Man City vs Arsenal ka Hor ciyaarta

Fiidnimada caawa waxaa wada ciyaari doonan labada koox ee Hadertaan kuwada tartamaayo Horyaalka English Premier league Arsenal Vs Manchester City, Arsenal waxay lix dhibcood ka sarreeyaan kooxda Booska labaad fadhida ee City iyadoo kulanka soo galaysa 6:30 fiidnimo ay Goaamin karto Hanashada Horyaalka premier league.

Haddii kulanka caawa Arsenal ay badiso, farqiga waxuu noqon doonaa sagaal dhibcood oo ay ku hoggaamin karto Horyaalka, waxayna aad ugu dhowaan doontaa inay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League muddo 22 sano kadib. Laakiin haddii City ay badiso waxay ka dhignaan doontaa in farqiga uu noqon doono kaliya 3 dhibcood, Pep Guardiola iyo ciyaartoydiisa waxay Pressure ku saari doonan Arsenal u tartamida Horyaalka.

Waqtiga ciyaarta Man City vs Arsenal

Kulanka Man City vs Arsenal waxay ciyaari doonan 6:30 fiidnimo, waxaana lagu ciyaari doonaa Garoonka Etihad Stadium.

Wararka kooxda Manchester City:

Daafaca dhexe Ruben Dias wali diyaar uma aha inuu soo laabto kadib dhaawac canqow ah oo soo gaaray bishii hore.

Wararka kooxda Arsenal:

Noni Madueke ayaa la saaray intii lagu jiray barbaro 0-0 ah oo ay la galeen Sporting taasoo Arsenal u sahashay inay gaarto afar dhammaadka Champions League, balse garabka weerarka ayaa laga yaabaa inuu diyaar u yahay kulanka City ay la ciyaarayaan.

Laakiin Gunners-ka waa inay la tacaalaan maqnaanshaha Bukayo Saka dhaawac ah (Achilles) iyo kabtankooda Martin Odegaard (jilib).

Dhanka difaaca, Jurrien Timber iyo Riccardo Calafiori labaduba waxay u tartami karaan inay ciyaaraan.

Saadaasha kulanka Manchester City vs Arsenal:

In kasta oo ku guuleysiga koobku ahaa yoolka ugu weyn, final-kii Carabao Cup bishii hore waxaa loo arkayay xaalad ballaaran.

Kadib markii  city ay ka adkaadeen Arsenal oo aan fiicneyn, waa sahlan tahay in la fahmo sababta Manchester City loogu saadaalinayo inay mar kale guul ka gaari karto gurigeeda toddobaadkan.

City waxay badisay 7 kulan waxayna barbaro gashay 3 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Arsenal ee Premier League, taasoo muujineysa fursad wanaagsan oo ay u leeyihiin kooxda Pep Guardiola.

Arsenal wali waa khatar marka ay timaado kubbadaha (set-pieces), inkastoo goolasha ka imanaya aysan u socon sidii bilowgii xilli ciyaareedka.

Laakiin City ayaa u muuqata inay gacan sare ku hayso kulankan, waxaana loo arkaa inay tahay doorashada ugu fiican

Lama filayo kulan goolal badan in leyska dhaliyo, maadaama Arsenal ay daneyneyso inay ciyaarta xirto oo ay si fiican taas u sameyso.

Shaxaha macquul ka ah ay kusoo wada gali karaan ciyaarta caawa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *