José Mourinho ayaa Madaxwaynaha kooxda Real Madrid Ee Florentino Perez u sheegay saddex shuruudood oo aan laga gorgortami karin in loo fuliyo kadib kulankii dhexmaray isaga iyo Florentino Perez si uu ugu soo laabto kooxda Real Madrid.
Tababarihii hore Ee kooxaha Chelsea, Manchester United iyo Tottenham Hotspur Ee hadana Maamula Benfica ayaa waxa uu noqday bartilmaameedka koowaad Ee kooxda Real Madrid si uu u beddelo Tababaraha waqti xaadirkaan haaya Real Ee Alvaro Arbeloa kadib markii halyeeyga Liverpool Jürgen Klopp uusan muujin wax rabitaan ah oo uu ugu soo laabanayo tababarenimadiisa.
Mourinho ayaa hore u maamulay Real Madrid intii u dhaxaysay 2010-kii ilaa 2013-dii isagoo kooxda kula guuleystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii 2010/11, wuxuuna weli xiriir wanaagsan la leeyahay madaxweyne Perez.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa bishii hore xaqiijiyay in José Mourinho diyaar u yahay inuu ku laabto Real Madrid
Romano wuxuu yiri: “Waxay noqon doontaa wax gaar u ah oo mashquul badan kooxda Real Madrid. Waxaan ognahay inay jiraan xaalado badan, ciyaartoy baxaya, ciyaartoy imanaya, ciyaartoy soo laabanaya, iyo sidoo kale tababarahyaasha la Ceyrinayo waqti kasta.
“Dhanka Jurgen Klopp, ama wuxuu go’aansanayaa inuu mar kale suuqa tababarayaasha soo galo, ama Real Madrid ma carqaladeyn doonto heshiiskiisa kooxda Red Bull. Marka waxay ku xiran tahay Klopp.
“Dhanka kale, Jose Mourinho diyaar ayuu u yahay inuu dib ugu laabto kooxdiisii Hore Ee Real Madrid, balse taas waxay ku xiran tahay go’aanka Florentino Perez. Taasi waa xaaladda Hadertaan u baahan in lays weydiiyo”
Benfica waxay doonaysaa in Mourinho sii joogo kooxda, balse waxaa la shaaciyay in heshiiskiisa hadda uu ku jiro qodob fasax ah oo qiimihiisu yahay saddex milyan oo Euro uu qaadanayo José Mourinho.
Laakiin Mourinho iyo Perez ayaa wada hadallo ka yeeshay suurtagalnimada inuu dib ugu laaban maro Bernabeu sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Esdiario iyada oo loo sii marayo Mundo Deportivo.
José iyo Perez ayaa yeeshay shir call muuqaal ah oo socday hal saac si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada inay mar kale midoobaan xilli ciyaareedka soo socda, waxaana sidoo kale goob joog ahaa wakiilka muddada dheer ee Mourinho Jorge Mendes.
Wakiilka caanka ah ayaa Yiri: “kama uusan qeybgelin wadaxaajoodka, waxaana la sheegay in Mourinho uusan wali oran haa ama maya heshiiska uu ugu soo laaban lagaa Real, balse uu soo bandhigay shuruudihiisa aan laga gorgortami karin.
Waxaa la sheegay inuu doonayo dib-u-habeyn lagu sameeyo waaxda caafimaadka, awood buuxda oo anshax marin ah iyo maamul buuxa oo dhinaca ciyaaraha ah oo uu ku yeesho Real Madrid, iyadoo Perez la filayo inuu jawaab bixiyo toddobaadka soo socda.
Benfica waxay doonaysaa in Jose Mourinho uu hawlgab kaga noqdo kooxda.
Warbixin cusub oo kasoo baxday Spain ayaa sheegtay in Benfica doonayso inay Mourinho ku xirto heshiis cusub, isla markaana ay wadaxaajood ku jirto si loo baabi’iyo qodobka fasaxa.
Benfica ayaa la sheegay inay walaac weyn ka qabto mustaqbalka Mourinho isla markaana ay isku dayayso inay sii haysato wixii ka dambeeya xagaagan.
Waxaa sidoo kale loo saadaalinayaa inuu beddeli karo tababaraha Portugal Roberto Martinez kadib Koobka Adduunka, balse qorshaha Benfica ayaa ah heshiis kordhin si loo xaqiijiyo sii joogitaankiisa kooxda Benfica.
Warbixintu waxay sharraxaysaa oo ay sheegaysaa:
“Kordhintan waxay ku jiri doontaa mushaar kordhin weyn si loo qanciyo tababaraha José Mourinho
“Haddii Mourinho ugu dambeyn aqbalo dalabkan oo uu heshiis la gaaro maamulka Benfica, waxaa aad u badan inay tani noqoto waaya-aragnimadiisii ugu dambeysay Ee tababarenimo kahor inta uusan ku dhawaaqin hawlgab rasmi ah.
Laakiin Mourinho wali waa bartilmaameed ay xiisaynayso Real Madrid, iyadoo wariye Nicolo Schira uu Arbacadii bixiyay war cusub.
Wuxuu Bartiisa X kusoo qoray: “Jose Mourinho waa musharax xooggan oo loo tixgelinayo kursiga tababarenimo Ee Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.
“Benfica waxay jeclaan lahayd inay sii haysato, balse heshiiskiisa waxaa ku jira qodob fasax ah (€3M). Wax walba waxay ku xiran yihiin go’aanka Special One waxa uu sameyn lahaa…
