Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa laga yaabaa in xilka laga qaado dhammaadka xilli ciyaareedkan haddii shuruudaha cad ee kooxda ay soo Hordhigtay uusan buuxin.
Goolal ay dhaliyeen Rayan Cherki iyo Erling Haaland ayaa sababay in Arsenal 2-1 looga adkaado kulankii Manchester City ay la ciyaarayeen
Arsenal ayaa laga faa’iideystay iyagoo fursadaha ay lumiyeen loogu ciqaabay, iyadoo goolka Haaland ee qeybta labaad Ee go’aamiyay ciyaarta kadib markii Kai Havertz uu barbareeyay goolkii hore ee Cherki.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Man City ay hadda saddex dhibcood ka dambeyso Arsenal iyadoo leh hal kulan oo baaqi ah, halka momentum-ka uu hadda u muuqdo inuu la jiro kooxda Pep Guardiola, kuwaas oo hogaanka qaban kara haddii ay ka badiyaan kooxda Burnley kulanka Arbacada ay la ciyaarayaan
Arsenal waxay hogaanka ku hayeen si raaxo leh ilaa dhawaan, laakiin laba guuldarro oo xiriir ah oo ay kala kulmeen Bournemouth iyo Man City ayaa keentay in Citizens ka ay dib ugu soo dhawaadaan.
Taasi waxay keentay in taageerayaashu si dhab ah uga falceliyaan Arteta baraha bulshada iyo meelaha kale, iyadoo qaar ay sheegayaan in tababare kale uu kooxda u horseedi lahaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Hadda warbixinno ka imanaya Spain ayaa sheegaya in maamulka Arsenal “ay bilaabeen inay su’aal geliyaan haddii mashruuca uu gaaray heerkii ugu sarreeyay ee hoggaankooda”.
Warbixintu waxay intaas ku dartay:
Inkastoo horumar muuqda jiro, haddana maqnaanshaha koobab xilli ciyaareed kooxda loo arkayay inay tahay musharax weyn ay keeni karto cawaaqib.
Shuruudaha waxay u muuqdaan kuwo cad: haddii Arsenal ku guuldareysato inay ku guuleysato Premier League ama ugu yaraan gaarto final-ka Champions League, mustaqbalka Arteta wuxuu geli karaa khatar weyn. Cadaadiska ka jira koox heerkan ah ma ogola guuldarro waqtiyada muhiimka ah
David Ornstein oo ah suxufiga labaad ee Wararka Football updates ka loogu kalsooni badan yahay ayaa isagoo ka hadlayay kahor kulanka Man City iyo Arsenal ciyaari doonaan, ayaa waxa uu sheegay in Arsenal ay rabto inay sii hayso Arteta.
Ornstein ayaa waxa uu yiri:
“Waan hubaa in Arsenal ay rabto Arteta inuu sii joogo xilli ciyaareedka dambe iyo wixii ka dambeeya (wuxuu heshiis ku jiraa ilaa June 2027, sidoo kale hadalka Arteta wuxuu muujinayaa inuu isaguna sidaas doonayo
Haddii arrimuhu si xun u socdaan inta u dhexeysa hadda iyo xagaaga dambe, waxaa dhici doona wada hadallo aad u adag, mana aha wax aan macquul ahayn inuu Arteta ka baxo kooxda Arsenal—kubbadda cagta wax walba way ka dhici karaan, waxaana sidaas oo kale ka oran karaa ku dhowaad dhammaan kooxaha Premier League.
“Marka ujeedadu waa cadahay—laakiin toddobaadyada soo socda wax badan ayay go’aaminayaan kulamada soo socda.
Michael Owen oo Arsenal ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri:
“Hadertaan ma aha waqtigii wax daran la sheegi lahaa”
Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo Liverpool Michael Owen ayaa ku adkeystay in tani “aysan ahayn waqtigii wax daran oo kooxda Hadertaan dhibaato kusoo wajihi kartaa la sheegi lahaa” iyadoo Arteta wali haysto fursad uu horyaalka ku qaadi karo
Markii la weydiiyay haddii Arteta la Ceryin karo iyo haddii uusan horyaalka qaadin, Owen wuxuu u sheegay Daily Star:
“Maya, Mikel wuxuu la tartamayaa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican taariikhda (Pep Guardiola), Arsenal mar walba way horumarayaan qaab ciyaaroodkooda waxayna u tartamayaan horyaalka sanad walba. Wuxuu qabtay shaqo weyn, eeg sida ay ugu dha dhawaanayeen sanadihii la soo dhaafay.
koobka Champions League Arsenal hadda waxay gaareen wareega semi-final ka laba sano oo xiriir ah, taas oo ah wax weyn. Waxay haystaan fursad ay finalka ku gaaraan oo ay hal tallaabo hore u qaadaan sanadkan
Tani ma aha waqtigii wax daran la sheegi lahaa, Arsenal wali way ku guuleysan kartaa horyaalka iyo koobka dhaga weynaha Champions League.
Waxay haystaan koox aad u tartan badan oo sii xoogeysan doonta, sidaas darteed maya, haddii aysan horyaalka qaadin, ma aaminsani in la ceyrin doono Arteta”
Waa siduu yiri Michael Owen.
