Lionel Messi oo ka Hadlay Xifaaltankii u dhaxeeyay isaga iyo Cristiano Ronaldo

Lionel Messi ayaa wareysi gaar ah siiyay kanaalka lagu magacaabo Lo Del Pollo isagoo ka hadlay noloshiisa cusub ee Miami, mustaqbalkiisa xulka Argentina, inuu jeclaan lahaa Neymar inuu World cup kaan ciyaaro, Xifaaltanka ka dhaxeeyay isaga iyo Cristiano Ronaldo iyo arrimo kale oo badan.

Messi oo ka hadlay nolosha Magaalada Miami iyo kooxda Inter Miami

Messi ayaa sheegay inuu hadda si weyn ula qabsaday magaalada Miami isla markaana uu ku faraxsan yahay nolol maalmeedkiisa iyo qoyskiisa.

Messi ayaa yiri: “Wax walba way fiican yihiin, waxaan ku noolnahay Nolol wanaagsan oo daggan, qoyskeygana xaaladdiisu waa wanaagsan tahay, Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay Halkaan” ayuu yiri Messi.

Markii la weydiiyay sida uu u arko horumarka kooxda Inter Miami tan iyo markii uu yimid, Messi wuxuu sheegay in kooxda markii hore ay ahayd koox dhismeysay, balse hadda ay si weyn usii korortay.

Messi oo dhahay: “Markii aan imid kooxda wali waxay ahayd bilow Waxaa jiray waxyaabo badan oo u baahnaa in lagu saneeyo isbeddel iyo horumar. Si tartiib tartiib ah kooxda way u kortay, waxaana muuqata isbeddelka dhinaca ciyaarta iyo maamulka labadaba,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in marka kooxdu sii korto ay si dabiici ah u rabto inay la soo wareegto ciyaartoy waaweyn si ay koobab ugu guuleysato, balse kubadda cagtu aysan mar walba sidaas fudud u shaqeyn.

Messi ayaa yiri: “Mararka qaar waad guuleysataa, mararka qaarna maya. Kubaddu waxay ku xirantahay xaalado iyo waqtiyo muhiim ah.”

Messi oo la kulmay Franco Colapinto

Messi ayaa sidoo kale ka hadlay darawalka Formula 1 ee Franco Colapinto oo uu dhowaan la kulmay.

Messi wuxuu sheegay inuusan horay xiriir ula lahayn Franco, balse ay isku barteen dad ay wada yaqaanaan.

Messi: “Wuxuu ii soo diray koofiyad racing ah, sidoo kalena waan ogaa inuu muddo dheer doonayay inuu ila kulmo. Markii ay halkan u yimaadeen tartanka ayaan ugu dambeyn is aragnay. Runtii waa nin wanaagsan.”

Messi ayaa sheegay inuusan jeclayn inuu dadka siiyo talooyin badan, balse Franco uu u baahan yahay inuu isagu nolosha iyo cadaadiska barto.

Messi oo Hadlaya ayaa yiri: “Marka aad iftiinka saaran tahay wax walba ayaa ku soo wajahaya — wanaag iyo xumaanba. Waxa ugu muhiimsan waa inaad ogaato dadka dhab ahaan kuu garab taagan marka xaaladdu adag tahay.”

LIONEL MESSI OO KA HADLAYA ARJENTINA IYO KOOBKA ADUUNKA:

Messi ayaa sheegay in Argentina national football team ay ku jirto xaalad wanaagsan inkastoo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale ay jiraan.

Messi ayaa yiri: ” Xulka si fiican ayuu u ciyaareyaa, Ciyaartoy badan ayaa muujiyay inay awood u leeyihiin tartanka. Xulkani mar walba waxuu rabaa inuu guuleysato.”

Si kastaba, Messi wuxuu sheegay in Koobka Adduunka uu yahay tartan aad u adag oo ay jiraan xulal badan oo awood leh inay u tartamaan ayna ku guuleysan karaan

Messi Wuxuu xusay in xulalka ugu cadcad ay kamid yihiin:

• France

• Spain

• Brazil

• Germany

• England

• Portugal

Messi ayaa intaa ku daray: “Koobka Adduunka mar walba waxaa ka dhaca waxyaabo lama filaan ah, laakiin waxaa jira xulal badan oo heer sare ag ciyaartoydooda una dagaalama si ay Koobkaas mundiyaalka ay ugu Guuleystaan.”

MESSI OO KA HADLAY INUU DOONAAYO IN NEYMAR WORLD CUP KAAN CIYAARO:

Messi ayaa si gaar ah uga hadlay saaxiibkiis Hore Ee Neymar iyo suurtagalnimada ah inuu ciyaari karo Koobka Adduunkan.

Messi ayaa yiri: “Aniga ahaan si dhexdhexaad ah uma qiimeyn karo Xaalada Neymar sababtoo ah waa saaxiibkey. Dabcan waxaan rabaa inuu ciyaaro Koobka Adduunkan.”

Messi wuxuu sheegay in Neymar uu kamid yahay ciyaartoyda ugu fiican dunida, islamarkaana ciyaaritaanka World Cup kaan uu muhiim u yahay kubadda cagta.

Messi ayaa yiri: “Xitaa xaalad kasta oo uu ku jiro, Neymar mar walba waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican. Waxay u fiican tahay Brazil iyo guud ahaan kubadda cagta inuu ciyaaro koobkaan aduunka.”

Messi ayaa sidoo kale amaanay shakhsiyadda Neymar.

“Wuxuu leeyahay soo jiidasho gaar ah. Isagu iskama dhigo qof kale. Wuxuu ku nool yahay sida uu doonayo, wuxuuna sameeyaa waxa uu qalbigiisu dareemayo.”

MESSI OO KA HADLAY XIFAALTANKII U DHAXEEYAY ISAGA IYO RONALDO:

Messi ayaa sidoo kale ka hadlay xafiiltankii taariikhiga ahaa ee kala dhexeeyay Cristiano Ronaldo mudadii ay kubada cagta soo maamulayeen

Messi ayaa yiri: “Arrintaasi waa wax caadi ka ah kubadda cagta. Isaga wuxuu joogay kooxda Real Madrid, aniguna waxaan u ciyaaraye kooxda Barcelona. Waxaan u tartamaynnay koobab iyo Abaalmarino shaqsiyadeed”

Messi wuxuu sheegay in dadka kubadda cagta jecel ay mar walba sameeyaan isbarbardhigyo, taasina ay sii xoogeysatay kadib markii labadooduba guulo badan ka gaareen kubada cagta.

Messi ayaa mar kale ka hadlay: “Xafiiltankaasi si dabiici ah ayuu u dhacay, wuxuuna ku ekaa garoomada dhexdeeda.”

Messi ayaa sidoo kale sheegay inuusan Ronaldo la lahayn saaxiibtinimo dhow sababtoo ah si yar ayay isu arki jireen, balse xiriirkoodu mar walba uu ahaa mid wanaagsan.

Messi ayaa Hadalkiisa kusoo gabagabeeye: “Wax walba waxay ku jireen xadka ciyaaraha. Waxaan u maleynayaa inay ahayd waqti cajiib ah oo dadka aad ugu riyaaqeen.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *