Manchester United ayaa laga yaabaa inay hesho faa’iido dhaqaale maadaama laba kooxood oo waaweyn oo Yurub ah ay xiiseynayaan saxiixa Xiddiga Mason Greenwood.
Greenwood wuxuu si rasmi ah uga tagay Manchester United xagaagii 2024, isagoo ku biiray kooxda Ligue 1 ee Marseille isagoo ugu biiray qiimo ku dhow £26M
Manchester United waxay ogolaatay inay ku iibiso Greenwood qiimo ka hooseeya qiimihiisa dhabta ah si ay uga saarto kooxda, laakiin waxay ku dartay qodob ah 50% lacagta lagu iibinayo mustaqbalka inay ka helaan si ay uga faa’iidaysato haddii mar kale la iibiyo
Xaaladda Greenwood Ee Man Utd waxay noqotay mid aan sii socon karin kadib markii lagu Eedeeyay fal kufsi isku day ah inkastoo dacwadda la joojiyay kadib markii markhaatiyaal muhiim ah ay la imaadeen.
Ciyaaryahanka 24 jirka ah wuxuu xilli ciyaareedkii 2024/25 ku qaatay amaah uu ku joogay kooxda Getafe, isagoo sameeyay 14 wax ku biirin (goolal iyo caawin) 33 kulan oo uu ciyaaray Xilli ciyaareedkaas.
Tani waxay keentay inuu u wareego kooxda Marseille, halkaas oo uu ka dhaliyay 47 gool islamarkaana sameeyay 16 caawin 78 kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada oo dhan
Si kastaba, wax walba si sahlan uma socon dhanka Marseille, maadaama uu dhawaan kursiga keydka lagu soo bilaabay kulan ay kooxda Marseille 1-1 la galeen kooxda Nice lagu magacaabo kadib markii la sheegay in lagu ciqaabayo arrimo gudaha kooxda ah.
Inkasta oo ay jiraan arrimahaas Greenwood waxaa xiiseynaya kooxo badan oo Europe ah, oo ay ku jiraan kooxaha Atletico Madrid iyo Paris Saint-Germain.
Sida lagu sheegay warbixin ka timid warbaahinta Spain, Atletico Madrid waxay dirtay dalabkii ugu horreeyay oo gaaraya €60 milyan, Haddii la aqbalo Manchester United waxay heli doontaa £26 milyan oo ka mid ah lacagtaas.
Si kastaba, arrintu waxay noqon kartaa mid adag maadaama tababaraha PSG, Luis Enrique, uu dalbaday in kooxda la keeno Greenwood
Warbixintu waxay sheegaysaa in Atletico aysan kaligeed ahayn utartanka saxiixa Greenwood, PSG-na ay si dhow ayay ula socotaa xaaladda ciyaaryahanka, taasoo keeni karta tartan adag oo ku saabsan saxiixiixan
Kooxda Marseille oo ka warqabta xiisaha badan ee uu ciyaaryahanku helayo, ma doonayso inay si fudud u iibiso, waxaana suuragal ah in dalabka Atletico uusan ku filnayn haddii tartan kooxo badan uu dhasho
Wararkan ayaa farxad u noqon kara Manchester United, oo sidoo kale laga yaabo inay lacag ka hesho iibinta ciyaartoy kale xagaagan.
