mustaqbalka u dhow u hayo daafacan 28-jirka ah.
Saddexda kooxood ayaa diyaar u ah inay siiyaan Senesi fursad uu ku sii joogo England, halkaas oo uu hore uga caddeeyay inuu yahay “mid ka mid ah daafacyada ugu joogtada badan horyaalka”.
Waxaa sidoo kale jira xiiso weyn oo ka imanaya Spain, iyadoo Barcelona ay wali xiriir la leedahay xiddiga Bournemouth.
Si kastaba, ilo-Sports ah ayaa sheegaya in kooxda Catalonia aysan wali qaadin tallaabo rasmi ah, taasoo Senesi ka dhigtay mid ku jira xaalad sugitaan ah.
Go’aankaas waxaa sabab u ah in Barcelona ay mudnaanta siineyso saxiixa Alessandro Bastoni, inkastoo heshiis la gaaristiisa ay aad u adag tahay sababo la xiriira heeraka dhaqaaleed ee kooxda barca heysata.
Xaaladdan ayaa “si dhab ah uga dhigtay Senesi inuu sugayo waxa ka soo kordha Camp Nou”, inkastoo uu haysto “fursado cad oo Premier League ah”.
Ilo-warbixino ah ayaa sidoo kale sheegaya in dadka ku dhow ciyaaryahanka ay sii kordhinayaan talada ah inuu doorbido inuu ku sii nagaado England, halkaas oo Liverpool, Man Utd iyo Chelsea ay dhammaantood diyaar u yihiin inay u dhaqaaqan Xiddiga n.
Xiisaha Chelsea wuxuu ka yimid baahida ay u qabto daafac dhexe oo bidix ku ciyaara, iyadoo kooxda Stamford Bridge aysan si buuxda ugu qanacsaneyn xulashooyinka uu hadda haysto Macalin Liam Rosenior.
Dhanka Liverpool, weli waxaa jira shaki weyn oo ku saabsan mustaqbalka Ibrahima Konate ee Merseyside, inkastoo ay sidoo kale qorsheyneyso in Jeremy Jacquet uu ku soo biiro xilli ciyaareedka soo socda.
Chalsea maka dulqaadi kartaa Xiddiga Marcos Senesi kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Barcelona ?
