Sida ay sheegayaan warbixinno rajadii Marcus Rashford ee ahayd inuu si joogto ah ugu biiro FC Barcelona kana tago kooxda Manchester United ayaa wajahday caqabado cusub.
Mustaqbalka Rashford wali ma cadda ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan, kadib markii uu xilli ciyaareedka 2025/26 amaah ugu qaatay Barcelona.
Xiddiga reer England ayaa Barcelona ugu biiray heshiis amaah ah oo ay ku jirto ikhtiyaar ay £26 milyan ugu iibsan karto xagaagan. Waxa uu kooxda Barcelona ku lug yeeshay season kaan 28 gool iyo caawin (goal involvements) 47 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Tani waa wax lala yaabay maadaama dad badan ay shaki ka qabeen inuu waqti ciyaareed heli doono isagoo la tartamaya Raphinha iyo Lamine Yamal, balse wuxuu dhaafay dhammaan filashooyinkii laga qabay oo waxa uusoo bandhigay Xilli ciyaareed cajiib ah
Kulankii ugu dambeeyay Rashford ayaa laad xor ah oo cajiib ah ka dhaliyay kooxda Real Madrid si uu Barcelona uga caawiyo inay ka adkaato Real Madrid kulanka El Clasico isla markaana ku guuleysato horyaalka La Liga. Markii ciyaarta kadib lala hadlay, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Camp Nou.
Rashford wuxuu yiri: “Anigu waxaan jeclahay inaan Halkaan kusii nagaado, Halkaan waa gurigeyga, Barça waxa ay qeyb ka noqotay qeyb ka mid ah Nolosheyda inta aan Halkaan joogo kooxdaan waxaan u qaban doonaa wax walbo aan awoodo”
“Waan arki doonaa Mustaqbalka waxii dhaco Kubadda cagtu waa wax aan la saadaalin karin, laakiin hadda waxaan rabaa inaan ku raaxeysto waqtigan oo aan dib u qiimeeyo dhammaadka xilli ciyaareedka si aan u arko waxa suurtagal ah.” waa siduu yiri Rashford
Si kastaba ha ahaatee, wali lama oga in Barcelona si rasmi ah ula wareegi doonto sababtoo ah dhibaatooyinkooda dhaqaale ayaa laga yaabaa inay ka hor istaagaan bixinta £26 milyan Ee Rashford.
Warbixin ka timid Wargeyska TEAMtalk Sports ayaa sheegaysa in kooxda reer Spain ay raadineyso heshiis kale oo amaah ah si ay Rashford ugu sii haystaan hal xilli ciyaareed oo dheeraad ah, laakiin Manchester United arrintaas kuma qanacsana, waxayna aaminsan yihiin in koox kale ay diyaar u noqon karto bixinta £26 milyan haddii Rashford baxayo, man united waxay leedahay maxaan meel aan ciyaartoygeyga lacag liigu siinaynin oo hadertaan leyga gadanaynin meesha muxuu iigu sii joogaa kooxo kale oo iiga iibsanayo ayaan helayaa
Dhanka kale Mushaarka Rashford ayaa sidoo kale noqday caqabad kale oo Barcelona haysata. Warbixintu waxay sheegtay in mushaarkiisa Manchester United uu kor u kici doono 25% kadib markii kooxda ay u soo baxday Champions League xilli ciyaareedka dambe, taasoo ka dhigaysa inuu qaato mushaar aad u sarreysa.
Dhinaca kale waxaa suuragal ah inuu Rashford dib ugu laabto gigada Old Trafford.
Madaxdii hore ee kormeerayaasha Manchester United, Mick Brown, ayaa yiri:
“Barcelona dabcan way rabtaa inay si joogto ah ula saxiixato Rashford, Laakiin hadda sida ay wax u socdaan wali waa ciyaaryahan Manchester United ah. Haddii heshiis dhinacyada oo dhan u wanaagsan la gaari waayo, wuxuu dib ugu laaban doonaa United dhammaadka xilli ciyaareedkan, Haddii uu kusoo laabto Manchester United waxaan maqlayaa in wali ay jirto fursad xiriirka dib loogu hagaajin karo haddii isaga iyo kooxda ay sidaas rabaan, Waxaana u arkaa inuu ku habboonaan karo kooxdan Manchester United, gaar ahaan booska ay doonayaan inay xoojiyaan”
“Marxaladdan lama diidi karo inuu dib ugu soo laabto kooxda Man United, sababtoo ah Manchester United diyaar uma aha inay si raqiis ah ku iibiso, taasina waxay ku adkeyn kartaa Barcelona inay heshiis gaarto.
“Kadibna isaga iyo kooxda ayaa go’aansan doona tallaabada xigta, inay sii wada shaqeeyaan ama uu meel kale u wareego.”
Fikirkaaga inagula wadaag Ma Barça ayuu si toos ah ugu biirayaa mise Kooxdiisii Hore Ee Man United ayuu ku laaban karaa ?
