WAR DEG-DEG:Xabi Alonso ayaa Heshiis la gaaray Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa gaartay Go’aan keeni doona in tababarihii hore ee Real Madrid Ee Xabi Alonso uu beddelayo Arne Slot isagoo noqonaya tababaraha cusub Ee xilli ciyaareedka xiga.

Reds ayaa ku jiray qaab ciyaareed niyad jab leh inta badan xilli ciyaareedkan kadib markii Arne Slot uu ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa dhawaan laga saaray FA Cup-ka kadib markii ay ka adkaatay Manchester City, halka sidoo kale 4-0 guud ahaan looga reebay Paris Saint-Germain wareega sideed dhammaadka koobka Champions League toddobaadkii hore.

Si kastaba, Reds ayaa ku guuleysatay labadii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League, taasoo siisay fursad wanaagsan oo ay ugu soo bixi karaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

U soo bixitaanka Champions League wuxuu ahaa shuruudda ugu yar ee ay maamulka Liverpool dhigeen kadib markii ay ku kooxda ki bixiyeen in ka badan lacag gaaraysa £400M xagaagii hore.

Waxaa jiray warar inta xilli ciyaareedkan socday oo sheegayay in Liverpool ay beddeli karto tababaraha oo ay keeni karto tababarihii hore ee Real Madrid Alonso xagaagan.

Hadda warar ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Liverpool ay “qaadday tallaabo ay ku beddeleyso” Slot garoonka Anfield iyadoo kooxda Merseyside ay “dardargelisay qorshaheeda”.

Waxaa la sheegay in heshiis buuxa la gaaray oo u dhexeeya Alonso iyo Liverpool si uu u noqdo tababaraha cusub kadib kulan hal saac qaatay oo ka dhacay Madrid

Waxaa la fahamsan yahay in heshiiska labada dhinac uu horey u dhammaaday, waxa kaliya ee harsan ay tahay waqtiga lagu dhawaaqayo Macalinka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay:

“Si kale haddii loo dhigo, shaki kama jiro halka uu u socdo, balse waxa kaliya ee la sugayo waa goorta tallaabada ugu dambeysa si rasmi ah loo shaacin doono. Heshiisyada noocan ah waxay u baahan yihiin in la hagaajiyo jadwalka, la dhammeystiro faahfaahinta qandaraaska, lana qeexo xaaladda ciyaareed ee lagu shaacinayo. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa horey ayaa loo dhammeeyay, sababtoo ah heshiisku wuu dhameystiran yahay.”

McCoist: Waxaan u maleynayaa in fursad la siin doono slot

Weeraryahankii hore ee Rangers iyo xulka Scotland Ally McCoist ayaa aaminsan in Slot la siin doono waqti xilli ciyaareedka soo socda si uu u muujiyo inuu Liverpool dib ugu soo celin karo maqaamkeedii.

Markii la weydiiyay talkSPORT haddii guushii 2-1 ee Merseyside derby-ga ee ay ka gaareen Everton ay ka caawin doonto Slot inuu shaqadiisa sii haysto, McCoist wuxuu yiri:

“Haa, sidaas ayaan u maleynayaa. Waxaan u arkaa inay ahayd natiijo weyn Runtii.

“Waxaan wali aaminsanahay in booska Champions League uu aad muhiim ugu yahay Liverpool, waxaana jiri lahaa su’aalo haddii Liverpool aysan—inkastoo aysan wali gaarin—damaanad qaadin koobka Champions League. Waxaan u maleynayaa inay gaari doonaan.”

McCoist wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan u maleynayaa inay jiri doonaan taageerayaal Liverpool ah oo weli wax yar ka walaacsan sida kooxda u ciyaartay dhawaanaham, laakiin dhinaca Arne Slot, waxaan u maleynayaa in la siin doono fursad uu dib ugu dhiso kooxdiisa bilowga xilli ciyaareedka oo uu mar kale isku dayo inuu dib ugu soo celin karo qaab ciyaareedkii Liverpool lagu yaqaanay.”

Xabi Alonso ma wuxuu ku dambeyn karaa Manchester United, ma ahan Liverpool…

Weeraryahankii hore ee Tottenham Hotspur Fernando Llorente ayaa aaminsan inay jirto suurtagalnimo in Alonso uu ku dambeyn karo Manchester United haddii Liverpool ay sii haysato Slot, halka Red Devils aysan ka dhigin Michael Carrick tababare joogto ah.

Llorente wuxuu u sheegay wargeyska Hajper:

“Anigoo garanaya Xabi, waxaan u maleynayaa inuu doorbidi lahaa inuu maamulo Liverpool halkii uu ka maamuli lahaa Manchester United. Laakiin hadda waa tababare aan koox lahayn, haddii Liverpool aysan u baahnayn inay tababare beddesho, Manchester United-na ay u baahan tahay oo ay dalab u soo bandhigto, wax walba way dhici karaan.

“Kubadda cagta, wax walba way dhici karaan. Waxaan aragnay tababarayaal badan oo maamulaya kooxaha ay hore uga soo horjeedeen.”

 

Xabi miyuu noqon karaa macalinka Seasonka xiga Ee Liverpool maamulaya ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *