Tababarihii hore ee Liverpool Jürgen Klopp ayaa dalbanaya shan saxiix oo cusub maamulka Real Madrid kahor imaanshihiisa suuragalka ah, sida ay sheegayaan wararka.
Los Blancos ayaa soo maray xilli ciyaareed qalalaase leh iyadoo Xabi Alonso la eryay bishii Janaayo kadib markii laga qaaday final-kii Spanish Super Cup oo ay kaga adkaatay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
Waxaa jiray warar sheegaya in qolka labiska ay ka jireen dhibaatooyin la xiriira xulashada ciyaartoyda iyo xeeladaha, Real Madrid-na waxay si degdeg ah ugu magacowday Alvaro Arbeloa inuu noqdo beddelka Alonso.
Ma cadda in Arbeloa uu yahay tababare joogto ah ama ku meel gaar ah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka—laakiin si kastaba ha ahaatee, hadda waxay u muuqataa in tababaraha reer Spain la beddeli doono.
Waxaa jiray warar bishan hore sheegayay in Klopp uu heshiis afka ah la gaaray si uu ula wareego xilka Arbeloa marka xilli ciyaareedku dhammaado.
Hadda warbixinno ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Klopp uu dalbanayo shan saxiix oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii (£227M) si uu u beddelo kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.
Klopp wuxuu u arkaa ciyaartoyda Rodri ee Manchester City, Alexis Mac Allister ee Liverpool, iyo Nico Schlotterbeck ee Borussia Dortmund inay yihiin saxiixyo “lagama maarmaan ah”, iyadoo Real Madrid “ay u baahan doonto dadaal dhaqaale oo weyn si loo dhammeeyo mid kasta oo ka mid ah saxiixyadan, gaar ahaan haddii ay isku dayaan saddexdaba hal mar
Warbixintu waxay xustay in Klopp uu Aad u xiiseynayo inuu dib ugu soo laabto shaqada tababarenimo isagoo ah tababaraha Real Madrid, magac kale oo uu u gudbiyay Florentino Perez waa Kenan Yildiz, kaasoo uu si gaar ah u jecel yahay.
Waxaa la fahamsan yahay in Juventus ay furi karto albaabka si uu uga tago iyadoo lagu iibsan karo qiyaastii lacag gaaraysa €70 milyan xagaaga, iyadoo kooxda Serie A-da ay ka maqan tahay mashruuc deggan.
Jürgen Klopp ayaa sidoo kale wuxuu dalbanayaa isbeddel booska goolhayaha Ee Real Madrid, iyadoo xiddiga Freiburg Noah Atubolu uu yahay bartilmaameedkiisa ugu weyn si loo xoojiyo booskaas.
Warbixintu waxay ku dartay: “Waa khabiir badbaadinta rigoorayaasha ah isagoo joojiyay in ka badan kala bar kubbadihii lagu tuuray shabaqiisa- heshiiskiisuna wuxuu dhacayaa 2027, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inuu ku yimaado qiimo macquul ah.
Klopp wuxuu aaminsan yahay in goolhaayaha Atubolu uu noqon karo badal goolhaayaha hadertaan Real Ee Thibaut Courtois, iyo mustaqbal dheer oo xiiso leh, maadaama uu yahay kaliya 23 sano jir.”
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay xiisaha ay Real Madrid ku doonayso macalin Jürgen Klopp
Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa bixiyay war cusub oo ku saabsan mustaqbalka Arbeloa toddobaadkii hore, isagoo ku yiri kanaalkiisa YouTube:
“Arbeloa si weyn ayaa looga qadariyay gudaha Real Madrid. Marka hore, dadka waxay jecel yihiin dabeecaddiisa. Marka labaad, waxay qiimeeyaan sida uu ugu kalsoonaaday ciyaartoyda da’da yar ee Castilla, taasoo ah wax ay Real Madrid rabto inay sii waddo-
Sidoo kale kulankii Bayern waa la qadariyay. Kooxdu si fiican ayay ula tartantay Manchester City iyo Bayern. Inkastoo uu jiray kaarka casaanka ee Eduardo Camavinga, haddana dabeecadda iyo waxqabadka waa la ixtiraamay gudaha kooxda. Dabcan, marka laga hadlayo koobab iyo natiijooyin, waxba lama guuleysan. Taasi waa dhibaatada.
Real Madrid waxay si gudaha ah u qiimeyn doontaa xaaladda Arbeloa. Waxaa suurtagal ah inuu ka tago kooxda inta u dhaxaysa hadda iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan, laakiin ilaa hadda wax rasmi ah looma sheegin.”
Warbixin kale oo sheegaya in Klopp uu beddeli doono tababaraha reer Spain, Romano wuxuu intaa ku daray:
“Real Madrid wali waxay wadaan wada hadallo gudaha ah oo ku saabsan tababarayaasha, mid ka mid ah magacyada mar walba la xuso waa Jurgen Klopp. Laakiin hadda arrintaasi ma aha mid horumar weyn gaaray ama rasmi ah.
“Real Madrid waxay leedahay dad badan oo maamulka ka tirsan oo si weyn u qadariya Klopp, laakiin marka hore waa in la fahmaa haddii Klopp dhab ahaantii doonayo inuu ku soo laabto shaqada maalinlaha ah ee tababarenimo. Taasi waa inay cad noqotaa ka hor wax kasta.”
