Bruno Fernandes oo qarka u saaran Inuu Rikoor Taariikhi ah Sameeyo

Bruno Fernandes ayaa isku qoraya rikoor Weyn oo Premier League ah kadib markii uu sameeyay caawinta goolka uu si uu dhaliyay Benjamin Sesko kulankii Manchester United ay 2-1 kaga adkaatay Brentford Isniintii.

Hadda wuxuu wajahayaa Liverpool kulanka Super Sunday Baritoole isagoo u baahan hal caawin oo kaliya si uu ula mid noqdo Kevin De Bruyne oo Manchester City u sameeyay xilli ciyaareedkii 2019/20 iyo Thierry Henry oo Arsenal u sameeyay Xilli ciyaareedkii 2002/03. Iyadoo afar kulan oo xilli ciyaareedka ka harsan yihiin, wuxuu u dhow yahay inuu gaaro Rikooradooda.

Captain Bruno Fernandes wuxuu ahaa Mid hal-abuur badan leh Premier League tan iyo markii uu yimid Old Trafford isagoo kaga soo biiray Sporting Lisbon bishii Janaayo 2020-kii, balse tiradiisa hadda ee 19 caawin waa tii ugu badnayd Ee uu hal xilli ciyaareed sameeyo.

Haddii uu sii wado isla heerkan kulamada haray ee Manchester United, oo ay ku jiraan Sunderland, Nottingham Forest iyo Brighton kadib Liverpool, wuxuu ku dhammaan karaa 22 caawin oo waxa uu sidaas ku noqon karaa ciyaaryahanka kaliya Ee Hal Xilli ciyaareed Caawin kabadan sameeya cid kasta

Tirakoobyadu waxay muujinayaan farqi weyn oo u dhexeeya Bruno Fernandes iyo ciyaartoyda kale ee xilli ciyaareedkan Premier League. 31-jirkan ayaa leh 19 caawin, taas oo ku dhowaad laba jibbaar ka badan cid kasta oo kale, iyadoo Rayan Cherki oo Manchester City ah iyo Jarrod Bowen oo West Ham ah ay kuxigaan oo leh min 10 caawin.

Farqiga ayaa sidoo kale aad u weyn marka laga eego fursadaha la abuuray, iyadoo Fernandes uu leeyahay 114, si aad ah uga horreeya ciyaartoyda xigta ee liiska ku jira, kuwaas oo kala ah Dominik Szoboszlai oo Liverpool ah iyo Declan Rice oo Arsenal ah, kuwaas oo leh 61 chance abuuritaanka Wuxuu sidoo kale si cad ugu sarreeyaa fursadaha waaweyn ee la abuuray (big chances) sida ay qeexday Opta, isagoo leh 28 oo chance yada waa weyn la abuuro

Keenista kubbadaha gees kalaasla Ee (set-pieces) ayaa door weyn ka qaadatay guushiisa xilli ciyaareedkan. Toban ka mid ah 19-kiisa caawin waxay ka yimaadeen laadadka xorta ah iyo koornooyinka marka loo eego laba iyo saddex kaliya oo ay sameeyeen Henry iyo De Bruyne rikoorradooda.

Laakiin waxaa mudan in la xuso in marka loo eego xilli ciyaareedkan Premier League, Bruno Fernandes uu sidoo kale si raaxo leh ugu sarreeyo fursadaha laga abuuray ciyaarta socota (open play), taas oo muujinaysa dhammaystirnaantiisa hal-abuur ahaan Ee Season kaan.

Caawimadu dabcan waxay ku xiran tahay awoodda ciyaaryahan kale ee kooxda inuu dhammeeyo fursadda, balse Fernandes ayaa sidoo kale ugu sarreeya expected assists (xA), taas oo bixisa sawir dhab ah oo ku saabsan tayada fursadaha la abuuray. Dhab ahaantii, wuxuu leeyahay xA-ga ugu sarreeya ciyaaryahan kasta tan iyo markii uu sameeyay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League.

Liverpool uma baahna in loo xusuusiyo waxa uu sameyn karo. Waxay ahayd kubbad iskutallaab ah oo qurux badan oo uu ku dhuftay lugtiisa midig intii lagu jiray wejiga labaad ee koornada, taas oo u saamaxday Harry Maguire inuu madax ku dhaliyo goolka guusha markii labada koox ay ku kulmeen Anfield bishii Oktoobar.

Caawin kale oo la mid ah maalinta Axadda waxay la mid dhigi doontaa rikoor taagnaa 23 sano, isla markaana waxay xoojin doontaa doodda ah in loo aqoonsado ciyaaryahanka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan.

 

Captain Bruno Fernandes maku Guuleysan karaa PFA Player Of The Year?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *