PSG o Cashar u dhigtay Liverpool – Slot oo la dhaleeceyey

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sameeyay isbeddel xeeladeed oo keeni kara in kooxdiisu ka harto Champions League kadib guuldarro ay kala kulmeen Paris Saint-Germain.

Aan marka hore eegno sababta uu Slot u beddelay qaab ciyaareedka Liverpool, isagoo adeegsaday nidaam saddex daafac ah formation ka uu isticmaalayna waa (3-4-2-1), taas oo inta badan ciyaartoyda kooxdu aysan muddo dheer ku ciyaarin heerka naadiga. Qaabkan ay PSG wajahday kulankan ayaa horey dhibaato ugu keenay, waxaana xitaa la sheegay in haddii aysan dhicin kaarar cas oo khaldan, Monaco ay qaabkan ku reebi lahayd PSG Champions League.

Sidoo kale, waxaa jirta aragti sheegaysa in nidaamka uu Slot adeegsaday uu noqon karo mustaqbalka fog ee Liverpool. Xagaagii hore, kooxda waxay la soo wareegtay laba weeraryahan oo waaweyn, Haddii Mohamed Salah uusan ku jirin xilli ciyaareed cajiib ah, ama haddii ay heli lahaayeen Marc Guehi saacadaha ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, waxaa laga yaabi lahaa in Liverpool horey ugu ciyaari lahayd qaab saddex ama shan daafac ah.

Laakiin dhibaatadu waxay tahay, tani ma aha qaab ay Liverpool si joogto ah u isticmaasho, taas oo si cad uga muuqatay guuldarradii 2-0 ee PSG lugta hore ee quarter-final-ka kasoo gaaray. Xaqiiqdii, tan iyo markii Slot yimid, Liverpool hal mar oo kaliya ayay u ciyaartay qaabkan.

Haddii dib loo eego, tan iyo xilli ciyaareedkii 2020-21, Liverpool waxay ciyaartay 282 kulan oo Premier League iyo koobabaka Europe laga ciyaaro, dhammaantoodna waxay ku ciyaareysay afar daafac. Sidaas darteed, waa wax la fahmi karo in ciyaartoydu aysan si fiican ula qabsan qaabkan cusub ee degdega ah.

Falanqeyn ka hor kulanka ayaa laga yaabaa inay sheegto in PSG ay ku liidato marka ay la ciyaarto saddex daafac, balse taasi waxba matarayso haddii aadan si fiican u ciyaari karin qaabkaas. Waxaa si degdeg ah loo arkay qaladka, markii Virgil van Dijk uu isku dayayay inuu abaabulo daafaca intii lagu jiray qeybta hore—ciyaartoyduna ma aysan ogeyn halka ay istaagaan ama cidda ay ilaaliyaan.

Tani waxay noqoneysaa dhibaato weyn marka aad la ciyaareyso koox sida PSG oo si joogto ah u beddesha boosaska. Ousmane Dembele ayaa marar badan ka soo baxayay weerarka, taas oo soo jiidaneysay daafacyada Liverpool. Waxaa laga yaabaa in dhibaatadaas la xallin lahaa haddii mid ka mid ah daafacyada uu hore u soo dhaqaaqo, xitaa haddii uu yahay Van Dijk, inkastoo awooddiisu aysan sidii hore ahayn.

Arrintu waxay sii xumaatay markii Van Dijk, Joe Gomez iyo Ibrahima Konate ay mararka qaar si isku dhex yaac ah ugu soo baxayeen meelaha dhexe. Cadaadis ay saareen weeraryahanada PSG lama aysan socon ciyaarta oo dhan, taasoo keentay in marar badan PSG hesho meelo bannaan oo ay kubadda u gudbiso, gaar ahaan dhinacyada ay joogaan Achraf Hakimi iyo Nuno Mendes.

Haddii PSG ay si fiican u dhameystiri lahayd fursadaha, kulankani halkaas ayuu ku dhammaan lahaa oo Liverpool Nolol laguma soo tagi lahayn. Taageerayaasha Parc des Princes waxay ku riixayeen kooxdooda inay si buuxda u weerarto. Si kastaba ha ahaatee, PSG uma baahnayn dadaal badan si ay gool u dhaliso.

Goolka koowaad waxaa dhaliyay Desire Doue kadib qalad ka yimid Konate iyo jahawareer guud oo ka jiray daafaca Liverpool. Inkastoo ay sideed ciyaartoy ku jireen xerada ganaaxa, haddana ma jirin cadaadis ku filan oo joojin kara weerarka Psg, kubadduna waxay si lama filaan ah uga leexatay Ryan Gravenberch una gudubtay goolhaye Giorgi Mamardashvili.

Goolka labaad wuxuu yimid kadib isfaham la’aan kale, markan PSG ay si fiican u wareejisay boosaska. Khvicha Kvaratskhelia ayaa si xor ah uga baxay difaaca, taasoo keentay jahawareer kale oo dhaliyay gool kale.

Xaaladdu waxay sii xumaan lahayd haddii uusan Mamardashvili sameyn laheyn badbaadino dhowr ah. Sidoo kale, Konate ayaa ka badbaaday qalad kale kadib go’aan VAR ah.

Dhinaca kale, weerarka Liverpool aad ayuu u daciifay. Goolhayaha PSG wax shaqo ah ma qaban, waxaana kaliya hal kubbad oo halis ah ay Liverpool ka tuurtay xerada ganaaxa. Taabashada Ousmane Dembele ee xerada ganaaxa ayaa la mid ahayd dhammaan kooxda Liverpool.

Dhibaatooyinkan oo dhan ayaa muujinaya in xeeladdii Slot ay ahayd mid khaldan. Virgil van Dijk ayaa sheegay kadib ciyaarta: “PSG meel walba ayay ka dhaqaaqayaan, waa inaad si fiican ula xiriirtaa oo aad qaadataa khatar sax ah.”

Ugu dambeyntii, waxay u muuqataa in Slot uusan weli helin nidaam uu ku kalsoon yahay, inkastoo uu haysto ciyaartoy tayo sare leh. Isagoo isku dayaya inuu difaaca xoojiyo, wuxuu ka dhigay Liverpool koox aad u taxaddar badan, xitaa haddii ay ka dhigan tahay in weerarkooda uu daciifo.

Inkasta oo Liverpool ay wali tartanka ku jirto, tani ma ahan wax lagu faano. Xilli ciyaareedkii hore, kooxdani waxay la tartami kartay kooxaha ugu fiican Yurub, balse hadda waxay u muuqataa mid isku dayeysa xeelado aan la hubin.

Ugu dambeyntii, in kulanku uusan noqon mid masiibo ah waxay ka badan tahay khaladaadka PSG, halkii ay ka ahaan lahayd wax uu Slot si fiican u qorsheeyay.

 

🗞️Warbixintaan waxaa laga soo xigtay:

http://CBSSports.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *