Barça oo go’aan cad ka gaartay Marcus Rashford

Marcus Rashford oo Go’aan cad ka gaartay kooxda Barcelona isagoo la filayo inuu dib ugu laabto kooxda Manchester United, Halka Jadon Sancho uu oggolaaday dib ugu laabto Kooxdiisii hore Ee Borussia Dortmund:

Rashford wuxuu si dhab ah u muujiyay waxqabad ku filan oo uu ku heli karo heshiis joogto ah oo Barcelona ah, balse dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxda Barça ayaa caqabad ku noqday in heshiiskaasi loo kordhin waayo.

Xiddiga Reer England Marcus Rashford ayaa dhaliyay 12 gool isla markaana waxa uu sameeye 13 caawin 43 kulan oo uu u saftay kooxda Barcelona, balse warbixin toddobaadkan kasoo baxday The Athletic ayaa sheegtay in Barcelona ay “xiisaha ay u qabeen Rashford uu noqon karo mid burbura”

Sida warbixintaas lagu sheegay, Barcelona waxay aaminsan tahay in Rashford – oo amaah uga yimid Man Utd – uu seegay fursad uu ku muujin lahaa awooddiisa intii Raphinha uu dhaawacnaa, waxayna hadda “ka fiirsanayaan” xulashooyin kale.

Sidoo kale, Fabrizio Romano ayaa tilmaamay in Rashford uu ku laaban karo Manchester United xagaagan saddex shuruudood awgeed, inkastoo ay jiri doonto xiiso badan oo kaga imaanaya kooxo kale oo Premier League ah iyo Europe haddii Barcelona ugu dambayn iska diido lawareegitaankiisa.

Go’aanka Barcelona ayaa cad: weeraryahanka England ma sii joogi doono kooxda Reer Catalonia marka xilli ciyaareedku dhammaado.

“Kooxda Barça ayaa si qoto dheer ayay u falanqeeyeen waxqabadkiisa. Gunaanadku waa cad: xulashada iibsiga ee ay la galeen Manchester United lama dhaqan gelin doono.”

Jadon Sancho oo oggolaaday inuu ku laabto Dortmund… mar kale

Sancho sidoo kale wuxuu ku jiraa albaabka bixitaanka ee Manchester United, iyadoo heshiiskiisu uu galay bilihii ugu dambeeyay.

Xiddiga 26 jirka ah wuxuu muujiyay qaab ciyaareed kala duwan intii uu amaahda ku joogay Aston Villa, waxaana weli la sugayaa haddii ay isku dayi doonaan inay si joogto ah u iibsadaan.

Laakiin arrintaas hadda waxay u muuqataa mid aan dhici doonin, kadib markii weriyaha Jarmalka Florian Plettenberg uu sheegay inuu doonayo inuu mar saddexaad ku laabto kooxda Borussia Dortmund waatii aan xalay aan soo post gareeye in Sancho mar kale u wareegi doono kooxda BVB.

Plettenberg wuxuu  bartiisa X ku qoray:

“Jadon Sancho wuxuu si mabda’ ahaan u oggolaaday inuu ku laabto kooxdiisii hore Ee Borussia Dortmund.

Waxaa jiray wadahadallo dhab ah, kooxda BVB-na waxay hayaan dhammaan xogta iyo tirooyinka.

Sancho wuu furanyahay, laakiin sidoo kale wuxuu haystaa dalabyo kale. Hadda waxay ku xiran tahay Borussia Dortmund haddii ay qaadi doonaan tallaabada xigta. Tababaraha Niko Kovac hore ayuu oggolaansho gudaha ah u bixiyay haddii maamulka ay go’aansadaan inay diiradda saaraan soo laabashada Sancho.”

Waxaa horey loo sheegay in Manchester United ay “aqbashay guuldarro” arrinta Sancho, kaasoo la filayo inuu ka tago kooxda si bilaash ah xagaagan.

Manchester United Sancho ayaa ka tagaya halka Rashford uu dib ugu soo laaban karo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *