Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay dardargeliso dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga West Ham United Ee Matheus Fernandes xagaagan.
Xilli ciyaareedka 2025/26 wuxuu ahaa mid aad u niyad jab badan u ah kooxda West Ham United, kuwaas oo wajahaya inay u dhacaan Horyaalka Heerka labaad Ee Championship ka.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ahaa xilli ciyaareed uu si weyn isku muujiyay xiddiga Reer Portugal Ee Mathues Fernandes, kaas oo noqday mid kamid ah da’yarta ugu wanaagsan khadka dhexe Season-kaan Horyaalka Premier League.
Sidaas darteed wax lala yaabo ma aha inuu si xoogan loola xiriirinayo u dhaqaaqista kooxda Man United, kuwaas oo la og yahay inay suuqa ugu jiraan ugu yaraan labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ah xagaagan oo ay doonayaan inay lasoo wareegaan.
Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa la sheegay inuu doonayo in United ay lasoo saxiixato magac-wadaaggiisa, waxaana weriye Ben Jacobs uu toddobaadkan sheegay inay muddo ka shaqeynayeen imaanshihiisa isla markaana uu u furan yahay heshiiska.
Wariye Ben Jacobs ayaa yiri:
“Haddii aad la socotay barnaamijka dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaad horey ii maqasheen anigoo leh Matheus Fernandes waa bartilmaameed kale ay kooxda Manchester United Eegayso, Taas waxaa toddobaadkii hore xaqiijiyay warbaahino badan – wax cusub ma aha” ayuu Jacobs ku yiri United Stand.
“kooxda Manchester United waxay wada hadalo la leedahay dhinaca ciyaaryahanka muddo dheer, sida la ii sheegay 4 ilaa 6 toddobaad, waxayna doonayaan inay ogaadaan haddii ciyaaryahanku u furan yahay heshiiska, waana uu u furan yahay, balse waxay ku xiran tahay haddii West Ham ay sii joogto ama ka u dhaadhacdo Championship-ka.
“Haddii ay sii joogaan kooxda West Ham, heshiiska waxay u badan tahay inuu meesha ka baxo, ugu yaraan haddii aan lacag badan lagu bixin ciyaaryoyga sababtoo ah West Ham way dagaalami doontaa si ay u sii haysato xiddigan. ilaha West Ham xitaa waxay sheegayaan inay la fariisan doonaan ciyaaryahanka oo ay siin doonaan heshiis cusub oo ka wanaagsan kan Manchester United usoo bandhigayso.
“Haddii ay aadaan Championship-ka markaas arrintu way xiiso badan tahay, sababtoo ah ciyaaryahanku ma doonayo inuu ka ciyaaro Championship-ka. Weli lacag ayaa loo baahan doonaa oo ka badan tii West Ham bixisay, taas oo ahayd £38 milyan iyo £4 milyan oo gunnooyin ah.
“Haddii aad haysato miisaaniyad £70 milyan ah, ama laga yaabee £75 milyan, ciyaaryahan kasta oo khadka dhexe ah Matheus Fernandes wuxuu noqon doonaa mid ka jaban qaar kamid ah magacyada kale, taasoo laga yaabo inay u ogolaato miisaaniyad dheeraad ah ciyaaryahan khadka dhexe ah oo qiimihiisu ku dhow yahay £100 milyan.”
“Waxay noqon doontaa wax ku dhow aan suurtagal ahayn in la sii hayo…”
Hadda, warbixin kasoo baxday Wargeyska Football Insider oo uu qoray Journalist-ga Pete O’Rourke ayaa sheegaysa in Man Utd hadda “dardargelinayso weerarka” ay ku doonayso Mathues Fernandes, kaas oo noqon doona mid aan suurtagal ahayn in la sii hayo haddii West Ham ay Championship-ka aado.
“Manchester United iyo kooxo kale oo badan ayaa rajeyn doona inay ka faa’iideystaan haddii West Ham ay Championship-ka u dhaadhacaan
“Wuxuu ku jiraa liiska dheer ee bartilmaameedyada khadka dhexe ee ay eegayso United.
Waxuu intaas ku daray Journalist-ga:
“Haddii West Ham ay u dhaadhacdo Heerka Labaad, waxay noqon doontaa wax ku dhow aan suurtagal ahayn in la sii haysto khadka dhexe ee reer Portugal sababtoo ah waxaan hubaa inuusan doonayn inuu ka ciyaaro Championship-ka.
“Waxaa jiri doona kooxo badan, ma aha oo kaliya Manchester United, kuwaas oo si dhow ula socon doona Fernandes iyo sidoo kale dagaalka badbaadada West Ham.
“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto dagaal aad u adag oo West Ham ay kula jirto sii haysashada ciyaaryahanka, gaar ahaan haddii ay dhacaan.”
Taageerayaasha Man United Ninkaan kawarama Hadii la idin Keeno Dhanka hoose Ee Halkaan Fikirkaaga inagula wadaag ?
