Alejandro Garnacho oo Ka Qomameyay qaabkii uu uga Tagay Man United

Alejandro Garnacho ayaa sheegay inuu ka qoomameynayo qaabkii uu uga tagay Manchester United, isagoo qirtay inuu sameeyay “waxyaabo xun”.

Garnacho ayaa ka tagay Old Trafford xagaagii hore heshiis dhan £40m oo uu ugu wareegay Chelsea kadib markii uusan ka mid noqon qorshaha kooxda koowaad ee Ruben Amorim intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka.

Ka hor inta uusan ka tagin kooxda, Garnacho waxaa sawir laga qaaday isagoo xiran funaanadda Aston Villa oo dhabarka ku leh magaca Marcus Rashford.

Kadib guuldarradii United ka soo gaartay final-ka Europa League oo ay la ciyaareen Tottenham, taasoo Garnacho uu ku soo galay qeybtii labaad beddel ahaan, walaalkiis ayaa sheegay in lagu “tuuray hoosta baska”.

Garnacho oo hadlaaye ayaa yiri:

“Waxaan xasuustaa lixdii bilood ee ugu dambeysay inaanan u ciyaareyn sidii hore ee Manchester United. Waxaan bilaabay inaan kursiga keydka fariisto, taas ma ahan wax xun,”

“Waxaan ahaa kaliya 20 jir, laakiin maskaxdayda waxay ahayd inaan ciyaaraa kulan kasta. Maskaxdayda, laga yaabee sidoo kale aniga ayay iga timid, waxaan bilaabay inaan sameeyo waxyaabo xun.

“Laakiin haa, waxay ahayd kaliya waqti ka mid ah nolosha, mararka qaarna waa inaad go’aamo gaartaa, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo [Chelsea] isla markaana aan weli ku jiro Premier League koox sidan oo kale ah. Qof walba wuu ogyahay kooxda aan haysano iyo waxa aan sameyn karno.

“Mararka qaar waxaan leenahay waqtiyo fiican ama waqtiyo adag, waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo laakiin kooxdaysa hore Manchester United, wax xun kama hayo inaan ka sheego kooxda, qofna kooxda ama saaxiibada. Waa kaliya waqti nolosha ah oo isbedela, nolosha ayaana sii socota.”

Markii la weydiiyay inuu ka qoomameynayo qaabkii uu uga tagay Old Trafford, Garnacho wuxuu yiri:

“Laga yaabee haa, sababtoo ah waan jeclaa kooxdaas. Waxay i siiyeen kalsooni tan iyo bilowgii.

“Laga soo bilaabo Spain, inay ikeenaan academy-ga, kadibna inay ikeeneen kooxda koowaad. Marka waxay noqotay sida afar ama shan sano, iyo jacayl weyn oo ka yimid qof walba.

“Taageerayaasha, garoonka, wax walba waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan. Waa kaliya mararka qaar waa inaad isbedel sameysaa si ay ugu fiicnaato noloshaada ama talaabooyinkaaga xiga. Waxaan hayaa oo kaliya xusuus wanaagsan oo ku saabsan Man Utd.”

Muxuu ka yiri Ruben Amorim kadib bixitaanka Alejandro Garnacho:

“Waad fahmi kartaa oo waad arki kartaa inuu yahay wiil aad u hibeysan, mararka qaarna waxyaabaha qaar ma shaqeeyaan,” ayuu yiri Amorim.

“Si gaar ah looma sharxi karo waxa ay tahay. Laakiin waxaan dareemayaa, waxaan u maleynayaa inay cadahay in Garnacho uu doonayo wax kale oo leh hoggaan kale, waanan fahmi karaa taas. Sidaas darteed ma ahan dhibaato.

“Mararka qaar waxaad la qabsataa hal qof, waxaadna leedahay xiriir. Mararka kale, waxaad rabtaa caqabad cusub, sidaas darteed waxaan isku dayeynaa inaan wax walba ka dhigno kuwo u wanaagsan dhammaan dhinacyada. Kooxda, tababaraha iyo ciyaartoydaba. Waa arrin dabiici ah oo kubadda cagta ka mid ah.”

Warbixin kale oo quseeya United iyo Michael Carrick:

Michael Carrick wuxuu ku adkeysanayaa inuu xamili karo cadaadiska Man Utd iyadoo go’aan weyn soo socda

Inaad noqoto tababaraha Manchester United waxay noqotay shaqo aan suurtagal ahayn. Lix Macalin ayaa beddelay Sir Alex Ferguson kadib katigitaa kiisi Kooxda Manchester United, ugu dambeyn dhammaantood waxay ku jabeen cadaadiska. Xagaagan, mid toddobaad ayaa la dooran doonaa, waxaana muuqata in Michael Carrick uu ku socdo inuu noqdo ninkaas.

Iyadoo uu ku guuleystay toddobo ka mid ah 10-kii kulan ee uu qabtay tan iyo Janaayo isla markaana uu United u qaaday kaalinta saddexaad ee Premier League, Carrick wuxuu ka dhigay ku soo laabashada Champions League mid aad u macquul ah. Hadda waxay noqon doontaa wax lala yaabo haddii aysan ku dhammaan shanta sare.

Way adag tahay in si cad loo qeexo sifooyinka looga baahan yahay si ay guuleysto United. Waxay mareen ku dhawaad dhammaan dariiqyada. Jose Mourinho wuxuu ahaa guuleyste joogto ah. Louis van Gaal wuxuu ahaa khibrad leh. Erik ten Hag iyo Ruben Amorim waxay ahaayeen kuwa mashruucyada hoggaamiya.

Carrick wuxuu ku jiraa kooxda loo yaqaan ‘United DNA’. Si kale haddii loo dhigo, kooxda Ole Gunnar Solskjaer, taasoo leh culaysyo u gaar ah. Daciifnimada Solskjaer way muuqdeen, balse wuxuu si fiican uga gudbay cadaadiska Old Trafford marka loo eego qaar badan. Tani waa sifo uu Carrick u muuqdo inuu leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *