Real Madrid oo Ganaax Culus ku riday Valverde iyo Tchouameni Kadib Dagaalkii Dhexmaray

Kooxda Real Madrid ayaa ganaax aan horay loo arag ku riday Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni kadib dagaalkii dhexmaray labadooda

Muddo ayay caddayd in xilli ciyaareedka 2025/26 uu noqon doono mid ay Real Madrid rabto inay illowdo, balse xaaladdu waxay sii noqoneysaa mid ka sii xun midaas.

Tababare Alvaro Arbeloa ayaa sidoo kale ku dhibtooday shaqada kadib markii la ceyriyay Xabi Alonso bilowgii sanadkan, iyadoo Real Madrid ay ku guuldareysatay inay ku guuleysato koob weyn labo xilli ciyaareed oo xiriir ah.

Waxaa jiray warar badan oo sheegaya in qolka labiska uu noqday meel adag in la maamulo, waxaana toddobaadkan soo baxay in Valverde iyo Tchouameni ay isku dhaceen ka hor kulanka El Clasico Ee Axadda ay la ciyaarayaan kooxda Barcelona.

Khamiistii waxaa la sheegay in Valverde isbitaal la dhigay kadib dagaal uu la galay Tchouameni, inkastoo xiddiga Reer Uruguay uu markii dambe sheegay in arrinta si aad ah loo buunbuuniyay.

Si kastaba warar dambe ayaa sheegay in Tchouameni uu gacan u qaaday Valverde kadib markii dhowr jeer la laga xanaajiye iyadoo sidoo kale la sheegay inay jiraan Xog sir ah oo la faafiyay oo uu qoray ciyaaryahanka Reer France Ee Aurelien Tchouameni.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa faahfaahin ka bixisay dhaawaca Valverde waxayna furtay baaritaan anshaxeed oo ku saabsan kadib dhacdadii dhacday.

Bayaan kasoo baxay Real Madrid ayaa lagu yiri:

“Kadib baaritaanno maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeena Fede Valverde oo ay sameeyeen adeegyada caafimaadka Real Madrid, waxaa lagu ogaaday inuu soo gaaray dhaawac maskaxeed….

“Valverde wuxuu ku sugan yahay gurigiisa oo xaalad wanaagsan ayuu dareemayaa, waxaana lagu amray inuu nasto 10 ilaa 14 maalmood, sida uu dhigayo nidaamka caafimaad ee dhaawacan.”

Hadda warbaahinta Spain ee Fichajes ayaa sheegtay in madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu ka daalay labada ciyaaryahan islamarkaana uuba doonayo inuu iska iibiyo

Warbixinta ayaa sheegtay:

“Marka loo eego culayska dhacdada, Florentino Perez wuxuu qaatay go’aan adag labada ciyaaryahan waxaa suuqa la gelin doonaa xagaaga soo socda Kooxdu waxay bilowday tallaabooyin anshaxeed oo keeni kara ganaaxyo mushaar la’aan ah, taasoo noqotay meel aan dib looga laaban karin gudaha kooxda.”

“Real Madrid diyaar uma aha inay ogolaato anshax xumada ciyaartoydu inay saameeyaan gaar ahaan qolka labiska, xilli sumcadda kooxda ay khatar ku jirto dhammaadka xilli ciyaareedkan Maamulka kooxda oo uu hoggaaminayo José Ángel Sánchez ayaa kulan deg-deg ah ku yeeshay Valdebebas si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ahayd dhacdadaan culus ee gudaha ka dhacay.”

Si kastaba, weriye Alberto Pereiro oo ka hadlay Onda Cero ayaa sheegay in “aan la iibin doonin xagaagan labadooda”, balse wali ay wajahayaan ganaax “aan horay loo arag.”

Sida uu sheegay Pereiro, Valverde iyo Tchouameni waxay wajahayaan ganaaxyo ciyaareed iyo kuwo dhaqaale.

Waxa uu yiri

“Cawaaqibta ciyaareed ee Fede Valverde iyo Aurélien Tchouaméni waxay noqon karaan kuwo degdeg ah. Kooxdu waxay ka fiirsaneysaa ganaax 3 ilaa 10 kulan ah oo lagu rido labada ciyaaryahan.”

“Dhanka dhaqaalaha, maamulka kooxda dib uma laaban doonaam Waxay ka fiirsanayaan ganaax aan horay loo arag oo gaari kara 5% mushaarka guud ee  ciyaartoyda. Taasi waxay ka dhigan tahay ku dhowaad 500,000 Euro qofkiiba, waana lacag aad u weyn oo loogu talagalay inay noqoto tusaale cusub oo ku jira xeerka anshaxa kooxda.”

Kadib warbixintan, Real Madrid ayaa bayaan ku xaqiijisay in ganaaxa Valverde iyo Tchouameni uu noqon doono mid dhaqaale oo keliya, islamarkaana uu gaari doono lacagta “aan horay loo arag” sida uu sheegay Pereiro.

Real Madrid ayaa Jimcihii bayaan soo saartay iyadoo leh:

“Real Madrid C.F. waxay shaacinaysaa in kadib dhacdooyinkii horseeday furitaanka dacwad anshaxeed shalay oo ka dhan ah ciyaartoydeena Federico Valverde iyo Aurélien Tchouaméni, labada ciyaaryahan ay maanta kasoo hor muuqdeen guddiga baaritaanka.”

“Intii ay hadlayeen, ciyaartoydu waxay muujiyeen qoomamo dhab ah oo ku saabsan wixii dhacay waxayna is weydiisteen raalli-gelin.”

“Waxay sidoo kale raalli gelin siiyeen kooxda, saaxiibadooda, shaqaalaha tababarka iyo taageerayaashaba waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin inay aqbalaan ganaax kasta oo ay kooxda ku habboon ay aragto.”

“Iyada oo la eegayo duruufahan, Real Madrid waxay go’aansatay inay ganaax lacageed oo dhan 500,000 euro ku riddo ciyaaryahan kasta, sidaas ayaana lagu soo gabagabeeyay tallaabooyinkii gudaha ee arrintan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *