Xulka Somalia oo Guuldaro aan uqalmin ayku dhacday habeen ay wacdareeyeen

Xulka Qaramada Cuman ayaa maanta Arbacada kaga adkaaday dhiggiisa Somalia kadib rigoorayaal  go’aamin noqday, taasoo qeyb ka ahayd kulamada isreeb-reebka u soo baxa wareegga kooxaha ee Koobka Carabta 2025.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Jassim bin Hamad ee magaalada Doha ee caasimadda Qatar, ayaa lagu kala bixi waayay waqtiga caadiga ah oo ku dhammaaday 0–0, waxaana ugu dambeyn Cuman ku adkaatay rigooreyaal 4–1 ah.

Xulka Cumar wuxuu imaanayaa Kooxda B ee Koobka Carabta 2025, taas oo ay ku sugan yihiin xulalka Morocco, Saudi Arabia, iyo kooxda soo baxda kulanka Yemen vs Jasiiradda Comoros.

Qatar ayaa martigelinaysa tartanka Koobka Carabta 2025, kaas oo dhacaya 1 ilaa 18 December, iyadoo ay ka qeyb galayaan 16 xul qaran.

Tartanka ayaa si rasmi ah ku furmi doona Isniinta 1 December, waxaana kulanka furitaanka isku arkaya Tunisia iyo Syria.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *