Arsenal ayaa doonaysa inay lasoo saxiixato Xiddiga Reer England iyo kooxda Newcastle Ee Tino Livramento xagaaga suuqa kala iibsigan, sida lagu sheegay warbixin, balse Gunners-ka uma muuqdaan kuwo la jaanqaadi kara lacagta ay Manchester City diyaar u tahay inay bixiso si ay ugu qaadato Etihad Stadium.
Livramento waa mid ka mid ah daafacyada buuxa ee ugu fiican Premier League, wuxuuna muujiyay kartidiisa kala duwan isagoo ka ciyaaray garabka midig iyo bidix labadaba xilli ciyaareedkan kooxda Newcastle United.
Ciyaaryahanka xulka England ayaa bixiyay hal caawin (assist) 26 kulan oo uu u saftay Newcastle dhammaan tartamada xilli ciyaareedka 2025/26.
Iyadoo Newcastle ay la kulmeyso xilli ciyaareed niyad jab leh isla markaana aysan u badneyn inay xitaa ku dhameysan qeybaha sare ee kala sarreynta Horyaalka Premier League, Livramento ayaa laga yaabaa inuu ka tago St. James’ Park xagaagan.
Sida ay sheegtay TEAMtalk, Arsenal waxa ay aad u dooneysaa Livramento waxayna jeclaan lahayd inay keento Emirates Stadium.
Jurrien Timber iyo Ben White ayaa ah labada daafac ee midig ee Arsenal, halka Myles Lewis-Skelly iyo Riccardo Calafiori ay yihiin labada daafac ee bidix, iyadoo Piero Hincapie oo amaah kaga yimid Bayer Leverkusen uu sidoo kale ka ciyaari karo booskaas.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in Arsenal “aysan u badneyn inay gaarto heerka dhaqaale ee” ay diyaar u tahay inay bixiso Manchester City si ay u hesho Livramento.
Xiddiga 23-jirka ah ee Newcastle ayaa ah bartilmaameedka riyada ee Man City, kooxdaas oo aad u daneynaysa ciyaaryahanka reer England isla markaana diyaar u ah inay “jebiso rikoor-ka adduunka ee suuqa kala iibsiga daafac midig” si ay ula saxiixato xagaaga 2026.
Sida ay sheegtay TEAMtalk, Livramento ayaa ka fikiraya mustaqbalkiisa Newcastle, iyadoo Man City ay diyaar u tahay inay ku darto ciyaartoy heshiiska si ay ula gaarto Newcastle.
Warbixintan ayaa timid ka hor kulanka Premier League ee u dhexeeya Man City iyo Arsenal ee ka dhici doona garoonka Etihad Stadium Galabta 6:30 .
Arsenal ayaa lix dhibcood ka sarreysa Man City oo kaalinta labaad ku jirta, balse kooxda Pep Guardiola ayaa haysata hal kulan oo baaqi ah.
Waa kulan go’aamin kara horyaalka, waxaana tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu diyaar u yahay kulankaas.
Arteta ayaa yiri: “Waxaan kasbanay xaqa aan ku joogno booskan, inaan tartanno oo aan helno fursad aan ku guuleysanno ciyaarya, annagoo la ciyaareyna kooxda ugu fiican iyo tababaraha ugu fiican ee horyaalkani abid arkay.
“Taas waa sharaf weyn, mana sugi karno inaan ciyaarta ciyaarno.
Waxaan u diyaarsan nahay ciyaarta inaan ku guuleysanno, taas waa hubaal, waxaana u aragnaa fursad weyn.
