Kadib markii Federico Valverde uu soo saaray qoraal dheer oo ka kooban 425 eray kadib markii isbitaal loola cararay oo dhaawac maskaxeed culus soo gaaray, farriimo la sheegay inay sir ahaayeen oo laga helay Aurelien Tchouameni ayaa bixiyay dhinaciisa sheekada ku saabsan dagaalkii qolka labiska Ee Real Madrid.
Waxay ahayd toddobaad buuq badan ka dhacay xarunta tababarka Real Madrid ee Valdebebas, iyadoo warbixin kasoo baxday Wargeyska The Athletic Arbacadii sheegtay in Dagaaladu sii kordheen ka hor kulanka El Clasico ee Axadda.
Sida lagu sheegay warbixinta, waxaa jiray dhowr dhacdo oo kulul ka hor kulanka Real ay kooxda Barça isla ciyaarayaan iyadoo daaficii hore ee Chelsea Antonio Rudiger uu ku lug lahaa dood kulul oo uu la yeeshay ciyaaryahanka Alvaro Carreras ee xarunta tababarka Real Madrid waxaana la sheegay inuu isagu bilaabay dagaalka
Waxaa sidoo kale la sheegay in Kylian Mbappe ay isku dhaceen mid ka mid ah tababarayaasha Real Madrid, isagoo si caro leh ula hadlay oo aflagaadeeyay xubin ka tirsan kooxda Arbeloa kadib markii offside looga dhigay kulan ay tababaranayeen.
Wargeyska Marca ayaa markaas Khamiistii shaacisay in dagaal dhex maray Tchouameni iyo Valverde uu ku dhammaaday in Valverde isbitaal la dhigay, iyadoo ciyaartoy dhowr ah ay warbaahinta Spain u sheegeen in dhacdadaasi ahayd tii ugu xumeyd abid Ee laga arko qolka Labiska Real Madrid.
Real Madrid ayaa markii dambe xaqiijisay in Valverde uu galay xaalad dhaawac maskaxeed balse uu hadda ku sugan yahay xaalad wanaagsan uuna si Nawad leh ugu joogo gurigiisa.
Federico Valverde ayaa soo qoral qoraal kadib dagaalkii uu la galay Tchouameni
Qoraalkiisa Valverde wuxuu sharaxay “caradiisa” keentay dhacdadan, balse wuxuu xaqiijiyay in saaxiibkeyga kooxda ima garaacin, aniguna ma aanan garaacin, isagoo sheegay inuu si kama ah ugu dhacay miis intii muranku socday.
Hadda isticmaale X ah oo lagu magacaabo @AQABABE ayaa soo dhigay waxa uu ku sheegay inay yihiin farriimo gaar ah oo ka yimid Aurelien Tchouameni oo sharaxaya aragtidiisa dhacdada.
Farriimahaas ayaa ahaa sidan:
“Wax baa dhacay laakiin waxba kama sheegi karo, Waxaan kuu sheegay in shalay aysan wax dagaal ah dhicin Ma aanan feerin isaga, taas run ma aha Taasi waa waxa kaliya ee aan kuu sheegi karo, Madaxdiisa ayaa dhulka ku dhacday.”
Qoraalka Valverde ayaa isagana shegay
“Shalay waxaan dhacdo la yeeshay saaxiibkey kooxda kadib ciyaar tababar ah, halkaas oo daalka tartanka iyo niyad-jabku ay wax walba ka dhigaan kuwo ka weyn sida ay dhab ahaan yihiin.
“Qolka labiska waa caadi ah waxyaalahan way dhacaan waxaana dhexdeenna lagu xalliyaa iyadoon banaanka loo saarin. Sida muuqata waxaa jira qof ka dambeeya arrintan oo degdeg ugu faafiyay warbaahinta, iyadoo lagu daray xilli ciyaareed aan koobab lahayn oo Madrid mar walba noqoto xarunta dareenka, wax walbana la buunbuuniyo, Maanta waxaan mar kale yeelanay muran kale. Intii dooddu socotay ayaan si kama ah ugu dhacay miis, taasoo keentay dhaawac yar oo foodda ah oo igu khasbay inaan booqdo isbitaalka….
“Saaxiibkeyga kooxda ima garaacin, aniguna ma aanan garaacin, inkastoo aan fahamsanahay inay idiin fududeyd inaad rumeysataan inaan is garaacnay ama ay ahayd wax ula kac ah, balse taasi ma dhicin.
“Waxaan dareemayaa in caradayda ku saabsan xaaladda iyo niyad-jabka aan ka qaaday inaan aragno qaar naga mid ah oo gaaray dhammaadka xilli ciyaareedka iyagoo tamartoodii ugu dambeysay isticmaalaya, maskax ahaan burburaya, ay iga dhigtay inaan muran la galo saaxiibkey kooxda Ee Tchouameni…..
“Waan ka xumahay Runtii waan ka xumahay sababtoo ah xaaladdan way i dhaawaceysaa, waqtiga aan ku jirnana wuu i dhaawacayaa. Madrid waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan noloshayda mana joogi karo anigoo aan wax dareen ah qabin, Waxa dhacay waa isku urur waxyaabo badan oo ku dhammaaday muran aan macno lahayn, dhaawacay sumcaddayda una oggolaaday dadka inay been abuuraan, aflagaadeeyaan, oo buunbuuniyaan shil yar oo dhacay, taas oo aan shaki ka qabin Khilaaf kasta oo garoonka ka dhaca wuxuu dhammaadaa marka aan ka baxno, haddii aan u baahdo inaan isaga difaaco gudaha garoonka, aniga ayaa ugu horreyn doona….
“Ma aanan dooneyn inaan hadlo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, Waxaan ka harney Champions League, waxaana naftayda ku hayay carada iyo niyad-jabka naga soo gaaray xaaladahaas oo kale Waxaan luminay sanad kale Horyaalka LaLiga mana aanan rabin inaan qoraallo kusoo qoro baraha bulshada iyadoo wejiga kaliya ee aan muujin karo uu yahay kan garoonka dhexdiisa, waxaana dareemayaa inaan taas sameeyay Taasi waa sababta ay ii xanuujineyso oo ii murugelineyso inaan maro xaaladdan, taas oo iga hor istaagtay inaan ciyaaro kulanka xiga sababo caafimaad dartood, sababtoo ah mar walba waan sii dagaallamaa ilaa dhammaadka ugu dambeeya, waxaana iga xanuun badan cid kasta inaan awoodi waayo inaan sidaas sameeyo. Waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo kooxda iyo saaxiibadey go’aan kasta oo ay u arkaan inuu muhiim yahay.
“Mahadsanidiin.”
Waa siduu Valvarde kaga hadlay qaabka dagaalka u dhacay iyo waxa ay Hadertaan isku hayaan Tchouameni
