Kooxda Barcelona oo uu hoggaaminayo tababaraha Hans Flick ayaa habeenkii Talaadada ciyaartay kulan ka tirsan horyaalka La Liga, iyaga oo la ciyaaray kooxda Atletico Madrid. Kulanka oo ka dhacay garoonka Camp Nou, kana tirsanaa kulamada horudhaca ah ee usbuuca 19-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka 2025/26, ayaa Barça ku guuleysatay 3–1.

Barcelona waxay heshay fursad dhaliyin ah daqiiqaddii 9-aad markii Raphinha uu sameeyay laad halis ah laakiin kubbadda waxay ka dul martay birta. Atletico Madrid ayaa shabaqa Barcelona ku hubsaday gool daqiiqaddii 19-aad, waxaana dhaliyay Álex Baena isagoo ka faa’iideystay qalad dhanka isku xirka difaaca Barça, balse garsooraha ayaa marki hore ka noqday goolka isagoo sheegay in uu offside jiro.

Si kastaba, VAR ayaa dib u eegis ku sameysay goolka ka hor inta aan si rasmi ah loo ansixin, waxaana Atletico ka dhigtay 1–0. Daqiiqaddii 26-aad, Raphinha ayaa soo celiyay Barcelona isagoo dhaliyay goolka barbaraha, kadib baas qurux badan oo uu ka helay Pedri.

Kubadda ayuu si wacan u qaatay, wuu ka leexday goolhayaha, wuxuuna si xirfad leh ugu dhaliyay shabaqa. Barcelona waxay heshay rigooro daqiiqaddii 35-aad kadib markii Dani Olmo lagu galay xerada ganaaxa, laakiin Robert Lewandowski oo tuuray ayaa si xoog ah u dhiftay kubbadda oo ka dul baxday birta. Daqiiqaddii 65-aad, Barça waxay dhalisay goolka labaad oo uu dhaliyay Dani Olmo, kadib baas kale oo uu ka helay Pedri.

Kubaddu waxay timid Lewandowski oo si liidata uga falceliyay, laakiin Olmo ayaa si degdeg ah u dhameystiray, inkastoo uu dhaawac ku dhacay isla markiiba.
Hans Flick ayaa qasbay in uu beddelo Olmo dhaawac darteed, waxaana soo galay Ferran Torres, sidoo kale Lewandowski ayaa baxay waxaana beddelay Marcus Rashford. Daqiiqaddii 76-aad, Pedri ayaa dhulka ku dhacay isagoo dhaawac ah, taasoo ku qasabtay Flick inuu ku beddelo Marc Casadó.

Atletico ayaa ku dhowaaday goolka barbaraha daqiiqaddii 78-aad markii Almada uu si qurux badan u orday kana siibtay difaaca, laakiin si xun ayuu u tuuray kubbadda oo banaanka ka baxday.
Daqiiqaddii 88-aad, Barcelona waxay sameysay beddel difaac oo kale, Lamine Yamal ayaa baxay, waxaana soo galay Andreas Christensen, si loo xoojiyo difaaca lana ilaashado 3-da dhibcood.

Daqiiqaddii 96-aad, Ferran Torres ayaa dhammeystiray natiijada isagoo dhaliyay goolka saddexaad, kadib baas uu ka helay Marcus Rashford, taasoo gebi ahaanba dishay rajadii Atletico.
Natiijada kama dambaysta ah:
Barcelona: 37 dhibcood – kaalinta 1-aad
Atletico Madrid: 31 dhibcood – kaalinta 4-aad
