MAN UNITED VS LIVERPOOL KA HOR KULANKA GALABTA

Iska illoow Xifaaltanka ka dhaxeeyo kooxaha Manchester City iyo Arsenal, iyadoo aan loo eegin kala sarreynta horyaalka, Manchester United vs Liverpool weli dad badan waxay u arkaan xafaaltanka ugu weyn kubadda cariga England.

Ragga ka socda Merseyside ayaa gacanta sare ku hayay kulanka Derby-ga waayadii ugu dambeeyay, iyagoo kaliya laga adkaaday saddex ka mid ah 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee heerka sare ee ay labada koox yeesheen. Laakiin kadib markii Kooxda Manchester United ay 2-1 ku badiyeen Anfield bishii Oktoobar, United waxay haysataa fursad ay ku diiwaangeliso guusheedii ugu horreysay Ee laba jeer ka badan Liverpool ee Premier League muddo toban sano ah.

Soo kabashada iyo kor ukaca Man United Ee uu hoggaaminayo Macalin Michael Carrick ayaa u qaadday kaalinta saddexaad ee jadwalka kala sareynta Horyaalka Premier league, balse haddii Liverpool ay halkan ku badiso kooxda uu Hogaamiyo Macalin Arne Slot waxay ka sarre mari doonaan martigeliyeyaasha iyadoo la eegayo farqiga goolasha. Taasi waxay siinaysaa kulanka Maanta Ee Garoonka Old Trafford lagu ciyaarayo  xiiso gaar ah uu yeelan doono.

MANCHESTER UNITED VS LIVERPOOL WAQTIGA AY WADA CIYAARI DOONAN:

Manchester United vs Liverpool kulanka wuxuu bilaabanayaa 5:30 PM Galabnimo, Waxaana lagu ciyaari doona garoonka kooxda Red Devils Ee Old Trafford.

 

WARARKA KOOXDA MAN UNITED

Michael Carrick ayaa Jimcihii sheegay in United ay rajaynayso in weeraryahanka Matheus Cunha uu diyaar noqon doono kadib dhaawac sinta ah soo gaaray, Sidoo kale waxaa rajo laga qabaa Luke Shaw inkastoo daafaca bidix uu yahay kan shaki badan ka jiro.

Lisandro Martinez ayaa ciyaaraya kulankiisii saddexaad ee ganaaxa kadib casaankii uu qaatay kulankii ay gurigooda kaga adkaadeen kooxda Leeds United, halka daafaca dhexe Ee Matthijs de Ligt uu ku dhow yahay soo laabasho balse uusan diyaar u ahayn kulankan.

WARARKA KOOXDA LIVERPOOL:

Mohamed Salah ayaa sanado badan dhib ku hayay Reer United, isagoo toddoba gool ka dhaliyay Old Trafford Premier League Waana Garoomada ugu jecel yahay premier league, balse wuu ka maqnaanayaa kulanka Maanta. Slot ayaa rajaynaya inuu soo laabasho ballaaran sameeyo ka hor dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha kooxda Liverpool Ee Giorgi Mamardashvili wali wuu maqanyahay kadib dhaawacii soo gaaray kulankii  Everton, halka la sugayo in goolhayaha koowaad Alisson Becker uu soo laaban karo iyo in kale, Goolhaayaha Seddexaad Ee Freddie Woodman ayaa mar kale diyaar ah oo ciyaari kara kulan weyn.

Daafaca bidix Milos Kerkez wuxuu leeyahay “dhibaatooyin yar yar” balse waxaa la filayaa inuu ciyaari karo ciyaartan

MAN UTD IYO LIVERPOOL SAFAFKA MACQUUL KA AH AY KUSOO GALI KARAAN KULANKA GALABTA:

MANCHESTER UNITED VS LIVERPOOL SAADAASHA KULANKA:

Kulankani wuxuu u muuqdaa mid adag in la saadaaliyo iyadoo labada koox ay heleen 10 dhibcood shantii kulan ee ugu dambeysay, taasoo dhaawacday rajadii kooxaha kale ee doonayay inay usoo baxaan boosaska koobka Europe Ee Champions League.

Inkasta oo Liverpool ay guulo waaweyn ka gaartay Man United sanadihii u dambeeyay, taas uma muuqato mid dhici doonta halkan, waxaana natiijada ugu macquulsan ee labada koox ee wanaagsan balse aan heer sare gaarin ay u muuqataa barbaro.

Waxay u muuqataa qiime fiican gaar ahaan iyadoo sagaal ka mid ah 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ee labadan koox ay ku dhammaadeen barbaro.

KOOXDA LOO SAADAALINAYO IN GALABTA AY BADIN DOONAAN:

Farqiga kaliya Ee weyn ee u dhexeeya labada koox xilli ciyaareedkan waa in Man United ay haysato ciyaaryahan si joogto ah u ciyaaraya heer caalami ah.

Bruno Fernandes ayaa si joogto ah loogu xushay saadaashan, isagoo marar badan keenay sharadyo caawin sameyn doona.

Ma jirto sabab looga leexdo istaraatiijiyaddaas halkan, sidaas darteed Captain Bruno Fernandes ayaa Hadertaan u jiro kaliya Hal caawin inuu soo bareejeeyo Kevi  Debruyne iyo Henry kuwaas oo Hal Xilli ciyaareed caawiyeen 20-Assist Bruno ayaana caawa doonayo inuu raggaas soo bareejeeyo.

MAN UTD IYO LIVERPOOL 5-TII KULAN UGU DAMBEYSAY FORM KOODA:

MAN UTD IYO LIVERPOOL 5-TII KULAN UGU DAMBEYSAY AY WADA CIYAAREEN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *