José Mourinho oo noqonaya Tababa raha cusub Ee Real Madrid

José Mourinho ku biiristiisa Real Madrid ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo David Ornstein uu bixiyay war cusub oo weyn.

Jürgen Klopp mar dambe ma aha musharraxa ugu horreeya ee beddeli doona Alvaro Arbeloa ee xilka tababaraha Real Madrid, maadaama Ornstein uu xaqiijiyay in Mourinho uu hadda yahay musharrax ugu cad cad Ee noqon kara macalin ka Real Madrid.

Tababaraha hadda jooga Arbeloa waxaa si weyn loo filayaa in laga eryo kooxda marka xilli ciyaareedku dhamaado, sida uu doonayo madaxweynaha kooxda Florentino Perez Arbeloa wuxuu xilka la wareegay bartamihii Janaayo kadib bixitaankii Xabi Alonso, balse dhamaadka xilli ciyaareedkan wuxuu u noqday mid niyad jab leh kooxda Los Blancos.

Kooxdu waxay 11 dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha LaLiga ee Barcelona sidoo kalena waxaa laga reebay Champions League wareegga siddeed dhammaadka iyagoo ay ka adkaatay Kooxda Bayern Munich.

Iyadoo Madrid wajahaysa xilli ciyaareed labaad oo xiriir ah oo aan wax koob ah ku guuleysan, Perez wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo qaado.

Suxufiyiinta wargeyska The Athletic ee Ornstein iyo Mario Cortegana – oo ah weriyaha Madrid – waxay sheegeen in Mourinho si lama filaan ah uga soo dhex muuqday inuu yahay “musharraxa uu doorbidayo” Perez si uu u beddelo Arbeloa xagaagan.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Bernabeu ayaa ka soo horjeeda fikradda ah in Mourinho uu dib ugu soo laabto tababarenimada. Si kastaba ha ahaatee, Perez ayaa leh go’aanka ugu dambeeya, taasoo ka dhigeysa tababaraha reer Portugal inuu yahay musharrax u cad cad tababarnimada kooxda Real Madrid.

Mourinho hadda waa tababaraha kooxda Benfica, qandaraaskiisuna wuxuu ka socdaa Estadio da Luz ilaa Juun 2027. Laakiin Ornstein iyo Cortegana waxay sheegeen in heshiiska uu ku jiro qodob burburin ah oo €3M ilaa £2.6M ah, kaas oo la dhaqan gelin karo 10 maalmood kadib marka xilli ciyaareedku dhamaado.

Tani waxay ka dhigan tahay in Madrid ay dib ula midoobi karto Mourinho iyada oo aan qarash badan bixin.

Wararkii dhawaa waxay soo jeediyeen in weeraryahanka Madrid ee Kylian Mbappe uu doorbidayo in Mourinho uu yimaado halkii Klopp la keeni lahaa Real.

Klopp ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u wareego caasimadda Spain, balse wuxuu u muuqdaa mid ku qanacsan shaqadiisa ah madaxa kubadda cagta ee Red Bull.

Haddii Mourinho uu dib ugu laabto Madrid, waxay noqon doontaa mid ka mid ah sheekooyinka ugu waaweyn xagaagan

José Mourinho Waxaa markii ugu horreysay loo magacaabay tababaraha Real Madrid bishii July sanadii 2010, iyadoo loo igmaday inuu joojiyo Barcelona ee Pep Guardiola oo waqtigaas dab iyo Holac ahaayeen Europe awood isaga Heysteen.

Mudadii saddexda sano ahayd Ee uu Real maamulaaye, tababaraha 63 jirka ah wuxuu Madrid ka caawiyay inay ku guuleysato LaLiga, Copa del Rey iyo Supercopa de Espana. Intii uu hoggaaminayay Mourinho Madrid waxay noqotay kooxdii ugu horreysay uguna dambeysay ee gaarta 100 dhibcood Horyaalka LaLiga xilli ciyaareedkii 2011-12

Soo laabashada Jose Mourinho waxay noqon kartaa mid muran dhalin karta:

Mourinho wuxuu ku caan baxay loollankiisa Guardiola, xitaa wuxuu sababay in tababaraha Barcelona uu qaato fasax hal sano ah.

Mourinho iyo Perez waxay leeyihiin xiriir wanaagsan, balse haddana soo laabashadiisu waxay noqon kartaa mid muran dhalisa. Wuxay isku dhacayn goolhayihii hore ee Madrid Iker Casillas intii uu joogay Bernabeu, sidoo kale wuxuu noqday shaqsi adag oo muran badan leh koox kasta oo uu tagay.

Mourinho waa mid ka mid ah tababarayaasha yar ee awooda inay maareeyaan xiddigaha waaweyn ee Madrid, balse haddii qorshuhu uusan u shaqeyn, waxaa sahlanaan doonta inay isku dhacaan xubno badan oo ka tirsan kooxda Real Madrid.

Kulankiisa ugu horreeya ee suuragalka ah ee uu la yeesho Vinicius Junior ayaa sidoo kale noqon kara mid adag. Kadib markii Vinicius uu ku eedeeyay ciyaaryahanka Benfica ee Gianluca Prestianni hadal cunsuriyadeed kula kacay Vini kulanka Champions League bishii February, Mourinho wuxuu sheegay in ciyaaryahanka Brazil uu sababay arrintaas dabaaldeggiisa.

Mourinho ayaa markii dambe sheegay inuu “si buuxda uga soo horjeedo nooc kasta oo takoor ah”, halka Prestianni la siiyay ganaax lix kulan ah sababo la xiriira falal naceyb ah

 

José Mourinho hadii macalin ka Real Madrid uu noqdo Real maxaa iska badeli karo Comment halkaan nagu reeb fikirka 👇

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *