“Waa hubaal inuu diyaar u noqon doono Koobka Adduunka” – War wanaagsan oo ku saabsan dhaawaca Lamine Yamal oo uu bixiyay tababaraha Barcelona Hansi Flick, iyadoo la saadaaliyay inuu “soo laaban doono isagoo ka sii xoog badan sida la filaayo”
Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa xaqiijiyay in xilli ciyaareedkan sii dhamaanayo Xiddiga Lamine Yamal uusan Barcelona u ciyaari doonin..
Hansi Flick ayaa warbaahinta la hadlay Jimcihii shalay, isagoo caddeeyay in Yamal uusan ka qayb qaadan doonin lixda kulan ee ugu dambeysa ee kooxda. Xiddigan da’yar ka ah ayaa dhaawac muruqa ah (hamstring injury) ka soo gaaray kulankii ay Barcelona 1-0 kaga badisay kooxda Celta Vigo bartamaha toddobaadkan, kulan uu gool rigoore ah ka dhaliyay ka hor inta aan laga saarin ciyaarta.
Inkasta oo maqnaanshihiisu ay dhaawac weyn ku tahay Barcelona, Flick ayaa si degdeg ah u yareeyay cabsi kasta oo ku saabsan mustaqbalka fog ee ciyaaryahanka, gaar ahaan ka qaybgalka Koobka Adduunka ee soo socda. Tababaraha Jarmalka ah ayaa sheegay in kooxda ay qaadanayso go’aan taxaddar leh si loo ilaaliyo mustaqbalka ciyaaryahanka, iyadoo la tixgelinayo da’diisa iyo muhiimaddiisa kooxda iyo xulka Spain labadaba.
Tababaraha Hansi Flick oo taageernimo u muujiyay Lamine Yamal:
Flick ayaa muujiyay inuu fahamsan yahay xaaladda ciyaaryahanka, balse wuxuu kalsooni ku qabaa inuu si wanaagsan uga soo kaban doono dhaawaca. Wuxuu sheegay in Yamal uu durba diiradda saarayo soo kabashadiisa isla markaana uu doonayo inuu matalo Spain Koobka Adduunka Ee Goordhow ka dhacaya wadamada Mareykanka, Mexico iyo Canada.
Flick wuxuu yiri:
“Arrintan ma fududa isaga iyo annagaba. Waa inaan si taxaddar leh u maareynaa. Wuxuu wax ka baran doonaa dhaawaciisii ugu horreeyay ee muruqa. Wuxuu hubaal ahaan diyaar u noqon doonaa Koobka Adduunka, wuxuuna soo laaban doonaa isagoo ka sii xoog badan sida uu ahaa.
Wuxuu dareemay wax yar kadib rigooradii, balse ma ahayn mid halis ah, sidaas darteed ayaan u ogolaanay inuu qaato. Waa dhaawiciisii ugu horreeyay ee muruqa, mana sahlanayn in calaamadaha la fahmo. Wuxuu wax ka baran doonaa dhaawiciisa maadaama uu aad u da’yar yahay. Wuxuu hore u seegay kulamo dhowr ah xilli ciyaareedkan, wax saameyn weyn ahna naguma yeelan.”
Qorshaha Barcelona Ee la’aanta Lamine Yamal:
Hansi Flick ayaa qiray in Yamal uu noqday laf-dhabarka weerarka kooxda, balse wuxuu aaminsan yahay in kooxda ay leedahay tayo iyo qoto-dheeri ku filan si ay u sii waddo tartanka horyaalka.
Wuxuu yiri:
“Waan u baahanahay isaga, haa, laakiin waxaan nahay koox. Haddii ciyaaryahan maqnaado, waa inaan isku duubnaano oo aan siino 100% ama ka badan ciyaarteena, Waxaa harsan lix kulan, hadafkuna mar walba waa guusha. Waxaan leenahay tayo aan ku ciyaari karno ciyaar weyn.
“Isagoo 18 jir ah, wuxuu qabtay shaqo weyn marka loo eego cadaadiska saaran. Waxaan u maleynayaa tani waa su’aashii afraad ee laga weydiiyo, taasoo muujineysa muhiimaddiisa. Wuxuuna noqday mid maskaxdiis caqli badan, wuxuuna taas muujinayaa toddobaad kasta. Waa caadi inuu hadda niyad jabo. Waxaan u rajeynayaa Koob Adduun oo wanaagsan, waxaana muhiim ah inuu si fiican uga soo kabsado.”
Ciyaarista iyo soo kabashada Koobka Adduunka
Yamal ayaa la filayaa inuu maqnaado muddo u dhaxeysa afar ilaa lix toddobaad, taasoo ka dhigan inuu dib ugu soo laaban karo waqtiga ciyaaraha caalamiga ah.
Spain national football team ayaa la filayaa inay ciyaarto Koobka Adduunka 15-ka June kulan ay la ciyaari doonaan xulka Cape Verde, kadibna ay la kulmaan Saudi Arabia iyo Uruguay.
Dhanka Barcelona, diiradda waxay saaran tahay sidii ay u sii hayn lahaayeen hoggaanka horyaalka La Liga, iyadoo ay ku jirto ciyaar weyn oo ay la leeyihiin Real Madrid oo ka dhici doonta Camp Nou 10-ka May.
