Liverpool ayaa rajaynaysa inay sameyso soo laabasho mucjiso ah marka ay la ciyaarayso Paris Saint-Germain lugta labaad ee wareegga sideed dhammaadka koobka UEFA Champions League, taas oo ka dhici doonta Garoonka Anfield habeenimada Caawa.
Liverpool kulanka caawa waxaa ka seegi kara shan ciyaaryahan kulanka ay la ciyaarayso PSG. Kooxda Reds ayaa soo dhoweyn doonta PSG iyadoo rajaynaysa inay ka soo laabato guuldarro 2-0 ah oo ay kala kulmeen lugtii hore ee ka dhacday Garoonka Parc des Princes.
Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa si cad looga adkaaday shan maalmood ka hor, waxaana farqiga goolasha uu noqon lahaa mid ka weyn haddii PSG ay fursadihii ay qasaariyeen ka faaidaysan lahaayen, maadaama ay sameeyeen 18 shoot, lix ka mid ah bartilmaameed ah, afar fursadood oo waaweyn, isla markaana ay abuureen 2.35 xG (expected goals). Si kastaba ha ahaatee, Liverpool waxay ka soo baxday lugtii hore ee garoonka Parc des Princes iyadoo kaliya lagu hoggaaminayo 2-0, kadib goolal ay kala dhaliyeen Desire Doue iyo Khvicha Kvaratskhelia, kuwaas oo kala yimid labada qeyb ee ciyaarta.
Arrintan ayaa weli siinaysa fursad dhab ah oo ay kaga gudbi karaan PSG isla markaana ay gaari karaan semi-finalka Champions League markii ugu horreysay afar sano gudahood. Si kastaba, Slot waxaa la filayaa inay ka maqnaan karaan ugu yaraan afar ciyaaryahan kulanka Anfield, kuwaas oo kala ah Alisson Becker, Wataru Endo, Giovanni Leoni iyo Conor Bradley, kuwaas oo wali dhaawac ku maqan.
Alisson ayaa dhaawac cusub soo gaaray ka hor fasaxa caalamiga ah ee bisha Maarso, waxaana Slot uu xaqiijiyay usbuucii hore in goolhayaha reer Brazil uusan soo laaban doonin ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan sababo oa xiriira dhaawac aad u daran. Si kastaba, waxaa jira rajo ah inuu ciyaari karo kulanka ay la leeyihiin Manchester United bilowga bisha soo socota.
Endo ayaa xilli ciyaareedkiisa si degdeg ah ku soo afjaray kadib markii uu dhaawac culus oo cagta ah ka soo gaaray kulankii ay kaga badiyeen Sunderland bishii February. Si kastaba, ciyaaryahanka reer Japan wuxuu rajaynayaa inuu soo laabto ka hor Koobka Adduunka ee xagaagan.
Leoni ayaa dhaawac ka soo gaaray seedaha jilibka dhaawac (ACL) ah kulankiisii ugu horreeyay ee uu ka hor yimid Southampton bishii September 2025, waxaana la filayaa inuu maqnaado ilaa bilowga xilli ciyaareedka soo socda. Bradley isna waa dhaawac muddo dheer ah kadib markii uu jilibka ka dhaawacmay kadib kulankii barbaraha goolal la’aanta ahaa ee ay la galeen Arsenal bishii Janaayo.
Curtis Jones ayaa ah ciyaaryahanka shanaad ee Liverpool ee laga yaabo inuu seego kulanka PSG kadib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray guushii 2-0 ee ay ka gaareen Fulham Axaddii. Wuxuu hoos u dhacay isagoo aan cid la taaban, waxaana la arkayay isagoo qabtay qaybta caloosha hoose (gumaarka) ka hor inta aan lagu beddelin Ryan Gravenberch.
Slot ayaa bixiyay war niyad-jab leh markii uu ka hadlayay xaaladda Jones kadib kulankii Fulham, isagoo sheegay inuusan aaminsaneyn in ciyaaryahanku diyaar u noqon doono kulanka PSG. Wuxuu u sheegay Sky Sports:
Slot oo ka hadlaayo Jones ayaa waxa uu yiri:
“Wuxuu dareemay xanuun yar oo caloosha ah. Ma ahayn hal mar, wuxuu dareemayay dhowr daqiiqo. Aan rajeyno waxa ugu fiican, laakiin waan la yaabi lahaa haddii uu diyaar u noqdo kulanka PSG.”
Si kastaba ha ahaatee, Jones ayaa la arkay isagoo tababar la qaadanaya saaxiibadiisa kahor kulanka, taas oo dhiirrigelin weyn u ah Liverpool. Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda ka qayb qaadanaysay tababarka AXA Training Centre duhurnimadii Isniinta ahayd.
Dhanka PSG, waxay heleen war wanaagsan oo dhaawac ah kahor lugta labaad, iyadoo Bradley Barcola uu dib ugu soo laabtay kooxda. Ciyaaryahanka reer France ayaa maqnaa muddo bil ah kadib dhaawac culus oo canqowga ah oo ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen Chelsea wareegga 16-ka Champions League.
Barcola, oo seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee PSG iyo sidoo kale kulamadii saaxiibtinimo ee xulka France ee ay la ciyaareen Brazil iyo Colombia, ayaa lagu daray kooxda u safreysa gobolka Merseyside ka.
Si kastaba, Fabian Ruiz iyo Quentin Ndjantou ayaa wali dhaawac ku maqan, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee ciyaartoyda ka maqnaan karta labada kooxood inay gaarto toddoba ciyaaryahan.

Abdifitax
Alx for ever