BREAKING: Chalsea oo Tababare Cusub raadinaysa kadib Ceyrinta Rosenior

Andoni Iraola ayaa noqday musharraxa ugu horreeya ee lagu beddeli karo Liam Rosenior kadib kooxda Chalsea markii Liam Rosenior ay ceyriyeen xalay.

Chelsea ayaa ayaa iska Ceyrisay tababarihii hore Ee kooxaha Hull City iyo Strasbourg kadib markii ay lumiyeen shan kulan oo xiriir oo Premier League ah iyagoo aan wax gool ah dhalin.

Iyadoo Chelsea ay hadda toddobo dhibcood ka hooseyso Liverpool iyo booska shanaad ee Champions League lagu galo, isla markaana ay jirto semi-finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan kooxda Leeds Axadda,Calum McFarlane ayaa mar kale noqon doona tababare ku meel gaar ah markii labaad xilli ciyaareedkan.

War-saxaafadeedka Chelsea waxay xaqiijiyeen inay “sameyn doonaan qiimeyn gudaha ah si ay u helaan magacaabid muddo dheer sax ah”.

Wariye Ben Jacobs ayaa magacaabay 10 tababare oo suurtagal ah oo Blues ay dooran karto, iyadoo doonaysa inay magacawdo tababarihii shanaad tan iyo markii ay la wareegeen kooxda sanadkii 2022.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo lala yeeshay musharraxiinta beddeli doona Rosenior, balse Iraola uu yahay “musharrax hoggaaminaya” kadib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo naadiga Bournemouth dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Eddie Howe, Francesco Farioli oo tababare u ah kooxda Porto, Felipe Luis iyo tababarihii hore ee Borussia Dortmund Edin Terzic ayaa “dhammaantood leh taageerayaal gudaha kooxda ah isla markaana hore loogu soo qaaday doodaha xilalka hore”.

Oliver Glasner wuxuu noqon doonaa free agent xagaagan, halka Marco Silva. isna laga yaabo inuu diyaar unoqdo tababarnimada chalsea, maadaama uusan wali cusbooneysiinin heshiiskiisa Fulham, balse “labaduba kama mid ahayn raadinta tababarayaasha Chelsea ee hore”.

Marka laga hadlayo xiriirka lala xiriirinayo tababaraha Jarmalka Julian Nagelsmann, tababaraha. PSG Luis Enrique iyo tababaraha Como Cesc Fabregas, wariye Jacobs wuxuu bartiisa X kusoo qoray:

Julian Nagelsmann wuxuu qayb ka ahaa habkii lagu magacaabay Mauricio Pochettino. Waqtigaas, ilo ka tirsan Chelsea waxay sheegeen inuusan ku habboonayn kooxda, dhinaciisuna sidoo kale ma uusan qancin qaabka mashruuca.

Luis Enrique waxaa la filayaa inuu heshiiskiisa u kordhiyo PSG, wuxuuna hore ula kulmay Clearlake-Boehly. Lama filayo inuu noqdo musharrax ama inuu diyaar uyahay hogaaminta Blues. PSG waxay kalsooni ku qabtaa in heshiis cusub la gaari doono xagaagan.

Cesc Fabregas wuxuu diiradda saarayaa inuu Como usoo bixiyo Horyaalka Europe Ee koobka UEFA Champions league, balse wuxuu leeyahay hammi fog oo ah inuu tababare ka noqdo Cariga gudaha ingiriiska.”

Chelsea waxay dareentay inay khasab ku tahay inay eryaan Rosenior si ay ugu soo baxaan tartanka UEFA Champions league iyo inay ku guuleystaan FA Cup, Jacobs wuxuu kaloo sheegay in ciyaartoyda waaweyn ay “kalsoonida ka waayeen” tababaraha 41 jirka ah.

Wuxuu i taasi kusii daray:

“Ilo ayaa sheegaya in ciyaartoy badan oo waaweyn ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen tababaraha Chelsea. Waxaa la filayaa hannaan qoto dheer oo lagu raadinayo beddel aad u weyn, iyadoo Chelsea ay ogtahay in tababarayaal tayo saro leh ay diyaar uyihiin xagaagan.

“Diiradda hadda waa xasillooni iyo in ciyaartoyda la siiyo jawi wanaagsan si ay si xoog leh u dhammeeyaan xilli ciyaareedka.

“Ciyaartoyda iyo shaqaalaha waxaa la ogeysiiyay ka hor inta aan la shaacin go’aanka. Go’aanka waxaa qaatay hoggaanka sare ee kooxda.

“Ilo ayaa sheegaya in la aqoonsaday in go’aanno khaldan la qaatay, ma aha oo kaliya magacaabista Rosenior, balse guud ahaan xilli ciyaareedka, waxaana hadda laga baranayaa casharro ka hor magacaabista tababaraha cusub.”

Yaa noqonaya badelka Liam Rosenior ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *