Moises Caicedo ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo muddo dheer ah oo uu la galay Chelsea, kaasoo sii haynaya kooxda ilaa sanadka 2033.
Caicedo ayaa ku biiray Chelsea isagoo ka yimid Brighton bishii Agoosto sanadii 2023, isagoo saxiixay heshiis sideed sano ah, waxaana heshiiskan cusub uu sii joogitaankiisa Stamford Bridge ku kordhinayaa laba sano oo dheeraad ah.
Khadka dhexe, oo ay Blues ku soo iibsadeen £115 milyan, ayaa u saftay 140 kulan dhammaan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 8 goal isla markaana bixiyay 11 caawin.
Wuxuu sidoo kale kula guuleystay Chelsea tartamada Conference League iyo Club World Cup.
Moises Caicedo oo Hadlaayo ayaa Yiri:
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixay kooxda Chalsea
Waxaan aaminsanahay kooxdan waxaanan ogahay inaan ku soconno jihada saxda ah. Waxaan si wadajir u bilownay safar cusub
Wax badan ayaa weli la gaari karaa, waxaana aad u doonayaa inaan sii horumaro maalin kasta. Waxaan rabaa inaan koobab badan la guuleysto Chelsea isla markaana aan wax walba u huro naadigan iyo taageerayaasha
Waxaan horey u soo wadaagnay waqtiyo fiican, riyadeydu waa inaan noqdo halyeey Chelsea ah, waxaana ku dadaali doonaa sida ugu macquulsan si aan taas u gaaro.”
Ciyaartoyda khadka hore ee Chelsea, kaliya Enzo Fernandez ayaa ciyaaray daqiiqado ka badan Caicedo dhammaan tartamada oo dhan iyo bilowgii Club World Cup ka 2025.
Laacibka reer Ecuador ayaa ahaa tiir muhiim u ah Chelsea xilli ciyaareedkan, isagoo hoos yimaada labadaba Enzo Maresca iyo Liam Rosenior, isagoo hogaaminaya tirooyinka baasaska (2,963), taabashada kubadda (3,589), tackles (135), tackles guuleystay (73) iyo interceptions (70) oo ah kuabadaha ciyaaryahanada laga dhex galo.
Chelsea ayaa la ciyaari doonta Manchester United kulanka Premier League Maalinta Baritoole ee sabtida ah, iyagoo isku dayaya inay dib ugu soo laabtaan tartanka u soo bixista koobka UEFA Champions League.
koorno.com Wararka Ciyaaraha